
“Gacan ka xaq-daran baa dishay, waxa kale oo aan halkan Bulshada reer Somaliland uga iftiiminayaa, sida amarkii Madaxweynuhu shalay ku baxay in saacaddaa aynu joogno uu Gacan-ku-dhiiglihi saaran yahay gacanta oo dacwaddiisu socoto, si deg-deg ahna waajibkiisa loo marinayo, taas ayaan ummadda reer Somaliland u bayaaminayaa oo aan u caddaynayaa in waajibkiisa si deg-deg ah loo marinayo.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan.
Marxuumka ayaa u dhintay Xabbad uu ku dhuftay Askari ka tirsan Booliska Somaliland gelinkii dambe ee Axaddii toddobaadkan, iyagoo markaa Safar ku marayey Marxuumka iyo Wefti uu ka mid ahaa oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo markaa marayey deegaannada Degmada Sabo-wanaag ee gobolka Maroodi-jeex.
Waxaanu Meydkiisu laba habeen iyo maalin yaallay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaanu ismaan-dhaaf ka dhashay Aaskiisa, inkasta oo markii dambe laga heshiiyey, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo amar ku bixiyey in waajibaadka sharciga ah la mariyo Askariga geystay dilka Marxuum Gacmo-dheere.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment