Tuesday, March 31, 2015

Ban Ki-moon iyo Xasan Sheekh oo isla-qaatay qorshe lagu daad-guraynayo somalida ku dhaqan Dalka Yeman

Sheikh, 31 March 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa kulan ku wada yeeshay magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar, kaasoo ay kaga wadahadleen qodobbo ay ka mid yihiin sidii Soomaalida Qaxoontiga ku ah waddanka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Yemen looga soo daad-gurayn lahaa, inta aan la daad-gurayn ammaankooda iyo xaaladdooda nololeed ay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa ula socon lahayd, nabadgelyada Soomaaliya, la-dagaallanka Al-Shabaab iyo higsiga 2016-ka ee dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Xoghaye Ban Ki-Moon u sheegay in Dawladda Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo suuro-gelinaya in si buuxda loo fuliyo barnaamijyada la xidhiidha Hiigsiga 2016, isla markaana aanay jirin qorshe muddo-kordhin ah. Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa kulanka ka sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay ka shaqeyn doonto sidii Guddiyada muhiimka ee barnaamijka Hiigsiga 2016-ka ku hawlan ay u heli lahaayeen agabka iyo wax walba oo suuro-gelinaya fududeynta hawshooda.
Kulankaas ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu ku aqbaley codsi uu u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo ahaa in si deg-deg ah loosoo daad-gureeyo Qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku xanniban dalka Yemen ee ay dagaallada sokeeye ka socdaan.
Mr. Ban Ki-moon, ayaa sheegay in Hay’adda Qaxoontiga u qaabbilsan Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNHCR ay deg-deg u qiimeyn doonto qaabka ugu sahlan ee qaxoontiga Soomaalida ah ee Yemen ku xayiran looga soo saari lahaa, dibna loogu celin lahaa dalkooda Soomaaliya, inta ka horreysa daad-gurayntaasna ay si dhaw Hay’addaasi ula socon doonto ammaanka iyo xaaladdooda nololeed ee ay ku sugan yihiin.
Soomaaliya, ayaa qayb ka ah dalalka Jaamacadda Carabta ee Shirku uga socday magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar, halkaas oo la iskula qaatay in Ciidammo ay ku midaysan yihiin dalalka Jaamacadda Carabtu la dhiso iyo sidoo kale, la-dagaallanka Kooxda dagaalka kula jirta dawladda Sharciga ah ee Yemen, isagoo dagaalkaan ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen Sucuudiga oo ay waddamo kale weheliyaan bilaabay Arbacadii inna dhaaftay oo ay diyaarado ku duqeeyeen Saldhigyada Malleeshiyada Xuutiyiinta iyo magaalooyinka ay ku badan yihiin, markii ay xaaladdu gaadhay in xataa Madaxweynihii dalkaasi baxsado ka dib.
Himilomedia
Hargeysa

No comments:

Post a Comment