Thursday, April 30, 2015

Maareeyihii Telefishanka Qaranka oo la beddelay iyo magaca Masuul Cusub oo la magacaabay

Hargeysa (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wareegto uu caawa soo saaray waxa uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas,  waxaanu beddelkiisa Maareeyaha Guud ee Telefishanka Cabdi Cali Mahdi oo ah masuul ku cusub saaxadda siyaasadda.
Haseyeeshee, Maareeyihii hore Khadar Cali Gaas waxa uu madaxweynuhu u magacaabay inuu noqdo La-taliyihiisa Gaarka ah ee Xidhiidhka Warbaahinta, sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada.

maareeyahaWarsaxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3252/042015 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka, isaga oo maareeyihii horena u bedelay, una magacaabay Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Soo jeedimihii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi Cali Mahdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Beddelka Maareeyihii hore iyo magacaabistiisa.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Khadar Xasan Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Xisbiga Waddani Oo Dalka Dib U Soo Laabtay Islamarkaan Si Diiran Loo Soo Dhaweeyey

Hargeysa (Himilo)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhameystay socdaal caafimaad oo uu dibada ugu maqnaa.

[gallery ids="18824,18825"]

Cabdiraxmaan cirro oo ka soo dagay gegida dayuuradaha Cigaal International Airport ayaa waxa si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxda iyo taageerayaasha xisbiga waddani iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa warbaahinta kula hadlay qolka nasashada madaarka ee loo yaqaano VIP waxaanu ka xogwaramay ujeedada socdaalkiisii iyo waxyaalo kale oo la xidhiidha muddadii uu maqnaa waxaanu yidhi:- “Socdaalkaygii aan dibada ugu maqnaa waxa uu ahaa mid caafimaad, balse waxaad moodaysay in dadka qaarkiina ii soo ducaynayeen, qaarna habaartamayeen, Illaahay waxa uu aqbalay ducadii. Cirro waxa kale oo ka hadlay muddadii uu maqnaa warar warbaahinta qaarkood baahiyeen “Muddadii Aan Maqnaa Sidii Caadada U Aheyd Wargeyso Iyo Website-yo Ku Xidhan Xukuumada ayaa Waxay Iga Qoreen Warar Been Ah, Wararkas Beenta Ahna Waxa Ugu Danbeeyey Warqad Ay Yidhaahden Guddoomiye Ciro Ayaa U Qorey Dalka Finland Waxaan Ummadeyda Reer Somaliland Iyo Tageerayaasha Xisbiga Waddani aan U Sheegayaa Una Cadeynayaa In Aanay Wararkaasi Waxba Ka Jirin Balse Ay Tahay Beentii Awalba La Iga Qori Jiray.”
Sidoo Kale Waxaa Uu Guddoomiye Ciro Uu Ka Hadlay Muddo Kordhinta La Filaayo In Golaha Guurtidu U Sameyn doono Xukuumada iyo golaha wakiilada isagoo ka Digey In Muddo Kordhintaasi Ay Ka Badato Inta Ay Kominshanka Doorashooyinku Codsadeen Oo Hal Sanno Ah .
Ugu Danbeyntii Waxa Uu Guddoomiye Ciro Oo Socod Lug Ah Kaga Soo Baxay Qolka V.I.P Ee Madaarka Hargeysa Isagoo Socdaalkaasi ku soo dhexmaray dadweynihii tirada badnaa ee soo dhaweeyey waxaanu dadweynaha uga mahad naqay siday u soo dhaweeyeen isagoo ugu baaqay inaanay aqbalin muddo kordhin ka badan muddada uu hore komishanku u shaaciyey.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka Hargeysa oo ay ku geeriyoodeen Ajaanib iyo Muwaaddiniin u Shaqaynayey mid ka mid ah Hay’adaha caalamiga ah

Dalkuu u dhashay Ajaanibka ku dhintay Shilka gaadhi ee ka dhacay duleedka Hargeysa, Derajadiisu-se maxay ahayd?
Hargeysa, 30 April, 2015-(Himilo)- Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay Shil Gaadhi oo ka dhacay duleedka Caasimadda Hargeysa, kuwaasoo u kala dhashay dalalka Somaliland iyo Spain oo ka tirsanaa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka ee FAO, kana kala tirsanaa Xafiisyadeeda Hargeysa iyo Nairobi.
Shilkan Gaadhi, ayaa ka dhacay Bariga magaaada Hargeysa gaar ahaan goob lagu qiyaasay inay 15-KM u jirta Kaantarroolka Halleeya, gaar ahaan meel u dhaw deegaanka Aw Barkhadle ee Jidka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, kaasoo dhacay gelinkii dambe ee Arbacadii shalay, ka dib markii uu Gaadhi nooca Waaraadka loo yaqaanno ah oo Lo’ u siday dhinaca Berbera uu dul-maray Gaadhi Langaruser (Laangaruuusal) kuwa Hay’aduhu kaxaystaan ah oo ka yimi dhinaca Berbera oo ay la socdeen Saraakiisha shilkaas ku dhintay ee ka hawlgalayey Hay’adda FAO.
shil 2 shil 1Labadan qof ee ku geeriyooday Shilkan Baabuur, ayaa kala ah Jorge Torrens oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Kalluumeysiga u qaabbilsan Hay’adda FAO oo fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isla markaana hawl shaqo u yimid dalka Somaliland, isagoo maalmihii u danbeeyeyna ku sugnaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Ninka labaad ee Shilkan ku geeriyooday ayaa isna la odhan jiray Marxuum Yaxye Xirsi, Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxa uu ka mid ahaa Darawallada Baabuurta Hay’adda FAO Xafiiskeeda Somaliland, isagoo Waday Gaadhigan Shilka galay.
Meydka labadan qof ee ku dhintay Shilka Gaadhi, ayaa la geeyay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana Ciidammada Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland bilaabeen baadhitaanka la xidhiidha sidii uu Shilkaasi u dhacay. Waxaana la filayaa in Khamiista maanta magaalada Hargeysa lagu aaso Marxuumka reer Somaliland ee Yaxye Xirsi, halka la filayo in Ninkan Ajaanibka ah loo duuliyo waddanka uu u dhashay ee Spain inkasta oo aan weli la xaqiijin.
Inkasta oo uu Wargeyska Himilo isku deyey inuu xidhiidh la sameeyo Taliska guud ee Booliska Somaliland, Taliska Ciidammada nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafikada iyo Hay’adda FAO Xafiiskeeda Hargeysa, haddana noomay suuragelin inaannu wax war ah dhinacyadaas si toosa uga helno, ka dib markii ay Taleefannadooda gacanta naga qaban waayeen marar kala duwan oo aannu xalay ka wacnay.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Tirada Qaxoontiga dagaallada Yemen ka soo cararay ee Somaliland soo gaadhay oo la Shaaciyey iyo Adeegyada loo qabto

Maxaa lagu garan karaa haddii Xuutiyiinta dagaalka wadaa soo dhex-raacaan Qaxoontiga Yemen ka imanaya?
Waxa ku jiray Qaxoontiga Saddex Haween ah oo Fooshu Dekedda Berbera ku qabatay, loolana cararay Cusbitaalka magaaladaas oo ay ku ummuleen
Berbera, 30 April, 2015-(Himilo)- Tirada dadka Qaxoontiga ah ee ka soo qaxay dagaallada ka socda waddanka Yemen ee soo gaadhaya dalka Somaliland, kuwaasoo lagu qaabbilo Dekedda magaalada Berbera oo ay ku soo xidheen illaa shan Doonyo iyo Maraakiib isugu jira oo Qaxoonti Soomaali, Yemeniyiin iyo Itoobiyaan isugu jira ka soo qaaday Xeebaha Yemen.

[gallery ids="18791,18790,18789"]

Dadka Qaxoontiga ah ee tan iyo dabayaaqada bishii hore soo gaadhay Dekedda magaalada Berbera ee dalka Somaliland, ayaa ah Kun, afar boqol iyo toddobaatan qof (1470), kuwaasoo u badan Soomaali, isla markaana ay weheliyaan illaa laba boqol oo qof oo u dhashay waddanka dagaalladu ka socdaan ee Yemen iyo Itoobiyaan kooban, kuwaasoo ay dawladda Somaliland oo kaashanaysa Hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha Qaxoontiga ka hawgalaa ku qaabbilaan Berbera.
Inta badan dadkan Qaxoontiga ah ayey loo kala qaaday deegaannada kala duwan ee ay u dhasheen ee Soomaaliya iyo Somaliland, iyaga oo dhammaan dadkaasi markay soo gaadhaan magaalada Berbera ee la dejiyo goob loogu talo-galay inay ku nastaan dadkaas ka dibna ay kala aadaan goobaha ay rabaan iyo sidoo kale goobo loo qorsheeyey.
Dadkan oo inta badan marka ay soo gaadhaan Berbera ay eheladooda ku kala dhaqan Somaliland iyo Soomaaliya gurmad u fidiyaan, isla markaana qaarkood eheladoodu halkaas ka soo qaadaan, iyaga oo geynaya deegaannadooda, halka kuwa Soomaaliya u dhashay ay eheladoodu lacag ay ku gaadhaan deegaannada badi Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, halka ay qaarkood iyagu is-anfacaan.
Tirada ugu yar ee ka tirsan Qaxoontiga Berbera soo gaadhay, ayaa u baahata gargaar, kuwaasoo aan helin ehel caawa, iyaguna aan dhaqaale ahaan isbixin karin, waxaana kuwaas qaabbila Wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland, Hay’adaha UNHCR, Bisha Cas iyo IOM, iyadoo Hargeysa looga soo gudbiyo Berbera. Sida uu caddeeyey Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil ahna Guddoomiyaha Guddiga qaabbilaadda Qaxoontiga Yemen ka imanaya ee Somaliland soo gaadhaya Xaamud Xuseen Cabdillaahi oo u warramay Weriye Barkhad Kaariye oo ka tirsan VOA laanteeda Afka Soomaaliga.
“Inta halkan aannu Kaam uga dhisayno loo qaboojiyo, waxaannu ugu talo-galnay in Hargeysa, Boorama iyo meelahaa qabawga ah aannu geyno…” sidaa ayuu VOA u sheegay Xaamud Xuseen Cabdillaahi. Waxaanu intaas ku daray in dadka Qaxoontiga ah ee Berbera soo gaadhay ay ku jireen saddex Haween ah oo Uur lahaa, isla markaana markii ay Berbera soo gaadheen Fooshu qabatay, loolana cararay Cusbitaalka guud ee magaalada Berbera halkaasoo ay ku ummuleen, gargaar Caafimaad-na uu sheegay in loogu fidiyey.
Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdiilaahi oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga qaabbilsan soo dhawaynta iyo qaabbilaadda Qaxoontiga Yemen ka imanaya ee Somaliland, waxa uu sheegay inay Laashash dheereeyaa ka qayb-qaataan soo dhawaynta iyo u fidinta gargaarka caafimaad ee ay u baahan yihiin qaxoontigu intaanay Doonayaha iyo Maraakiibta ay saaran yihiin kuba soo xidhan Dekedda Berbera, kagana hor-tagaan Badda dhexdeeda.
Mar Guddoomiye Ku-xigeenka Saaxil la weydiiyey waxa ay ku kala gartaan dadka qaxoontiga ah ee dhab ahaan u soo qaxay iyo dad ay dhici karto inay kaba tirsan yihiin Xuutiyiinta dagaalka ka wada Yemen oo ku soo dhex-dhuuman kara qaxoontiga, waxa uu ku jawaabay; “Waxaannu ku kala garan karnaa waannu kala naqaannaa, indho gaar ah oo loo eego ayay leeyihiin, dadka imanaya dumar iyo carruur bay u badan yihiin, waanannu wada baadhnaa, Ragga wixii aannu ka shakinana si gaar ah baannu u baadhnaa.”
Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Saaxil, waxa uu sheegay tirada illaa hadda soo gaadhay magaalada Berbera ee Qaxoontiga Yemen ka imanayaa dhan tahay 147 qof oo laba boqol ku dhawaad ka tirsani ay yihiin Carab ama Yemeniyiin iyo qoysas Itoobiyaan ah oo aad u kooban, waxaanu intaas ku daray inay weli sugayaan inay tirada qaxxoontigu intaas ka soo badato, isla markaana maalmaha soo socda ay filayaan in illaa toddoba boqol oo Qaxoonti Soomaali u badani soo gaadhaan Dekedda Berbera, kuwaasoo haddal ku hawlan ka soo bixitaanka waddanka Yemen ee ay dagaallada sokeeye iyo Duqaymaha Xulufada Carabtu ka socdaan.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), ayaa sheegay inaanay Maraakiibta iyo Doonyaha Qaxoontiga Yemen ka soo qaada ee soo gaadhsiiya Berbera u eegin Maamul Deked ahaan Shuruucda Socdaalka ay Gaadiidka kale ee Badda u eegaan. “Annaga doorkayagu ma yara, waa inaannu soo dhawayno oo aannu Dekedda ku qaabbilno dadka iyo waxay sitaan, si habsami ah u soo saarno ka dibna ku wareejinno Maamulka gobolka Saaxil.” ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera oo u warramay Weriyaha VOA-da Barkhad Maxamuud Kaariye.
Qaar ka tirsan dadka Qaxoontiga Soomaalida ah ee ka qaxaya dagaallada Yemen, ayaa Axaddii toddobaadkan ku dhintay Gantaal ay diyaaradi ku ridday iyagoo ku qaxayey laba Gaadhi oo midkood Bas ahaa, kuwaasoo tiradooda ugu yaraan 30 qof oo Soomaaliyeed ahaa, sida uu Saxaafadda u sheegeen Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ku leedahay magaalada Sanca ee dalka Yemen. Waxaanay dadka soo qaxaa sheegaan in dhibaatooyin badan oo dil, dhac, kufsi iyo tacaddiyo ah u geystaan Soomaalida dalkaas ku dhaqan Jabhadda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira dawladda dalkaas.
Waxaanay Somaliland iyo Soomaaliya-ba taageereen hawlgallada Millateri ee ay Xulufada Jaamacadda Carabta ee Sucuudigu hoggaaminayaa ka bilaabeen bishii hore dalka Yemen, iyagoo diyaaradohooda dagaalku duqaymo xooggan u geystay Xuutiyiinta dawladda dagaalka kula jira, inkastoo aan haddana awooddooda la wiiqin ee ay dagaallada ka dhan ah dawladda iyo Sunniyiinta Yemen sii wadaan Xuutiyiinta Shiicada ah oo dawladda Iran taageero Millateri ka hela. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa mar kale isna shalay ku celiyey inay dawladda oo kaashanaysa Hay’adaha caalamiga ah laga soo daad-gurayn doono waddanka Yemen maaddaama oo dad badan oo Soomaaliyeed lagu dhibaateeyey dalkaas tan iyo markii ay dagaalladu ka bilaabmeen.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Saylici oo bayaamiyey in Suldaan Wabar Faro Madhan ka taagan yahay Taageerada Reer Awdalka Qurbo-joogga ah

Hargeysa, 30 April, 2015-(Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay aragtida Qurbe-joogta reer Awdal ay ka qabaan Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo ka fallaagoobay Qaranka, isla markaana falalka nabadgelyo-darro ka wada Xudduudda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya.
Copy of SAYLICIMd. Saylici oo shalay mar uu ka soo laabtay Socdaal uu tan iyo bishii hore ugu maqnaa waddamada Maraykanka iyo Canada, Warbaahinta ugu warramay Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahiyey Aragtida dadka reer Awdal ee qurbaha ku nooli ka qabaan Suldaan Wabar, waxaanu sheegay inaanay jirin taageero la xusi karo oo dadkaasi u hayaan Suldaankaas buuraha galay.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in dadka Suldaaanka ra’yigiisa qabaa yihiin wax tiro yar oo aan in la xuso u baahnayn, waxaanuu intaas raaciyey inuu in badan ku qanciyey sida aan cidina uga xigin Somaliland. “Dad aad u faro badan oo muhiimad weyn la siiyo oo qiime badan ku fadhiya ma aha, waana in yar oo laga badan yahay (Minority), intii aan isgaadhnayna way ku qanceen markii aan is aragnay, waannu u sheegnay inaan Qarannimada iyo Somaliland aanay cidi ka lahayn, shalayna Madaxweyne ka ahaayeen dalka, maantana ay joogaan, dorraadna ay joogeen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo sii watay hadalkiisa, ayaa hoosta ka xarriiqay in Shacabka Reer Awdal intooda badani ay Taageerayaal buuxa u yihiin Somaliland, isla markaana farqiga iyo Kala Duwanaanshuhu ay yihiin wax nolosha caadiga ah ka mid ah, waxaanu yidhi; “Runtii dadka waxa laga soo qaataa intooda badan, Bani’aadamkuna Farqi wuu leeyahay, laakiin Boqolkiiba Sagaashan Reer Awdal-ka dibedda Joogaa waa Dad Reer Somaliland ah.”
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu Kulamo badan lasoo qaatay Jaaliyadaha reer Somaliland ee magaalooyinka waddamada Maraykanka iyo Canada ku dhaqan, isagoo si gaar ah Warbixinno uga dhegaystay Jaaliyadaha kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku dhaqan dalalka Maraykanka iyo Canada, waxaana uu xusay inuu ka haqabtiray in Reer Awdal ay yihiin Aasaasayaashii Somaliland, isla markaana aan cidina ka sheegan karin.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Guddiga Qaban-qaabada Munaasibadda 18-Ka May oo Farriin dareen Xambaarsan Shacabka u diray

Hargaysa, 30 April, 2015-(Himilo)- Guddiga dhawaan uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay qaban-qaabada iyo diyaarinta Munaasibadda dabbaal-degga 24-guurada kasoo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan 18-ka bisha May ee soo socota, ayaa shalay Kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay Caasimadda Hrageysa, waxaanay Warbaahinta uga warrameen sida ay hawshoodu u socoto.
18ka MayGuddigan oo fadhigoodani ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay diyaarinayaan sidii xus qiimo badan, kana duwan kuwii hore uu dalka uga dhici lahaa, isla markaana Shacabka looga baahan yahay inay Nabadgelyada ka shaqeeyaan.
Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada xuska maalinta Qaran ee 18-ka May Marwo Samsam Cabdi Aadan ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, ayaa shacabka ku dardaartay in ay ka feejignaadaan Cadawga Somaliland dagaalka kula jiraa inuu maalmaha farxaddooda ka faa’iidaysto, waxaanay tidhi; “Halkan waxaannu doonaynaa inaannu ka sheegno in Maalintan Qaran si mug weyn loogu talo-galay in looga qaybqaato dibedda iyo gudahaba, Qofkii Somaliland ku abtirsadaaba meesha uu doono ha joogee inuu si weyn uga qaybqaato Maalintaas miisaanka ay ku leedahay.”
“Gobollada dalka oo dhan waa laga qaban doonaa. Sannad kasta Halku-dheg ayaa la qaataa, sannadkan waxaannu halku-dheg uga dhignay markaanu falaqaynay Kooxdayadani; ‘Somaliland Dalkayga Doodi Kama Furna’. Ummadda reer Somaliland waxa loo sheegayaa in ay Dabbaal-degaan haddana ilaaliyaan nabadgelyada ay awal horeba ilaashan jireen haddana u hawl-galeen.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Caddare oo isaguna Xubin ka ah Guddigan, ayaa sheegay in Maalinta 18-ka May ee shacabku muujinayaan Cududdooda iyo in ay yihiin dal Madax-bannaan loona baahan yahay inay ilaaliyaan Nabadgelyada, Cadawga ku soo dhex dhuumanayana ka feejignaadaan iyaga oo ku adag nabadda iyo dawlad-wanaagga ay samaysteen.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada, Guddigana xubin ka ah, ayaa sheegay in Qarannimada Somaliland ay tahay lama-taabtaan aan gorgortan la gelin karin. Waxaanu Shacabka ugu baaqay in ay si wayn Cududdooda u muujiyaan inaanay doonayn dawladda Xamar sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda KalLuumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa si wada-jir ah u sheegay in qaban-qaabada iyo qabashada Xuska 18-ka May ee sannadkan 2015-ka aad loo waynaynayo, maaddaama oo ay Somaliland Beesha Caalamka ka doonayso Aqoonsi buuxa.
Wasiirka Deegaanka Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa Shacabka kula dardaarantay inay Nadaafadda ku dedaalaan, isla markaana deegaankooda ka muujiyaan qiimaha Munaasibadda oo ay qashinka si hawlkarnimo leh isaga hagaajiyaan.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in Sannad-guuradani kuwii hore kaga duwan tahay Horumar uu sheegay in ay gaadhay Xukuumadda ka soo jeedda Xisbiga KULMIYE ee uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo. “Sannad-guuradani kuwii hore waxa ay kaga duwan tahay Horumar dhinaca wanaagsan ay Xukuumaddani ka gaadhay, waxa ay Somaliland joogtaa xilli aanay baahi u qabin Carqalado xagga sare kaga yimaadda ama dibedda iyo gudahaba aanay waxba yeeli karin. Siddeed iyo Tobanka May Sannad-guurada 24-aad ee maanta sida halku-dhegga looga dhigay waa; ‘Somaliland dalkayga doodi kama furna’.”
Wasiir Cukuse, waxa uu sheegay in sannadkan la isla gartay in Hoggaamiyayaasha Maalintaasi ay noqdaan Saxaafadda Madaxa-bannaan, waxaana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi; “Waxa maanta laydinka doonayaa ee cududda ugu weyni tahay sannad walba ileen qolo, ayaa qaadaysa oo Dabka Shidaysa, sannadkan Saxaafadda Somaliland, ayaa Shidaysa, Kaalinta aynu sannadkan ku jirnaa dhex-dhexaad maaha ee waa 18-ka May oo qudha.”
Munaasibadda Dabbaal-degga Sannad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay maalintii Somaliland Qaranimadeeda dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa shacab iyo dawladba loo diyaar-garoobayaa sidii loo xusi lahaa, waxaana gudaha iyo dibeddaba dalka ka socda qabanqaabada Xafladihii Maalintaas lagu muujin lahaa Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Millateriga Nigera oo soo furtay in ka badan laba Boqol oo Gabdhood oo Boko Xaaraam Afduub u haystay illaa sannadkii hore

Sambisa, 30 April, 201`5-(Himilo)- Millateriga dalka Nigeria, ayaa sheegaya inay badbaadiyeen in kabadan 200 oo Gabdho yaryar ah iyo 93 Haween ah, kuwaasoo lagu haystay Waqooyiga-Bari ee waddankaas. Dadkan la haystay ayaa waxa laga helay Keynta Sambisa oo la sheegayo inay tahay meesha ay ku dhuuntaan Kooxda Boko Xaraam.
Hase-yeeshee, Millateriga dawladda Nigeria, ayaa sheegaya inaanay xaqiijin karin in Gabdho ay sannadkii hore afduubeen Kooxda Boko Xaaraam, kuwaasoo tiradoodu ahayd 219 Gabdhood oo Ciyaala-Iskuul ahaa, isla markaana ay ka afduubeen Dugsi Boodhin ah oo ku yaalla magaalada Chibok sannadkii hore inay ka mid yihiin kuwa hadda la badbaadiyay.
NNNgabdho boko xaaraam laga badbaadiyeyMillateriga ayaa tilmaamay in la baadhayo Gabdhaha iyo Haween kale ee la badbaadiyay, balse Ciidammada Millateriga Nigeria, waxa ay ogaanayaan aqoonsiyada Gabdhahaas, waxaanay si cad u sheegeen in kuwan aanay ahayn Gabdhihii Ciyaala-iskuulka ahaa ee laga qafaashay Chibok.
Taxaddarka hadda ka muuqda wararka ay Ciidammada Millateriga dawladda Nigeria soo saarayaan, waxa uu yahay in laga fogaado qaladaad hore u dhacay muddadii ay Gabdhaha yar-yar ee 219-ka ahaa ee ay Kooxda Boko Xaaraam afduubeen sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2014-kii. Bishii October ee sannadkii hore, dawladda ayaa oggolaatay in heshiis xabbad-joojin ah inay la gasho Kooxda Boko Xaaraam si Gabdhaha Chibok laga afduubay loo sii daayo, hase-yeeshee, Boko Haram, ayaa arrintaasi diiday.
Afhayeenka Ciidammada Millateriga Nigeria Colonel Sani Usman Kuka-sheka, ayaa warkan xaqiijiyay, waxaanu tilmaamay in seddax Xero oo Kooxda Boko Xaaraam ku lahayd Keynta ay burburiyeen, ku soo badbaadiyeen Gabdhahaas. Dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ayay Ciidammada dalka Nigeria waxa ay dib u qabsadeen deegaanno ay Boko Xaaraam ka talin jirtay oo kala duwan, kuwaasoo intooda badan ku yaalla gobollada Waqooyi-Bari ee dalka Nigeria.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Hay’adda FAO oo Shaacisay inay Soomaaliya Xoolihii ugu tirada badnaa muddo 20 sano ah dhoofisay

Riyadh, 30 April, 2015-(Himilo)- Boqorka Sacuudiga, ayaa is baddel ku sameeyay qaabka is-dhaxalka ee Boqortooyada iyo weliba jagooyinka dawladda ee uu dhisay Ninkii isaga uga horreeyey ee uu xilkan ka dhaxlay.
Boqorka Boqortooyada Sucuudiga Boqor Salman Bin Cabdulcaziz, ayaa xilka ka qaaday ninka lahaa dhaxalka Boqortooyada, isla markaana ah Walaalkiis, Muqrin Bin Cabdulcasiis. Waxa uu xilkaasi u magacaabay Wiilka uu Adeerka u yahay ee Maxamad Bin Nayf Bin Cabdulcasiis.
DHAXAL-SUGAHAHA CUSUB EE SUCUUDIGADHAXAL-SUGAHAHA CUSUB EE SUCUUDIGAWaxa uu sidoo kale Wiilkiisa Maxammad Bin Salman, u magacaabay Ku-xigeenka Ninka leh dhaxalka Boqortooyada. Wasiirka arrimaha dibedda waxaa loo magacaabay Caadil Al-Jubeyr, oo aan ka tirsanayn qoyska Boqortooyada, ka dib markii uu is casilay Sacuud Al-Faysal oo xilkaas hayey.
Boqorka cusub ee dawladda Sacuudiga, ayaa is baddel ku sameynayay Maammulkii uu dhisay ninkii ka horreeyay ee Cabdalla Bin Cabdulcasiis, oo geeriyooday dabayaaqadii bishii January ee sannadkan, waana qaab ku cusub qaabka Boqortooyada Sucuudiga hannaankan Maamul iyo Is-dhaxal ee Boqortooyada Sucuudiga.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Nuxurka War-Murtiyeed Miisaan leh oo laga soo saaray Shirweynaha Horumarinta Dhalinyarada Somaliland oo Hargeysa lagu soo gunaanaday

Hargeysa, 30 April, 201`5-(Himilo)- Shirweyne lagaga hadlayey arrimaha horumarinta dhalinyarada, isla markaana ay ka qaybgaleen dhalinyaro badan iyo daneeyayaasha arrimaha dhalinyarada Somaliland oo afartii maalmood ee u dambeeyey ka socday magaalada Hargeysa, ayaa shalay la soo gebo-gabeeyey, isla markaana waxa laga soo saaray War-Murtiyeed dhinacyo badan lagaga eegay sidii loo horumarin lahaa da’yarta dalka.

[gallery columns="4" ids="18798,18797,18796,18795"]

Waxaa gunaanadkii shirkaas War-Murtiyeedka laga soo saaray, lagu sheegay inay dhalinyaradu u taagan yihiin oo ay caalamka u caddeeyeen sida ay uga go’an tahay qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland. Waxa War-Murtiyeedkan lagu sheegay in loo baahan yahay inay dawladdu samayso tayaynta dhinaca waxbarashada, ciyaaraha, Shaqo-abuurka iyo Barnaamijyo wax lagaga qabanaya tahriibka sii badanaya ee dhalinyaradu ku dhaqaaqdo, iyadoo qodobbada lagu soo jeediyey waxyaabaha muhiimka ah ee lagu yarayn karo tahriibka sibiq-dhaqaaqa ah ee dhalinyarada reer Somaliland. Qoraalka War-Murtiyeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-
“WAR-MURTIYEEDKA: SHIRKA HORUMARINTA ARRIMAHA DHALLINYARADDA:-
Shir-weynaha Dhallinyarada Iyo Daneeyayaasha Arrimaha Dhallinyarada ee loo fadhiyey afartii maalmood ee ugu dambeeyey waxa ay dhallinyaradii ka qayb-galaysay iskula qaateen qoddobadan:
• QADDIYADDA MADAX-BANNAANIDA IYO JIRITAANKA JSL:
1. Dhallinyarada JSL waxa ay bulshada adduunka u cadaynayaan in Jiritaanka iyo Madax-bannaanida JSL ay tahay muqaddas, lama-taabtaan ah, gor-gortana aan gali karin.
2. Dhallinyarada JSL waxa ay u caddaynayaan bulshada caalamka in Jamhuuriyadda Somaliland tahay xaqiiqo ka jirta Geeska Afrika iyo Qaaradda Afrika oo aan la iska indha tiri Karin.Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xal u yahay nabad kuwada noolaanshaha bulshooyinka iyo wadamada Geeska Africa iyo Qaarada Africa.
Sidoo kale, waxa ay ku taal marin biyood muhiimad gaar ah u leh isku socodka adduunyada. Sidaas darteed, Shir-weynaha Dhallinyarada JSL waxa uu u soo jeedinayaa bulshada caalamka in ay kataliyaan aayaaha iyo nabad-galyada Geeska Afrika iyo Qaarada Afrika iyo adduunkaba, Qadiyada JSL ay tixgaliyaan.
• DHINACA TAHRIIBKA:
1. In dawladda iyo daneeyayaasha arrimaha dhallinyarada ay door weyn ka qaataan sidii wax looga qaban lahaa aafada tahriibta loona cidhib tiri lahaa magafayaasha dhallinyarada tahriibiya. Dawladdu waa in ay dhiirrigelisaa dhallinyarada dalka gudihiisa joogta oo aanay buunbuunin xafladana ku maamuusin qurbe-joogta .
2. Sidoo kale shirku waxa uu isla gartey in la sameeyo Sharci ka dhan ah Tahriibka iyo ka Ganacsiga bani-aadamka si xididada loogu siibo silsiladaha abaabulan ee ku hawlan tahriibinta dhallinyaradda.
• TAYEYNTA WAXBARASHADA IYO DAR-DARGALINTA WADDANIYADA:
1. Shir-weynuhu waxa uu ammaanayaa in JSL aqbashay Qaraarkii Caalamiga ahaa ee khuseeya waxbarashada aasaasiga ah in bilaash laga dhigo.
2. Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in la isku miisaamo waxbarashada iyo xirfadaha ay bixiyaan Jaamacadaha dalka ku yaal iyo xirfadaha uu u baahan yahay suuqa shaqada ee JSL, maadaama ay jirto hadda baahi badan oo suuqa shaqadu u qabo xirfado gaar ah.
3. Shir-weynuhu waxa uu si xoog leh u soo jeedinayaa in la abuuro, dibna loo dhiso Dugsiyadii Farsamada Gacanta ee Dalka oo haataan aad u yar.Shir-weynuhu waxa uu aad u dhiiri-galinayaa xirfadaha gacanta oo uu u arko in ay abuuri karaan shaqooyin badan.
4. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in Manhajka JSL dib loo eego, lana xoojiyo si uu u soo saari karo qof muwaadin ah oo aqoon fiican u leh dalkiisa hooyo, sidoo kale leh karti aqooneed oo hufan oo uu ku tartan gali karo gudaha dalka iyo dibadiisaba.
5. Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in manhajka JSL lagu daro xiisado ka hadla waddaniyada iyo waddanka JSL miisaankiisa iyo qaninimadiisa si dhallinyarada JSL u barato dalkooda hooyo.
6. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in technology-da lagu barto dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dalkeena.
7. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in macalimiinta la siiyo tababaro lagu kobcinayo xirfadooda macalinimo.
• SHAQO ABUURKA DHALLINYARADDA:
1. Shir-weynuhu waxa hoosta ka xariiqay in Dhallinyarada JSL leeyihiin, una dhasheen karti iyo hal-abuurnimo ganacsi oo mudan in la taageero, lagana faa’iideeyo. Sidaas darteed, shirku waxa uu soo jeediinayaa in la abuuro fursado dhaqaale oo dhiiri-galin kara in ay dhallinyarada JSL iskood u abuuran karaan shaqo.
2. Shir-weynaha JSL waxa uu dhiirri-galinayaa in la abuuro hay’ado (Institutions) iyo Sanduuq Qaran oo maal-galin siin kara hal-abuurka iyo fikiradaha ganacsi ee dhallinyarada JSl. Shir-weynuhu waxa uu soo jeediyey in la hawl-galiyo Sanduuqii Horumarinta Dhallinyarada JSL, loona maamulo si ku dhisan caddaalad iyo sinnaan.
3. Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in dhallinyarada JSL loo fududeeyo shatiyada iyo liisamada ganacsi, sidoo kale la dhimo cashuurtooda marka ay dhallinyaro timaado.
4. Shirweynuhu waxa uu ugu baaqayaa xukuumada iyo Goleyaasha Xeer-dajinta JSL inay sameeyaan qaab-qanuuni ah (legal and policy framework) oo keeni kara maal-gashi gudeed iyo mid dibadeed oo hor leh kaasoo horseedi kara horumar dhaqaale.
5. Shirweynuhu waxaa ugu baaqayaa dhammaan daneeyeyaasha koboca dhaqaale inay gacmaha isqabsadaan, kana wada hawlgalaan sidii dhaqaalaha waddankeedu u kobci lahaa loona abuuri lahaa shaqooyin hor leh. Shirweynuhu waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay sii libin-laabto dedaalada lagu dhiirigalinayo maalgashiga iyo kobcinta wax-soo-saarka beeraha iyo hormarinta warshadaynta (Agriculture and Industrialization).
6. Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in la dhawro xuquuqda fikirka ganacsi ee qofka (Patent), si loo dhiirigaliyo hal-abuurnimada ganacsi ee dhallinyarada JSL.
7. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in la abuuro mashruuca waayo-aragnimo iyo khibrad-siinta dhallinyarada ee Qaran (National Internship Program).
• CIYAARAHA:
1. Dhallinyaradu waa in ay heshaa agab iyo garoomo ku habboon ciyaaraha kala duwan si ay uga mashquulaan balwadaha, rabshadaha iyo tahriibta. Golayaashu deegaanka waa in lagula xisaabtamaa dhismaha garoomo badanoo laga hirgeliyo xaafadaha
• Maandooriyayaasha iyo Balwadaha Dhallinyarada:
2. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in si xoogan loola tacaalo la dagaalanka maandooriyayaasha iyo balwadaha ragaadin kara awooda iyo maskaxda dhallinyarada.
3. Shir-weynuhu waxa uu u aqoonsaday Qaadka iyo Sigaarku in ay yihiin maandooriyayaal iyo balwado liita oo aafeeyey in badan oo dhallinyarada JSL ah, una baahan xal qaran oo suga mustaqbalka maan dhallinyaro oo ka fayow balwadahan xun-xun.
4. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in la yagleelo qaab-qaanuun oo lagula tacaalo isticmaalka xad dhaafka ah ee qaadka.
5. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in cashuurta laga qaado Qaadka iyo Sigaarka dalka soo gala kor loo qaado, saami go’ana loo saaro xalinta dhibaatooyinka qaadka iyo sigaarku u gaysto dhallinyarada JSL.
6. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in la abuuro xarumo lagu dhaqan celiyo dhallinyarada ka waantooba aafada balwadaha.
• La-dagaalanka Qabyaalada,IlaalintaMidnimada Qaranka iyo Dhiiri-galinta Isku Xidhnaanta Dhallinyarada JSL:
– Shir-weynaha Dhallinyarada JSL waxa uu ku tilmaamayaa qabyaaladu in ay tahay wax liita oo nabarku ah xadaarada, ilbaxnimada iyo fac-weynaanta ummada JSL, mudana in dagaal rasmi ah lala galo. Shir-weynuhu waxa ugu baaqayaa dhallinyarada JSL iyo dhammaan dadweynaha JSL in ay ka fogaadaan wax kasta oo dalka iyod dadkiisa kala qoqobaya oo ay ugu horayso qabyaaladu.
– Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa isku xidhnaanta, midnimada, is dhex-galka iyo is-taageersiga dhallinyarada JSL.
– Shirweynuhu waxaa uu ku baaqayaa in si wadajir ah loo wajaho loogana tashado samaynta salaadiin iyo cuqaal cusub wakhtiyada doorashooyinka lagu jiro, taasoo keenta kala tafaraaruq hor leh iyo midnimo darro bulsho. Shirweynuhu waxa uu ku baaqayaa in laga arrinsado sidii loo samayn lahaa Xeerkii Dhaqanka JSL kaasoo si weyn u habayn lahaa doorka masuuliyiinta dhaqanka.
• Ka qayb-galka Dhallinyarada ee Siyaasada iyo Go’aanada dalka:
– Shir-weynuhu waxa uu ammaanayaa ka qayb-galka dhallinyarada ee Siyaasada dalka, waxa aannu hambalyaynayaa xubnaha badan ee ka tirsan goleyaasha qaranka ee kala gadisan sida golaha xukuumada, Waaxda Garsoorka iyo Caddaalada iyo Goleyaasha Deegaanka iyadoo uu Shirweynuhu dhammaan dhallinyaradaas xasuusinaayo in ay u yaalaan waajibaad iyo hawlo hor leh isla markaana ay horseed u yihiin, da’yarta kale ee badan ee ku taamaysa inay tallada iyo hoggaanka dalkooda ka qaybgalaan. Sidaas daraadeed, Shirweynuhu waxa uu carabka ku adkaynayaa in mas’uul kasta oo dhallinyaro ahi xilka uu doono ama doonto ha hayee inuu habeen iyo maalinba u dedaalo una halgamo sidii uu ugu sifoobi lahaa hufnaan shaqo, dedaal iyo karti iyo doonis iyo daacadnimo xooggan isla markaana uu kaashado Illaahay (SWT), kuna talo-galo inuu taariikh wanaagsan ka tago.
• Dhallinyarada Naafada ah:
– Shir-weynaha Dhallinyarada JSL waxa uu si xoogan u dhiiri-galinayaa in taageero gaar ah la siiyo dhallinyarada JSL ee naafada ah ama laxaadkoodu dhammayn marka ay timaado waxbarashada, shaqo taga, ka qayb-galka siyaasada iyo go’aanada dalka nooc kasta oo ay noqoto.
• Dhallinyarada Iyo Rabshadaha:
Waalidiinta, Ciidamada amniga iyo garsoorka qaranku waa in ay gacan bir ah ku qabtaan dhallinyarada rabshad-wadayaasha ah isla markaana loo sameeyo goobo ku habboon dhaqan celintooda iyada oo dib loogu noqonayo shuruuc caddaalad ku dhisan oo wax lagaga qabto arrinkan
• TACADIYADA HABLAHA LOO GAYSTO:
Waa in la joojiyaa dhammaan tacadiyada saamaynta xun ku yeesha hablaha jidh ahaan iyo maskax ahaanba kuwaasi oo lagu xakamaynayo shuruuc adag, dhammaan daneeyayaasha arrimaha dhallinyaraduna iska kaashadaan sidii lo yarayn lahaa tacadiyadaasi
• SAMAYNTA GUDDI KA SHAQAYSA ARRIMAHA DHALLINYARADA OO HEER QARAN AH:
1. Waxaanu ugu baaqaynaa daneeyayaasha arrimaha dhallinyaradu in ay sameeyaan guddi heer qaran ah oo ka shaqaysa horumarinta arrimaha dhallinyarada oo fiiro gaar ah u yeelan doona fulinta qorshaha dhalinyarada ee shirkan lagu ansixiyey, guddidan oo lagu magaabo Youth Steering Committee taasoo ay hoggaamin doonto Wasaaradda Dhallinayaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
• Mustaqbalka Somaliland iyo Rajo-gelinta Dhallinyarada:
– Shirweynuhu waxa uu dhammaan da’yarta dalka ugu bushaaraynayaa in dalkoodu yahay mid dihin oo mustaqbalkiisuna iftiimayo, iyadoo uu shirweynuhu da’yarta xasuusinaayo guud ahaan nicmooyinka dalkooda Illaahay (SWT) ku manaystay. Waxaa sidoo kale uu Shirweynuhu kula dardaarmayaa dhammaan da’yarta Jamhuuriyadda Somaliland inay u istaagaan, u dhididaan una halgamaan sidii waddankoodu u noqon lahaa mid ugu dambeyn ku guulaysta inuu ka faa’iidaysto kheyraadkiisa tirada iyo tayada badan isla markaana hela dawladnimo taam ah oo leh aqoonsi caalami ah iyo sidoo kale caddaalad, cudud iyo cilmi uu ku hoggaamiyo asaagiisa dunnida kula uuman.
Allaa mahad leh.Jamhuuriyadda Somaliland ha waarto, Hana gaadho badhaadhe iyo barwaaqo is-gaadhsiisan.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Wednesday, April 29, 2015

Wadda Jirkaa Haboon

Dadnimadu waxay ku qurxoontahay wada jirka iyo is kaashiga, kuma qurxoona wax isku ahaanshaha, ummad walba oo ku nool goob, goobtaas oo ay ka dhaxayso degenaansho, kuna haystaan nabad, markasta waxa ay ku horumari karaan, kolba qaabka ay isku kaashadaan iskuna caawiyaan, waxa horumar lagu gaadhi karaa waa guusha hibaysan ee ay ka danbeeyaan wada jirka ummada, kaas oo ka bilaabma dhalinyarta kuna danbeeya madaxda, si ay u gadhaan guul waarta.
Marka la eego goobta ay kasoo unkanto, baahiyaha bulsho ee fikir iyo cuddudba waa dhalinyarteeda, waa la odhan karaa ma lihin dhalinyaro kuwaas oo keeni karra maskax balaadhan, kuwaas oo badali karra majaraha horu-marineed ee ummada, balse waynu liidanaa haddii la inaga waayo intaas oo dhan, waxa ummada dib u dhigay waa dharaga aynu ka dharagnay xadaaradaha adduunka intiisa kale, kuwaas oo hoos u dhigay fikirkeeni, kuwaas oo mijo habaabiyay qorshayaashii iyo qiimihii fikirkeena, waxaana inoo hoos raacay balwadaha iyoo aafadda qabiilka. Wuxuu yidhi gabayagani isagoo la hadlaya da’yarta.

Ku mashquulka qayrkaa, qorshe dhaamaa jira

Dadka ruux ku qaaliya, shakhsi quudhsadaa jira

Qiimo aad leedahay, qof ku diidanba jira

Intii aynu ku mashquuli lahayn dad kale waxaa wacan inaga oo is dhiiri galina, inaga oo isku callool furan inaga oo isku faanna,

Run ahaanti haddii aynu nahay dhalinyarada wakhtigan, kuna abtirsata qarankan waxaan idin odhan lahaa,

Waa guulaysan karnaa haddii aynu gacmaha is qabsano,

Waa guulaysan karnaa haddii aynu ilowno qabyalada,

Waa guulaysan karnaa haddii aynu ka takhalusno balwadda,

Waa noolaan karnaa haddii aynu ku cibbro qaadano ummadaha baa’bay,

Waa guulaysan karnaa haddii dhalinteenu isku xidhantahay, balse inta ay kala tafaraaruqsantahay waxba inooma qabsoomayaan.

Qof kasta meel kasta oo uu joogo ayuu ka bilaabi karaa horumarka waddanka,
Waxa ugu horaysa in ruux walba ka bilaabo naftiisa horumarka, qorshayaasha noloshu waa badan yihiin adduunkuna waa kooban yahay, waxa muhiim ah in aynu ahaano ummad ku faanta waxay haysato, ku qanacsan goobta ay dagantahay, waayo halkaas ayaynu qiimo ku leenahay, kuna nahay boqoro, waxa ku jirra dhalinta dad badan oo leh hami iyo himilo fog, balse wakhtigu ciilay, kaasna waxaynu odhan lahayn, eraygan

(Ninkii hami sare lahaa, ninkii higsigga ku jiray,

Kaan habrashada aqoon, balse wakhtigu haraatiyay,

Marbu heli wuxuu rabo)

Waa hubaal balse waxaa lagu gaadhayaa Samir iyo daganaansho, waxaan indhahayga kusoo arkay dhalinyaro u heellan cilmiga barashadiisa, kuna nool tuulooyin, kuwaas oo u baahan dhiirigallin iyo hoga-tusaale wax ku ool ah, runtii dhamaanteen waxaynu nahay ummad baahan, dhan walba inagoon kala qaadayn laakiinse waxaynu kaga baxaynaa is kaashiga iyo wada jirka, waxaan aaminsanahay in saaxiibku badali karro mustaqbalkeena kana tirtiri karo qabyaalada, balwada iyo waxyaabaha kale ee liita waa ka kaliya een aaminsanahay, waa halka uu ka bilaabmo horumarka dhalinyardu, guud ahaan maqaalkaygan yar ee koobani waa ku aan ku dhiirigalinayo dhalinyarta, waa guulaysan karnaa haddii aynu gacmaha is qabsano.

W/Q; Siciid Ismaciil Muxumed Dahab

e-mail; siciiddahab4608@hotmail.com

himilomedia.com
hargeisa-somaliland

Guddida Qaban-qaabada Munaasibadda 18-Ka May Oo Farriin Dareen Xambaarsan Shacabka u Diray

Hargaysa:April,29,2015(Himilo)-Guddidii Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Munaasibadda 24-Guurada kasoo wareegtay Gooni isutaaggii Jamhuuriyadda Somaliland oo ku Beegan 18-Ka Bisha May ee Soo Socota, ayaa Maanta Kulankoodii ugu horreeyey yeeshay, waxana ay saxaafadda uga warrameen Sida ay ay Hawshoodu u socoto.

erecGuddidan oo fadhigoodii ugu horraysay Maanta ku yeelatay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay inay diyaarinayaan sidii xus qiimo badan, kana duwan kuwii hore uu dalka ka qabsoomi, doono, isla-markaana shacabka looga baahan yahay inay Nabadgelyada ka shaqeeyaan.

Ugu Horayn Guddoomiyaha Gudidan qaban qaabada xuska maalinta qaran ee 18-ka May Marwo samsam Cabdi Aadan, Ahna Wasiirka maaliyada ayaa shacabka ku dardaartay in Ay ka feejignadaan Cadawga Somaliland dagaalka kula jira,

“Halkan waxaanu doonaynaa inaanu ka sheegno in Maalintan Qaran si mug wayn loogu talo galay in Looga qayb qaato Dibada iyo gudahaba,Qofkii somaliland Ku abtirsadaba meesha uu doono hajoogee inuu siwayn uga qayb qaato Maalintaas miisaanka ay ku leedahay,Gobolada dalka oo dhan waa laga qaban doonaan.Sanadkasta Halku dhiga ayaa la qaataa,sanadkan waxaanu halku dhig uga dhignay markaanu falaqaynay Kooxdayadani waxaanu ka dhignay “Somaliland Dalkayga Doodi Kama Furna”,Umada reer somaliland waxa loo sheegayaa in ay Dabaal Dagaan hadana ilaaliyaan Nabad Galiyada ay awal horeba ilaashan jireen hadana u hawl galeen.” Ayey Tidhi Wasiirka Maaliyaddu Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Gudaha somaliland mudane Caddare oo isaguna Xubin ka ah Guddidan, ayaa sheegay in Maalinta 18-ka May ee shacabku muujinayaan Cududooda iyo in Ay yihiin dal Madax Banaan loo baahan yahay in Ay ilaaliyaan Nabad Galiyada Cadawga ku soo dhex dhuumanayana ka feejignadaan iyaga oo ku adag nabada iyo Dawlada wadaag Ay samaysteen.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo Ah xildhibaan ka Tirsan Aqalka Golaha wakiilada somaliland ayaa cadeeyay in Qaranimada somaliland ay tahay Mid Muqadas Ah Gor-gortana Aan la galin Karin,waxaana uu shacabka ugu baaqay in Ay si way Cududooda u muujiyaan inaanay Doonayn Dawlada Xamar.

Wasiirkii Hore Ee wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badaha somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire iyo Wasiirka Deegaanka Somaliland Marwo Shugri Xaaji ismaaciil Ayaa Si wada jir ah u sheegay in Qaban-Qaabo Sanadkani iyo Xuska 18ka May Aad loo wayneeyo Madaama Oo Aynu sida uu cadeeyay somaliland Caalamka Ka doonayso Aqoonsi Buuxa.

Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirka Deegaanka, ayaa shacabka kula dardaarantay inay Nadaafadda ku dedaalaan, isla-markaana deegaankooda ka muujiyaan qiimaha Munaasibadda oo ay qashinka si hawlkarnimo ah iskaga hagaajiyaan.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa isna sheegay in Sanad Guuradani kuwii hore kaga duwan tahay Horumar uu sheegay in Ay gaadhay Xukuumada kulmiye.

“Sanad Guuradani kuwii hore waxa ay kaga duwan tahay Horumar Dhinac Wanaagsan ay Xukuumadani ka gaadhay,waxa ay somaliland joogtaa xili aanay Baahi u qabin Carqalada Xaga Sare kaga yimaada Am dibada iyo gudahaba Aanay waxba yeeli Karin,sideed iyo Tobanka May sanad Guurada 24-tanaad ee maanta sida halku dhiga looga dhigay waa somaliland dalkayga doodi kama furna.”

Mudane Cukuse, waxa uu sheegay in Sanadkan la isla gartay in Hoggaamiyayaasha Maalintaasi ay noqdaan Saxaafadda Madaxa Bannaan, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

“Waxa maanta laydinka doonayaa ee cudud ugu wayni tahay sanad walba ileen qolo ayaa qaadaysa Dabka Sidaysa,Sanadkan Saxaafada somaliland ayaa sidaysa,Kaalinta aynu sanadkan ku jirnaa dhex-dhexaad maaha waa 18-ka may oo qudha.”

Munaasibadda dabaaldegga Sanad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay maalintii Somaliland Qaranimadeeda dib ugala soo noqotay Koonfurta Somalia, ayaa shacab iyo dawladba loo diyaargaroobayaa sidii loo xusi lahaa, waxana Gudaha iyo Dibaddaba ka socota Qabanqaabada Xafladihii Maalintaas lagu muujin lahaa.

 

Himilo Media

Boqor Salmaanka Sucuudiga Oo Caydhiyey Dhaxalsugihii Xilka Uga Dambayn lahaa Mid Cusubna Magacaabay

kingoRiyadh:April,29,2015(Himilo)-Isbeddelkii ugu ballaadhnaa ayuu Boqorka Cusub ee Sucuudigu Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ku sameeyey Hannaanka Is dhaxal ee Boqortooyadiisa iyo waliba Jagooyin kale oo Dawladdiisa kamid ah.

Boqor Salman Bin Cabdulcaziz, ayaa xilka ka qaaday ninka lahaa dhaxalka boqortooyada isla markaana ah walaalkiis, Muqrin Bin Cabdulcasiis.

Waxaa uu xilkaasi u magacaabay wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamad Bin Nayf Bin Cabdulcasiis.

Waxaa uu sidoo kale wiilkiisa, Maxammad Bin Salman, u magacaabay ku xigeenka ninka leh dhaxalka boqortooyada.

Wasiirka arrimaha dibedda waxaa loo magacaabay, Caadil Al-Jubeyr, oo aan ka tirsanayn qoyska boqortooyada, kaddib markii uu is casilay Sacuud Al-Faysal.

Boqorka cusub ee Sacuudiga ayaa is baddel ku sameynayay maammulkii uu dhisay ninkii ka horreeyay ee Cabdalla Bin Cabdulcasiis, oo geeriyooday dabayaaqadii bishii January ee sanadkan.

Isbeddelkan, ayaa loo arkaa mid laga soo dhaweyeeyey Gebi ahaanba Waddanka Sucuudiga iyo dalalka kale ee Dimuqraadiyadda Taageera, waxase aan soo dhaweynin Qoyska Reer Boqor oo arrintan u arka mid keeni karta in hoggaanku uu marka dambe iyaga dhaafi karo.

Lama shaacin Sababaha ku keenay Boqor Salmaan inuu isku beddelkaas culus sameeyo, balse waxa jira Cadaadis dalkiisa ka haysta Weerarka uu ku qaaday Dalka Yemen iyo Waddanka kale ee Iran oo ay si weyn siyaasadda Gobolka iskugu hayaan.

 

Himilo Media

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Maanta Hargeysa Si Weyn Loogu Dhaweeyey

soo dhHargeysa:April,29,2015(Himilo)-Soo dhaweyntii ugu heerka sarraysay, ayaa Maanta Garoonka Cigaal International Airport loogu sameeyey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa Dalal ku yaalla Waqooyiga Amerika.

Mudane Saylici, ayaa safar Muddo bil kabadan qaatay ugu maqnaa Dalal ku yaalla Koonfurta Maraykanka, waxana uu warbixin ka Bixiyey Kulamo uu la qaatay Jaaliyaddii Reer Somaliland ee ku sugnaa Dalalkii uu Booqashada ku tegay.

Madaxweyne xigeenka Somaliland oo soo dhaweyntiisa Maanta lagu arkay Wasiirrada Xukuumadda ugu tunka weyn, Salaadiin, Xildhibaanno iyo Shacabweyne kale oo lasoo abaabulay, ayaa sheegay inuu Dalalkii uu soo maray kusoo arkay shacab u heellan horumarka iyo isku duubnaanta Dadka somaliland oo khilaaf aanu dhexdooda ka jirin.

Madaxweyne xigeenka oo la waydiiyay waxyaabaha uu kala hadlay Jaaliyadda Gobolka Awdal ee Maraykanka oo la sheegay inay Suldaan Wabar taageeraan ayaa ku jawaabay “ Horta dad aad u fara badan maaha, dad qiimo weyn iyo muhiimad la siiyana maaha ee waa inyar oo maynoorati ah, intii aanu is gaadhnay way ku qanceen wixii aanu u sheegnay. Waxaanu u sheegnay inaan qaranimada Somaliland cidi ka lahayn oo shalay Madaxweyne ka ahaayeen, maanta ay joogaan, dorraadna joogeen. Markaa dadku wuu kala duwanaan karaa Laakiin boqolkiiba sagaashan(90%) dadka reer Awdal ee dibada joogaa waa reer Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.

Madaxweyne xigeenka ayaa sidoo kale la waydiiyay in muddo kordhinta Xukumadda rabtaa xumaysay xidhiidhka Somaliland iyo beesha Caalamka “Maanan kala xuub siiban ee Beesha caalamka iyo anagu meel baanu u wada soconaa, waxaanu u wada soconaa dimuqraadiyadda inaanu kobcino, wixii talo iyo tusaale ahina qaranka ayay u wada yaalaan, sidii xeegana xeego u noqon lahayd ilkana u nabad gali lahaayeen ayaa la yeeli insha Allah” ayuu yidhi Mr Saylici.

 

Himilo Media

Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa oo Xaqiijisay in Dacwad ka dhan ah Ciidammada RRU-da loo gudbiyey iyo Masuulka u gudbiyey

“Waxaan u ballan-qaadnay in Dacwad kastoo ka dhan ah Ciidanka RRU aannu baadhitaan ku samayn doonno, isla markaana heshiis adagi naga dhexeeyo Xukuumadda Somaliland inaan sifo khaldan loo adeegsan Ciidanka RRu-da…” Wareysi Gaar ah Safaaradda dawladda Ingiriiska ee Addis Ababa
Addis Ababa, 29 April, 2015-(Himilo)- Safaaradda dawladda Ingiriisku ku leedahay Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa xaqiijisay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah taageerada ay siiyaan Ciidanka loo yaqaan RRU oo ka tirsan Booliiska, waxaanay ka hadashay Baaq ay u jeedinayaan Xisbiyada iyo Golaha Guurtida Somaliland.
Wareysi Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani la yeeshay Sarkaal Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa u qaabbilsan arrimaha Somaliland, ayey ku sheegtay inay jawaab ka siiyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro, mawqifkooda la xidhiidha Dacwad uu u soo gudbiyey iyo heshiiska u dhexeeyey Somaliland iyo Ingiriiska ee shaqada Ciidanka RRU.
lissie lovetMs. Lizzie Lovett oo la weydiiyey jiritaanka in Guddoomiyaha Wakiillada Somalialnd Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah Ciidanka RRU iyo mawqifkkooda arrinkaa ku waajahan, ayaa ku jawaabtay; “Haa, Xisbiga WADDANI way noo soo gudbiyeen mawqifkooda la xidhiidha Ciidanka RRU, laakiin waxaan u ballan-qaadnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan-Cirro in dacwad kastoo ka dhan ah Ciidanka RRU aannu baadhitaan ku samayn doonno, isla markaana heshiis adagi naga dhexeeyo Xukuumadda Somaliland inaan sifo khaldan loo adeegsan Ciidanka RRu-da.”
Sidoo kale, Mar la weydiiyey, inkastoo Xisbiyada Mucaaradku soo dhaweeyeen in doorashada la qabto sannadka dambe, sida ay u aragto dhawaaqooda haddaan dawlad wadaag ah la samayn inaanay aqoonsan doonin Sharcinimada Xukuumadda, ma jirtaa talooyin aad u jeedinaysaan? Waxaanay Su’aashaas Lovett kaga jawaabtay oo ay tidhi; “Mar labaad waan soo dhaweynaynaa wakhtiga cusub ee Komiishanka doorashooyinku ku dhawaaqeen, isla markaana waxaan ku dhiirrigelinayaa in dhammaan Xisbiyada dalka iyo Golaha Guurtidu aanay ka baydhin xilligaas Guddigu cayimeen.”
G. Baarlamaanka Cabdiraxmaan Cirro iyo Lizzie LovettHadalkan ka soo baxay Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Addis Ababa, ayaa ku soo beegmaya dhawr toddobaad ka dib, markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Cirro beeniyey warar sheegayay in uu Dacwad ka dhan ah Ciidammada RRU u gudbiyey dawladda Ingiriiska mar uu Waraysi la yeeshay isla Weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Wargeyska Himilo, isaga oo ku dooday in ciddii caddaymaha dacwaddaas haysaa keento.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, ayaa khudbad-sannadeedkiisii uu dhammaadkii March 2015 ka horjeediyey labada Gole Baarlamaan ku sheegay inay ayaan-darro tahay in Masuuliyiinta Mucaaradku Dacweeyaan Ciidan ka tirsan Ciidammada Qaranka Somaliland oo ay Cadaw u arkaan sida uu hadalka u dhigay.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in Guddoomiyaha Guurtida oo ay Ergo ugu tageen si Masuuliyadi ku jirto u aqbalay

“Guurtidii waad aragtaan, Odayaashii maanta gurman lahaa ee Axsaabta kala dhex-geli lahaa ee waxa loo sameeyey ay taas ahayd ee Guurti magac qaatay ahaa, ayaannu annagu Ergo ugu tegnay inaanay dalka khalkhal gelin, halkaynu maanta maraynaana waa halkaas.” Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
Hargeysa, 29 April, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay Ergo ugu tageen Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay kala hadleen inaan muddo-kordhinta Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada sannadka ay dib uga dhacday xilligeedii hore wax ka badan aanay kordhin, waxaanu intaas ku daray in Guddoomiyuhu si fiican ula hadlay oo uu aqbalay.
Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in Baarlamaanka Somaliland ay noqdeen kuwo aan Hay’ad ahaan u dhisnayn, balse ay ku mashquuleen keliya inay noqdeen Gole dantiisa gaarka ah uun ka shaqeeya, Guurtida lafteedu doorkeedii dayacday, isagoo xusay inay Shaqadii Guurtidu lahayd Ergo uga noqdeen iyaga oo ah Xisbiyada Mucaaradka ah.
GUDDOOMIYE SALEEBAAN-GAAL IYO GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE“Waad arkaysaan oo Baarlamaankii aynu dhisnay ma shaqaynayo, dantiisuu ka shaqaynayaa. Guurtidii waad aragtaan, Ergo ayaannu shalay (dorraad) ugu tegnay Guddoomiyaha Guurtida si fiican buu noo aqbalay, hadallo fiican oo masuuliyadeed buu jeediyey, waxaannu uga ergo ahayn inaan doorashadaas wakhtiga farsamo ee la kordhiyey aan la dhaafin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay hadal ka jeediyey Kulan Qado-sharaf ah oo uu u sameeyey Garabka Haweenka UCID oo Hargeysa lagu qabtay, waxaanu Faysal oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray oo uu yidhi; “Odayaashii maanta gurman lahaa ee Axsaabta kala dhex-geli lahaa ee waxa loo sameeyey ay taas ahayd ee Guurti magac qaatay ahaa, ayaannu annagu Ergo ugu tegnay inaanay dalka khalkhal gelin, halkaynu maanta maraynaana waa halkaas.”
Guddoomiyaha UCID waxa uu ku baaqay in la kala saaro qabyaaladda iyo Masuuliyadda Qaranka, isla markaana la illaaliyo dhismaha dawladnimo, isagoo xusay inuu soo moosay beeno badan oo laga sheegay Somaliland oo dalalka caalamka looga gudbiyey, inkasta oo aanu fasirin noocyada beenahaasi ahaayeen. Waxaanu shacabka ugu baaqay inay ku dedaalaan midnimada, wada-jirka iyo degganaanshaha dalkooda inaan cidina wiiqin, iyaguna wiiqin.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

Guddoomiyaha Guurtida oo sheegay inay wada-tashi samaynayaan intaanay Gole ahaan gacanta u taagin muddo-kordhinta Madaxtooyada iyo Wakiillada

“Muddo-kordhinta sidii aynu ka yeeli jirnay ayuun baynu ka yeelaynaa. Innagu Axsaab-na ma nihin Xukuumad-na ma nihin, Komishankii doorashadana ma nihin. Waxaynu maanta nahay…”
“Go’aanka la qaadanayaa wuxuu noqonayaa kii aan Xukuumad-na u danaynayn, Xisbina u danaynayn, Nin kalena u danaynayn, ee Qarankaas baa loo danaynayaa.. Rag Xisbiyada ka tirsani way jiraan waan ogahay Golaha, laakiin maanta maaha...” Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan
Hargeysa, 29 April, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Guurtida ku waaniyey inaanay ka turjumin siyaasadda ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu isku hayaan, hase-yeeshee ay ka fikiriaan danta Qaranka Somaliland iyo degganaanshihiisu sida ay ku jiraan, iyagoo ay qasab tahay inay gutaan waajibkooda sharcigu jideeyey ee ka go’aan-qaadashada muddo-kordhin loo sameeyo Golayaasha wakhtiyadoodii sharciga ahaa dhammaanayo ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.
saleebaan gaalGuddoomiye Saleebaan, waxa uu sheegay in wada-tashi cidda sharcigu u jideeyey ee ay arrimaha dib-u-dhaca doorashooyinku khuseeyaan ka yeelan doonaan muddo-kordhinta ay samaynayaan intaan loo codaynin ka hor, isla markaana waxa uu sheegay in Guddi ka soo talo-bixisa Guurtidu u saarayso Sabtida toddobaadka soo socda. Waxaanu Guddoomiyaha Guurtidu sidaa ku sheegay hadal uu shalay ka jeediyey Fadhigii Golahaas, isagoo Isniintii ku soo laabtay, markii uu muddo bilo ah dibedda waddanka ku maqnaa.
“Muddo-kordhinta sidii aynu ka yeeli jirnay ayuun baynu ka yeelaynaa. Innagu Axsaab-na ma nihin Xukuumad-na ma nihin, Komishankii doorashadana ma nihin. Waxaynu maanta nahay Golaha ka talinaya dantii Qaranka, degganaanshaha iyo u adkeysigiisa ayaa maanta la innooga fadhiyaa. Ma deg-degsanin ee muddo ayaynu haysannaa oo waa ka gaadhsiin karaynaa. Wada-tashi ayaynu yeelanaynaa oo talo dhinac kastaba leh ayaynu qaadanaynaa, oo ah inta ay khusayso ee Sharciyaddu siisay. Taladaas innagoo dhegaysannay baynu innagu go’aankeenna qaadanaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida oo la hadlayey Xildhibaannada Golahaas.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay jiraan Mudanayaal ka tirsan Golaha Odayaasha oo Xisbiyada qaarkood ka tirsan, hase-yeeshee, aanay maanta arrintu taagnayn heerkaas ee ay taagan tahay heer Qaran oo gaar u saaran Golaha Guurtida, waxaanu yidhi; “Waa jiraan Ragga qaar Asxaabta ku jira oo kama madhna oo waan ogahay Golaha. Laakiin, maanta gar-naq baa la rabaaye Axsaab looma fadhiyo. Gar-naq iyo dan ka go’aan-qaadasho ayaa la innooga fadhiyaa, waxa kale oo dhani waxay noqonayaan wax daba socda dantaas Qaranka iyo dadka.”
Waxa uu Guddoomiyaha Guurtidu sheegay inaan loo baahnayn in dadka kicin iyo abaabul lagu sameeyo, lana fahmo in muddo-kordhinta horena loo sameeyey, immikana ay qasab tahay in la sameeyo, waxaanu yidhi; “Dadweynaha waxaad mooddaa in durba nashuushad la gashay. Awal ba muddo-kordhintu way dhici jirtay, maantana way dhici ee Illaahay horta ta toosan ha inna waafajiyo, ta toosan Illaahay ha innagu ilhaamiyo. Laakiin, go’aanka la qaadanayaa wuxuu noqonayaa kii aan Xukuumad-na u danaynayn, Xisbina u danaynayn, Nin kalena u danaynayn, ee Qarankaas baa loo danaynayaa.”
“Arrintan horta dadweynaha ayaa leh, innaga wuu innoo igmadaye ma lihin. Dadweynaha ayaynu ka turjumaynaa, dadkiina waa in laga daayaa Kicinta iyo shididda. Dadweynuhu uma baahna kicin iyo dhibaato in ku filanna wuu soo maray. Illaahay innaguma cesho, Illaahayow ha nagu celin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadalkiisa sii watay.
Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay inaanu wax laga cabsoodo ahayn go’aanku, isla markaana wada-tashi marka ay Gole ahaan sameeyaan ka dib, go’aan sharci ah oo muddo-kordhinta la xidhiidha ay qaadan doonaan, waxaanu yidhi; “Wax laga cabsado go’aan maaha. Go’aan waa loo fikiraa, waa la sugaa ka dibna waa la qaataa, markaa waxaa innagu khasab ah inaan go’aan-qaadanno ee aan sugno. Guddi baynu u saaraynaa aynu muddo u qabanno, Sabtida ayaynu Insha Allaah isugu iman, maantana xilkaas baa inna fuulaye waxaa dhacaya dhagaha ka furaysta.”
Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhinacyada hirgelinta nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka, ayaa walaac ka muujiyey inay Golaha Guurtidu Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada u kordhiyaan muddo ka badan ta ay Guddiga doorashooyinku shaaciyeen inay ku qaban karaan doorashooyinkaas oo ay u cayimeen 1-da bisha June sannadka soo socda ee 2016-ka, iyagoo ka digay inay Golaha Guurti tallaabo wakhtigaas ka badan ay qaadaan.
Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Gurigiisa magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, kaasoo ay u gudbiyeen Mawqifka labada Xisbi ka taagan yihiin muddo-kordhinta, iyagoo u caddeeyey inay muddada sannadka ah ee farsamo ahaan inay dib u dhacday doorashadu ay caddeeyeen Komishanka Qaranku u aqbaleen danta Qaranka, hase-yeeshee, aanay aqbalayn wax ka badan sannadkaas farsamo, diyaarna u yihiin in doorashada la qabto 1-da bisha June 2016-ka, maaddaama oo ay ka dib dhacday in la qabto 26 June 2015.
Sidaa darteed, waxay Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad Guddoomiyaha Guurtida ka dalbadeen inay is-waafajiyaan wakhtiga ay kordhinayaan iyo wakhtiga ay Guddiga doorashooyinku cayimeen, iyagoo Qaadhaan-bixiyeyaashuna sidaas oo kale hore uga codsaday Golaha Guurtida iyo Madaxweynaha Somaliland-ba.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa Sabtidii toddobaadkan u gudbiyey Qoraal uu kaga dalbaday inay waajibkooda Dastuuriga ah ka gutaan muddada dhammaanaysa ee Madaxtooyada iyo Wakiillada, isagoo qoraalkiisa ku ladhay sida la sheegay wakhtiga ay Guddiga doorashooyinku sheegeen inay qaban karaan doorashooyinka ka dib-dhacay 26-june oo wakhtiga sharciga ah ee Wakiillada iyo Madaxtooyadu ku dhammaanaya, qabtayna 1-da June 2016-ka. Balse, weli werwer baa jira ay Xisbiyada Mucaaradku ka muujinayaan go’aanka ay Guurtidu qaadan doonaan oo ay iftiiminayaan in muddo sannadkaas ka badan ay samayn karaan Guurtidu
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

Wefti dawladda Somaliland ka socda oo xallinta Colaad laba Beelood ku dhex-martay Xaysimo u tegay magaalada Taleex

“Somaliland umay iman wax kale, umay iman duullaan, waxay u timi dadkeeda inay kala celiso, xil baana ka saaran in dadkeedu nabad ku wada noolaadaan…” Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland
Taleex, 29 April, 2015-(Himilo)- Wefti Xukuumadda Somaliland ka socda, ayaa gaadhay magaalada Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo, waxaanay halkaas u tageen dejinta iyo nabad ku soo dabbaalidda iska-hor-imaad laba Beelood oo gobolka wada dega ku dhex-maray Deegaankaas, halkaasoo uu Ciidanka Qaranku hore u gaadhay, isla markaana kala dhex-galay labada Beelood ee dagaalku dhex-maray.
WEFTIGA SOMALILAND EE TALEEX GAADHAYWeftigan shalay gaadhay magaalada Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo oo uu hoggaaminayey Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale oo laamaha dawladda ka tirsan iyo weliba Aqoonyahaniin u dhashay deegaankaas, waxaana soo dhaweeyey Masuuliyiinta heer gobol, degmo, Odayaasha dhaqanka iyo dadweynaha reer Taleex.
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee u dhashay Taleex, Weftiga gaadhayna xubin ka ah, ayaa halkaas kala hadlay Masuuliyiinta, Odayaasha iyo Shacabka soo dhaweeyey, waxaanu yidhi; “Waxaan mudnaanta siinayaa Ciidammada Qaranka Somaliland oo nabadda aan hadda halkan ku fadhino u sabab ahaa, Odayaashaa Hargeysa ka yimi ayaannu nahay, wixii Ciidanku nooga soo horreeyey ayuun baannu u soconnaa oo ah in deegaankani uu noqdo mid nabdoon. Wixii tegay waa tageen, waxaananu ALLAAH ka baryeynaa in nabaddu innoo hirgasho.”
WASIIRKA BIYAHA SOMALILANDWasiirka Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa sheegay inay dawladda Somaliland ka adkaysan wayday colaadda deegaankaas ku dhex-maraysay labada Beelood ee Walaalaha ah ee isku deegaanka ah toddobaadkii hore, waxaanu yidhi; “Weftigan aan anigu hoggaaminayo waxaa mahaddiisa leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, annaga oo ah Masuuliyiintii deegaankan ka soo jeeday annaga ayaa Madaxweynaha Somaliland ka codsannay inuu Ciidanka Qaranku halkan yimaaddo.”
“Raggayaga halkan marayaa waxaannu u soconnay dawladda Somaliland way ka adkaysan wayday waxa halkan ka dhacayey. Somaliland umay iman wax kale, umay iman duullaan, waxay u timi dadkeeda inay kala celiso, xil baana ka saaran in dadkeedu nabad ku wada noolaadaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo hoggaaminayey Weftiga dawladda Somaliland ka socda ee degmada Taleex socdaalka nabadeed ku jooga.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo la kulmay Masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen

Ankara, 29 April, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan la yeeshay Diblamaasiyiin ka tirsan dawladda Turkiga, kuwaasoo ku qaabbilay magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo uu booqasho shaqo ku joogay maalmihii la soo dhaafay, waxaanay ka wadahadleen qodobbo kala duwan.
IMG_0769[1]Guddoomiye Cirro, waxa uu Salaasadii shalay Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ee Ankara kula kulmay Masuuliyiin kala ahaa u qaybsanaha Turkiga ee arrimaha Afrika Ambassador Hulusi Kilic, oo ay weheliyeen ku-xigeenkiisa Mr Aykut Kumbaroglu, Xoghayaha Agaasinka Guddiga arrimaha Bariga Afrika ee Turkiga Ismail Aydil iyo xubno kale.
Tur 2Waxaanay Guddoomiye Cirro iyo Masuuliyiinta uu la kulmay ka wadahadleen sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI, waxay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka dalalka Somaliland iyo Turkiga ka dhexeeya, isla markaana waxay ballan-qaadeen inay Mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland kala shaqeeyaan kor u qaadi doonaan.
Waxa qoraalku intaas ku sii daray inay Guddoomiyaha iyo Xubnaha uu dawladda Turkiga kala kulmay ka wadahadleen sidii Xildhibaannada iyo Shaqaalaha Baarlamaanka Somaliland tabobbarro loogu soo siin lahaa waddanka Turkiga, isla markaana ay u joogtayn lahaayeen xidhiidhka ka dhexeeya labada dawladood ee Somaliland iyo Turkiga. Waxaanu qoraalku intaas ku daray inay Masuuliyiintu si fiican isugu afgarteen qodobbada kala duwan ee ay ka wadahadleen.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

Wasiirka Maaliyadda oo Kulammo la yeelatay Guddiga Dhaqaalaha iyo Shirkad dib-u-habayn ku samaynaysa Nidaamka Cashuuraha

Hargeysa, 29 April, 2015-(Himilo)- Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo ay weheliyeen Wasiiru-dawlaha Wasaaraddaas Cismaan Saxardiid (Caddaani) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaraddaas, kuwaasoo ay ka wadahadleen qaabka ay Wasaaradda iyo Guddigu uga wada-shaqayn lahaayeen kobcinta dhaqaalaha ee dhinaca Cashuur-bixinta.
MASUULIYIINTA WASAARADDA MAALIYADDA SOMALILANDKulankaas oo ay albaabbadu u xidhnaayeen, waxa markii uu dhammaaday Warbaahinta uga warramay ujeeddadiisa Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cumar Sanweyne. “Waxaannu ka wadahadlaynay uun maaddaama oo ay Wasiirka Maaliyaddu tahay Wasiir ku cusub Wasaaradda oo immika muddo bil ah joogtay, sida aannu u wada shaqaynayno iyo is-xog-waraysi maaddaama oo annaguna aannu nahay Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada u qaabbilsan Shaqada dhinaca Maaliyadda.”
Kulankani waxaa uu ahaa sidii ay Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ah Wasiir ku cusub Wasaaradda Maaliyadda ay wada-shaqayn wanaagsan u wada yeelan lahaayeen iyo sidoo kale kulan is-barasho.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cumar San-wayne.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, ayaa sidoo kale dhinaceeda ka hadashay ujeeddada iyo muhiimadda kulankaas, waxaanay tidhi; “Runtii kulankani waxa uu ahaa kulan faa’iido badan leh, waayo? Waxaannu ka faa’iidnay waxyaabo badan oo ay innagala shaqeyn karaan Guddigu, immika waxaannu wadnaa Cashuurihii Berriga oo aannu dardar-geliinayno, waxaannu isku af-garannay in ay nala shaqeeyan, dadkana ay ka dhaadhiciyaan in ay Cashuurta bixiyaan maaddaama oo ay yihiin Wakiilladii Bulshadu soo dooratay.”
Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxay intaas ku dartay inay Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ka wadahadleen oo kale ka qayb-qaadashada Xeerar cussub oo ay Wasaarad ahaan soo waddaan, isla markaana ay isla fahmeen sida ay hadalka u dhigtay, waxaanay tidhi; “Waxa kale oo aannu ka wadahadalnay Xeerar aannu soo wadno in ay qeyb weyn ka qaatan oo ay nagala shaqeeyan. Markaa, runtii kulankan is faham iyo faa’iido badan ayaannu maanta ka ka helnay, iyaguna waxay noo sheegeen inay waxyaaba badan nagala shaqayn doonaan, diyaarna u yihiin inay nala shaqeeyaan.”
Geesta kale, waxa ay Wasiirka Maaliyadda iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaasi kulan la yeesheen Khabiirro caalami ah oo dalka Ingiriiska fadhigoodu yahay, isla markaana Wasaaradda Maaliayadda Somaliland kala shaqaynayaa dib-u-habaynta hannaanka Cashuurta dawladda dhexe, taasoo Qandaraas lagu siiyey Shirkad dalal hore oo Afrikaan ah ka soo shaqaysay, waxaanay Wasiir Samsam sheegtay in Xubnaha ay kulmeen ka wadahadleen sidii dib-u-habaynta qaab-cashuureedku u noqon lahaa mid faa’iido u leh Somaliland, balse aanu u noqdeen mid wax ka dhiba ama u dhimi kara.
Kulamadan shalay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo dhinacyada kale dhex-maray, ayaa ku soo beegmaya xilli labadii toddobaad ee u dambeeyey uu dalka ka socday ololaha Cashuur-ururinita Berriga, isla markaana inta ugu badan Jidadka magaalooyinka waawayn ee Somaliland lagu arkayey iyaga oo cidhiidhi badani ka muuqda, Baabuurta aan Cashuurnayn oo la xaraynayey si loo cashuuro awgeed, taasoo aan weli istaagin ee socota.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaadhay Garoowe oo Shirka Wejiga labaad ee Higsiga 2016-ku Maanta ka furmayo

Garoowe, 29 April, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa shalay gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, halkaasoo si diirran loogu soo dhaweeyey, ayuu u tegay ka qaybgalka Shir Garoowe uga furmaya dawladda iyo Maamul-goboleedyada Soomaaliya ka jira.
madaxweyne xasan iyo cabdiweli gaasMadaxweynaha Maamul-gobleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku xigeenkiisa, Wasiirro, Xildhibaanno iyo inta badan dadweynaha magaalada Garoowe, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku soo dhaweeyey Garoowe. Halkaasoo uu Ciidammada qalabka sida ee Maamulka Puntland Salaan-sharaf kaga qaatay, waxaanu Xasan Sheekh ka mahad-celiyey qaabka loogu soo dhaweeyey Garoowe.
Weftiga Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya uu hoggaaminayo, ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ay ka qayb-galaan shir lagaga hadlayo Hiigsiga 2016-ka oo wejigiisi koowaad hore loogu soo qabtay magaalada Muqdisho, waxaana Safarkan mid la mid ah Garoowe ku iman doona Madax ka socota Maamul-goboleedyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Maamul-goboleedka Puntland, ayaa kulan gaar ah ku wada yeeshay xarunta Madaxtooyada Garoowe ee Maamulka Puntlanda, kaasoo aan Saxaafadda loo oggolaan in ay goob-joog ka noqoto, sidaas awgeedna lama oga waxa ay kaga wadahadleen kulankaas albaabbadu u xidhnaayeen.
Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ayaa sheegay in kulanka albaabbadu u xidhan yihiin ee Xasan Sheekh iyo Cabdiweli Gaas dhex-maray lagaga wadahadlayey xaaladda guud iyo hawlaha wejiga labaad ee Shirka Higsiga 2016-ka iyo weliba kobcinta xidhiidhka ka dhexeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland.
Safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay Xarunta Puntland ee Garoowe maaha kii ugu horreeyey, balse safarro ka horreeyey ayuu ku tegay halkaas, waxaana lagu wadaa in natiijooyin laga soo saaro kulammada lagu qaban doono Garoowe inta ay joogaan Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya iyo Weftiga uu hoggaaminayaa, waxaanu Shirkaasi furmi doonaa sida la qorsheeyey Arbacada Maanta.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

Tirada Dad Soomaaliyeed oo lagu dilay Duqaymaha Waddanka Yemen ka socda iyagoo Qaxaya

Sanca, 29 April, 2015-(Himilo)- Ugu yaraan Soddon qof oo Soomaali ah, ayaa ku dhintay weerar toddobaadkan ka dhacay dalka Yemen, gaar ahaan Woqooyiga magaalada Cadan halkaas oo lagu bartilmaameedsaday laba Gaadhi oo Basas ah oo ay saarnaayeen dad Soomaali ah oo ka qaxayay Xero-qaxoonti oo Khalal meel la yidhaahdo ku taalla.
duqaymaha yemenduqaymaha yemenduqaymaha yemenDuqayntaas, ayaa dhacday maalintii Axaddii ee toddobaadkan, halkaas oo diyaarado dagaal ay la beegsadeen gantaal, dad Soomaali u badan oo qaxoonti ah oo saarnaa Baabuur Basas ah, kuna sii jeeday magaalada Cadan ee waddanka Yemen. Lana filayo inay isu-diyaarinayeen inay u soo qaxaan dhinaca dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.
Safaaradda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku leedahay magaalada Sanca ee waddanka Yemen, ayaa sheegtay inay heshay warar sheegaya dad ku dhow soddon qof oo Soomaali ahi inay ku dhinteen Duqaymahaas ay diyaaraduhu fuliyeen. Iyaga oo ay jiraan Soomaali badan oo ka soo qaxay dalkaas oo soo gaadhay Dekedaha magaalooyinka Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso oo Maamul-goboleedka Puntland ku taalla.
Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Sanca Cismaan Axmed Maxamuud oo Xalay khadka taleefanka ugu warramay Idaacadda VOA Laanteeda Afka Soomaaliga, waxa su’aalo laga weydiiyey waxa ay kala socdaan Soomaalidaas duqaynta ku dhintay, waxaanu kaga jawaabay; “Arrintaas iyada ahi waa sidaad u sheegteen, waxa na soo gaadhay in dorraad (axaddii toddobaadkan), dad Soomaali ah oo ka soo baxay Xero qaxoonti ayey ahaayeen oo saarnaa laba Baabuur oo u soo socday Sanca, markaa iyagoo meel hayjad ah maraya ayaa Ciidan ku soo baxay, way joojiyeen, markii ay ciidanku istaajiyeen ka dib ee ay wax yar-taagnaayeen ayaa Sayruuq ku soo dhacay.”
“Mushkiladda jirta waxa weeye xidhiidhka oo adag Xerada Al-Qaras iyo halkan aan joogno Sanca, laakiin waxa naloo sheegay inay illaa soddon qof tahay tirada dadka Soomaalida ah ee halkaas ku dhintay. Labada Gaadhi Basas ma wada ahayn ee midbaa naloo xaqiijiyey inuu Basaska yar-yar ahaa, laakiin waxaan ogsoonnahay inay dad Carab ahi Xeradaas deggan yihiin oo ay suuragal tahay inay la socdeen labadan Gaadhi.” Sidaa ayuu yidhi Xismaan Axmed Maxamuud.
Waxa uu xusay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Sanca in Baabuurtaas soddonka qof ee Soomaalida ahi ku dhinteen inay ka baydheen jidkii caadiga ahaa, isla markaana ay mareen jid aan wanaagsanayn oo dhex-mara deegaannada lagu bartilmaameedsado Jabhadda Xuutiyiinta ee dawladda Yemen dagaalka kula jira, sidaa awgeedna ay dhici karto in diyaaraduhu u maleeyeen Xuutiyiinta, maaddaama oo ay Jahadii saxda ahayn ka habaabeen.
Inkasta oo aan illaa hadda si rasmi ah loo aqoonsan diyaaradaha duqaymahaas geystay, haddana diyaaradaha dagaalka ee Xulufada Carbeed ee dawladda Sucuudigu hoggaaminayso, ayaa duqaymo ka bilaabay Yemen bishii hore, inkasta oo toddobaadyadii u dambeeyey hoos loo dhigay duqaymaha is-daba-joogga ah ee ay ku hayeen Xuutiyiinta Yemen ee dagaalka kula jira dawladda dalkaas.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

Ban Ki-Moon oo shaaciyey in Israa’iil uu ku caddaaday gumaadka Falastiiniyiin magan-galay Qaramada Midoobay

Qasa, 29 April, 2015-(Himilo)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday in ay xaqiiqawday in Yuhuudda Israa'iil ay dishay 44 qof oo Falastiiniyiin ah oo ku jiray dhisme ay leedahay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee magaalada Qasa.
Ban Ki-moonBan Ki-moon waxa uu sheegay in dhibaatooyin la gaadhsiiyay Iskuullo ay lahayd Qaramada Midoobay, isagoo xusay inay ahayd in dhismayaasha Qaramada Midoobay ay noqdaan kuwo aan loo dhawaan karin iyo goobo ammaan ah, gaar ahaan marka badhtanka lagaga jiro colaadaha.
Hase-yeeshee, Xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa, waxa uu sheegay in sannadkii hore dadkii ammaanka u doontay dhismayaasha Qaramada Midoobay ee Qasa in la dhaawacay rejadii iyo kalsoonidii ay ka qabeen inay ku nabadgeli doonaan goobaha u gaarka ah Qaramada Midoobay ee ay gabboodka ammaan bideen, ka dib markii Yuhuuddu ku duqaysay ee aanay ixtiraamin Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa sida shuruucda caalamiga ahi dhigayaan.
Ban Ki-moon, inkasta oo uu eedeeyay Israa'iil waxa uu haddana tilmaamay sida uu uga xunyahay in Malleeshiyaad Falastiiniyiin ahi ay dhismayaasha Qarammada Midoobay halis u geliyeen in ay hub ku qarsadaan. Waxaanu sheegay inay saddex Iskuul hubkaasi ku qarsadeen, inkasta oo markaas aanay dadku gabbood ka dhigan ama aanay cidina ku jirin.
Warbixintan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay soo saaray, oo soo xiganaysa laba arrimood, ayaa lagu ogaaday in laga yaabo in Mujaahidiinta Falastiiniyiinta ah ay hub ka soo rideen dhismayaasha Qaramada Midoobay, arrintaas oo Ban ki-Moon, ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

Tuesday, April 28, 2015

Taariikhda Muddo-Kordhineed ee Golaha Guurtidu Ansixiyay 1995-kii ilaa 2009-kii iyo Tan la Filayo

Muddo Kordhintii Koowaad ee 1995-kii
Markii dawladdii Maxamed X. Ibraahin Cigaal lagu soo doortay magaalada Boorama horaantii Sannadkii 1993-kii ee ay dhammaatay muddadii xilka loo doortay oo ahayd muddo saddex sanno ah, balse uu socday dagaalkii Sokeeye ee bilaabmay dabayaqaadii sannadkii 1994-kii ayey Golaha guurtidu kulan ka yeesheen sidii loo qiimayn lahaa xaalada dalku marayo. Waxaana la soo jeediyey inaanay marnaba dhacayn doorasho, maadaamo oo lagu jiro xaalada amaan-daro ah.
Kulankaasi golaha guurtida waxa ka soo baxay muddo kordhtii koowaad ee golaha guurtidu u sameeyaan dawladda Somaliland waxaana M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal loo kordhiyey muddo dhan sannad iyo badh. 1995-kii ilaa 1996-kii ayaa la kordhiyey. Horaantii sannadkii 1997-kii waxa loo dareeray doorashadii shir-Beeleedka ee ka dhacday Hargaysa gaar ahaan guriga shaqaalaha.
Muddo Kordhintii Labaad ee 2001-dii
Markii labaad ee muddo kordhinta loo sameeyey dawladdii M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal ahaa ahayd muddo dhan sannad. Taasoo ka bilaabmaysay 2001-dii ilaa 2002-dii. Sidii hore oo kale sababaha loo cuskaday muddo kordhinta ay golaha guurtidu samaysay waxa lagu sheegay dhawr arrimood oo ay ugu mihiimsan yihiin
 Guddigii diiwaangelinta lama samayn, si dadka codaynaya loo ogaado.
 Xudduudihii dalka lama wada gaadhin.
 Xaalada dalka oo weli ku jirta amaan-daro, maadaama oo Burco lagaga dhawaaqay gole Salaadiin iyo siyaasiin isugu jirta.
Markii ay golaha guurtidu arrimahaasi soo bandhigeen ayey go’aamiyeen muddo kordhintaasi.
Muddo Kordhintii Saddexaad ee 2003-dii.
Sannadkii 2003-dii ee la doortay M/weyne Daahir Riyaale Kaahin, muddo xilkeedkiisu wuxuu ku dhammaa 2008-dii. Markii ay soo dhawaatay wakhtigii doorashadu, ayay guurtidu kal-fadhi yeesheen kaasoo lagaga doodaayey ajande ah muddo kordhin loo sameeyo xukuumaddii Daahir Riyaale. Go’aanka muddo kordhinta oo sumadiisu ahayd GG/JSL kal-fadhi 35-aad, go’aan Lr 04/2008-dii, soona baxay 13-kii Abriil 2008-dii, ujeedada kal-fadhiga ayaa ahayd muddo kordhin. Waxa madasha fadhiyay 65 xildhibaan oo guurti ah, waxa la gudo-galay cod u qaadistii, waxa ogolaaday 61 xubnood, waxa ka aamuusay 3 xubnood, waxaana diiday 1 xubin ah. Sidaasi ayaa xukuumaddii Riyaale loogu kordhiyay ilaa bishii 6-aad ee sannadka 2009-ka.
Muddo kordhintii Afraad ee 2009-kii
Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa soo dalbay muddo kordhin dambe, balse wuxuu si xeeladaysan u soo dhigay muddo kordhin loo sameeyo. Warqada dalabka ah ee M/weyne Riyaale soo qoray ayuu ku sheegay in la is-waafajiyo xilliga ay guddiga doorashooyinku u qabteen inay doorashadu dhacdo iyo sidii xukuumada sharci kursiga ugu fadhiyi lahayd.
Laakiin golaha guurtida ayaa dalabkaasi kal-fadhi ka yeeshay, waxaana soo xaadiray 79 xubnood ka dib waxa la gudo-galay cod u qaadis gacan taaga ah ee muddo kordhinta, 42 xubnood ayaa ogolaaday, 35 xubnoodna way diideen. Sidaasi ayay ku ansaxday muddo kordhintii labaad. Labadaasi goor ee guurtidu u kordhisay M/weyne Daahri Riyaale waxay u cuskadeen qodobka Dastuurka ee 83-aad , firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada oo ay ku sababayeen nabadgelyo daro awgeed iyo inaanu dalku ku dhicin bilaa dawlad.
Muddo Kordhinta Shanaad ee la filayo 2015-ka
Muddo kordhintan waxay toos isugu mid yihiin tii ugu dambaysay ee loo sameeyey M/weyne Daahir Riyaale sannadkii 2009-kii. Sida maanta dhacday waraaqda uu M/weynuhu qoray ayaa golaha la horkeeni doonaa waxaana laga hor-akhriyey golaha ka dibna cod ayaa loo qaadi. waxay u cuskan doonaan qodobka Dastuurka ee 83-aad , firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada. Sidaasi ayey ansax ku noqon doontaa.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Cali Dool Axmed “ Qoryooley”…………………………. Meerisyadii Taariikhda
Boobe Yuusuf Ducaale……………………………………..Dhaxal-Reeb

HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

Guddoomiye Saleebaan Oo Ka Hadlay Jidka Loo Marayo Muddo-kordhinta Xukuumadda iyo Wakiilladaba Loo Samaynayo

saleebaanHargeysa:April,28,2015(Himilo)-Guddoomiyaha Golaha Guuurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Si Cad faahfaahin uga Bixiyey Baahida loo qabo in Golaha Guurtidu uu waajibkiisa ka qabsado sidii uu xal buuxa uga gaadhi lahaa Muddo-kordhin loo sameeyo Golayaasha Xukuumadda iyo Wakiillada oo Wakhtigoodii dhamaad ku dhaw yahay.

Fadhigii Maanta ee Golaha oo uu Saleebaan Maxamuud Aadan Ka hadlay, ayaa si faahfaahsan uga Hadlay Baahida loo qabo in Guurtidu ay qaadato Go’aan cidkasta Raalligeliya, isla-markaana Taladiisa la badsaday oo aan lagu degdegin.

Guddoomiye Saleebaan oo Haatan dibadda kasoo noqday, ayaa ugu horrayn sharaxaad ka bixiyey Waxyaabaha Guurti ahaan Maanta loo Baahan yayay, “Guux Badan iyo Tadaakhul badan ayaad mooddaa in Bulshadii la inoogu furay, innaguse dhego uma lihin oo ta qaranka ayeynu naqaan. Mid oday ah, mid meel dhexaad ah iyo mid dhallinyaro ah innaga maanta Hawshii Guurtida ayuu xilkeedii ina saaran yahay, sidii aynu ka yeeli jirney ayeynu ka yeelaynaa.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanay Guurti ahaan Maanta Eegaynin Dan Xisbi, Xukuumad ama cid gaar ahi leedahay, waxana isagoo arrintaas ka Hadlaya uu yidhi,

“inaggu axsaabna ma nihin, Komishanna ma nihin Xukuumadna ma nihine waxaynu nahay ka-talin danteena dantii qaranka, Degenaanshaheena iyo u adkaysigeenna ayaa Maanta la inooga fadhiyaa, Mana Degdegsanine wakhtibaynu haysanaa”

Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Markii ugu horraysay si cad u sheegay inay qaadanayaan Talooyinka Cidda Xaqa u leh in Wax laga weydiiyo Xaaladda Haatan dalku galay ee sharcigu siiyey, waxana uu yidhi,

“Wada-tashi baynu yeelanaynaa oo talaynu qaadanaynaynaa dhinac kastaba ha ahaatee cidda ay khusayso ee sharciyaddu siisay, Taladaas inagoo dhegaysanay baynu Go’aankeena Qaadanaynaa”

Guddoomiyahah oo Hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku dhuftay in xataa Xubnaha Guurtida katirsan ee Axsaabta gaarka ah taageera looga Baahan yahay inay Danta qaranka Maanta eegaan oo ay iska ilaawaan Dan cid gaar ahi leedahay,

“Waa Jiraan Rag Axsaabta ku jiraa oo kama madhna, laakiin Maanta Garnaq baa la rabaaye Axsaab lama rabo, garnaq iyo Ka Go’aan qaadasho ayaa la inooga fadhiyaa, waxa kale oo dhamina waxa ay daba soconayaan Dantaa Qaranka iyo Dadka, Dadweynahana waxad mooddaa in Badannkiisa Nashuushad la geliyey.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan .

Saleebaaan Maxamuud Aadan, waxa uu sharraxay Nooca uu noqon doono Go’aanka ay Guurti ahaan Qaadan Doonaan, waxana uu yidhi,

“Go’aanka la qaadanayaa waxa uu noqonayaa mid aan Xisbina u danaynayin, Xukuumadna u danaynaynin, cidkalena u danaynayn. Qarankana dadkaa leh Horta oo inagu ma lihin Dadweynuhuna wuu inoo igmadaye isagaa leh, Dadkiina waa in laga daayaa Kicinta iyo shididda.”

Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu Golaha ku wargeliyey inay Guddi u saari doonaan Arrinta, isla-markaana si weyn loosoo axadhi doono, xilweynna la iska saari doono sidii loo gaadhi lahaa Go’aan Bulshada qancin kara, kana saari kara Warwarka Haatan Taagan.

Hadalkani waxa uu kusoo beegmayaa xilli ay dhamaad ku dhaw yihiin Xilligii sharciga ahayd ee Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanku, isla-markaana shacabku dhegaha u taagayaan Muddada loogu dari doono Inay kuraasta kusii fadhiyaan.

 

Himilo Media

Islaamiyiinta Daacish Oo Madaxa Ka Guray Shan Saxafi Oo Dalka Libya Ka Hawgeli jirey

Albaydaa:April,28,2015(Himilo)-Islaamiyiinta Daacish qaybtooda Waddanka Libya, ayaa qudha ka jaray shan saxafi oo ay gacanta ku hayeen, waxana maalintii shalay Meydadkooda laga helay Magaalada Albaydaa ee Bariga Waddanka Libya.

cecSuxufiyiintan ayaa la sheegay in qoorta laga gooyay sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dalka Liibiya, muddo 8 bilood ka hor ayaa la afduubtay Wariyeyaashan.

Shanta Suxufi ee Kooxda Daacish ay dileen, ayaa waxa ay u shaqeynayeen Telefishin Maxali ah oo ku yaallo dalka Liibiya, kaasi oo lagu magacaabo Barqah, iyadoo howlwadeenada TV-gan ay aad uga naxeen falka lagu dilay Shantan Wariye.

Afar ka mid ah Suxufiyiinta waxa ay u dhasheen dalka Liibiya, halka midka Shanaadna uu u dhashay dalka Masar sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Tv-ga ay ka shaqeynayeen Suxufiyiintaan ayaa taageera arimaha Dowladda iyo ciidamada la dagaalamaya Kooxda Daacish.

Ururada Suxufiyiinta caalamka ayaa durba cambaareeyay falkan naxdinta badan ee Kooxda Daacish ay ku dileen shantaan Suxufi ee ka shaqeynaayay TV-ga Barqah ee dalka Liibiya.

Daacish waxa ay horay u dileen dad badan oo qaarkood ay qoorta ka jareen, halka qaarna ay nolosha ku gubeen.

 

Himilo Media

9-Qof Oo Ajaanib ah Oo Berri Dil Toogasho Lagu Fulin Doono Gudaha Dalka Endonesia

Jakarta:April,28,2015(Himilo)-Ajaanib Tiradoodu Sagaal tahay oo kasoo kala jeeda Dalal kuwan oo caalamka kamid ah, ayaa Maalinta Berri ah loo ballansan yahay in Xukun dil ay lagu fuliyo Gudaha Waddanka Indonesia.

kileSagaalkan qof, ayaa lagu helay inay Daroogo si sharci darro ah ugu iibinayeen Dalka Indonesia, waxana dhawaan lagu xukumay in Dil lagu fuliyo, kadib markii maxkamaddu ku caddaysay Kiisaska loo haysto.

Sabtidii lasoo dhaafay ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee Indonesia si rasmi ah ugu dhawaaqay in mudo 72-saacadood gudahood xukunka dilka toogashada lagu fulin doono ajaanibta.

Ajaanibta ayaa u kala dhashey wadamada Australia, Brazil, France, Ghana, Nigeria, Philippine balse muwaadinka reer France ayaa xukunkiisa ka qaatay racfaan.

Dadkan ayaa la qabtay sanadkii 2005 xilli ay rabeen in ay si dhuumaleysi daroogo uga dhoofiyaan Indonesia ayna geeyaan Australia.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Australia haweenayda la yidhaahdo Julie Bishop ayaa ugu baaqday masuuliyinta Indonesia in ay hakiyaan xukunka iyadoo ay socdaan baadhitaano la xidhiidha musuq-maasuq kadib markii xeer ilaalinta lacago boqolaal kun oo doolar si ay u khafiifiyaan xukunka.

Qoysaska maxaabista ayaa loo ogolaaday in ay ku booqdaan xabsiga oo ku taalla jaziirad cidlo ah, waxaana qoysaska iyagoo barooranaya ugu baaqay Indonesia in ay ka laabtaan go’aankeeda dilka toogashada.

Madaxweynaha dalka Indonesia ayaa sheegay in xukunka uu yahay mid cadaalad ah isla markaana aanay ka laaban doonin, qeybna ka tahay la dagaalanka daroogada.

Bilowgii sanadkan ayaa lix ajaanib oo u kala dhashey wadamada Holland, Brazil, Vietnam, Malawi iyo Nigeria la diley kadib markii lagu helay kiis la xidhiidha ka ganacsiga daroogada.

 

Himilo Media

Warbixin caalami ah oo lagu shaaciyey Kaalinta ay Somaliland kaga jirto Qaaradda Afrika, dalal waaweyn oo ay ka horreyso iyo waxa ay ku dhaaftay

Waa sidee aamminaadda Bulshada Somaliland ku qabaan Xukuumadda iyo arrimo kale oo loo adeegsaday qiimayntan?
Washington, 28 April, 2015-(Himilo)- Xog-uruurin caalami ah oo socotay muddo laba sannadood ah oo Jaamacadda Columbia ee dalka Maraykanku ka samaysay heerka farxadda waddamadda dunida, ayaa lagu shaaciyey in bulshada Somaliland ka galeen kaalinta lixaad qiimayn lagu sameeyey 45 waddan oo Qaaradda Afrika ka tirsan.
jeffrey_d_sachs_15_001Sida lagu shaaciyey Warbixintan oo Mr. Jeffrey D. Sachs oo la-taliye gaar ah u ah Hay’adda Qaramada Midoobay, isla markaana ah Madaxa Kulliyadda Cilmiga dhulka ee Jaamacadda Columbia soo saaray shalay, ayaa lagu sheegay in qiimayn lagu sameeyey 158 waddan oo dunnida ka tirsan, natiijadeeduna noqotay in waddamo badan oo dhaqaalaha ku horreeyaa ka galeen kaalmo hoose.
Qiimaynta xog-uruurintan oo lagu saleeyey Dakhliga dadka, Caafimaadka, Adeegga Bulshada, Madax-bannaanida iyo heerka ku qanacsanaanta Xukuumadahooda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu eegayey heerka ammaanka, werwerka iyo cadhada bulshooyinka dalalkaas kala duwan ku dhaqan.
Inkastoo heer gaar ah oo lagu qiimayo farxadda ama sida lagu cabbiray, wax layska weydiin karo, haddana waxa hab baadhitaan isku mid ah loo adeegsaday waddan walba, si looga fogaado xiisayn gaar ah. Halbeegga qiimaynta farxadda oo laga qaaday 45 waddan oo Qaarada Afrika ah, ayaa lagu sheegay in dadka ugu farxadda badani noqdeen dadka reer Liibiya, inkastoo maalin walba dhimashada iyo Xabaduhu ka socdaan.
Sidoo kale, kaalinta labaad waxa galay waddanka Aljeeriya, waxaana lagu sheegay warbixintaas inkastoo horumar badani ka socdo dalka Marooko, haddana waxa galay kaalinta toddobaad, balse waxa ka horreysa waddanka aan aqoonsiga haysan ee Somaliland, sida warbixinta lagu xusay. Waddanka Koonfurta Afrika oo ugu horumarsan Qaaradda Afrika, ayaa la sheegay inuu kaalinta 12 noqday, halka waddamadda Ivory Coast iyo Rwanda, oo koboc dhaqaale la yaab ahi ka jiro ay ku dhaceen kaalmaha 40 iyo 42-aad.
Guud ahaan qiimaynta heerka farxadda waddamadda dunida, ayaa lagu sheegay inuu kaalinta koowaad noqday waddanka Liibiya, kuna xigaan waddamada Iceland, Denmark, Norway iyo Canada, halka dalka Maraykanku noqday kaalinta 15-aad.
Heerka kala horreynta farxadda ee waddamadda Qaaradda Afrika ee Warbixintan lagu shaaciyey ayaa noqotay sidan hoos ku qoran:-
1. Libya (5.754)
2. Algeria (5.605)
3. Mauritius (5.477)
4. Nigeria (5.268)
5. Zambia (5.129)
6. Somaliland (5.057)
7. Morocco (5.013)
8. Mozambique (4.971)
9. Lesotho (4.898)
10. Swaziland (4.867)
11. Tunisia (4.739)
12. South Africa (4.642)
13. Ghana (4.633)
14. Zimbabwe (4.610)
15. Liberia (4.571)
16. Sudan (4.550)
17. Rép. Dém. du Congo (Kinshasa) (4.517)
18. Ethiopia (4.512)
19. Sierra Leone (4.507)
20. Mauritania (4.436)
21. Kenya (4.419)
22. Djibouti (4.369)
23. Botswana (4.332)
24. Malawi (4.292)
25. Cameroon (4.252)
26. Egypt (4.194)
27. Angola (4.033)
28. Mali (3.995)
29. Congo (Brazzaville) (3.989)
30. Comoros (3.956)
31. Uganda (3.931)
32. Senegal (3.904)
33. Gabon (3.896)
34. Niger (3.845)
35. Tanzania (3.781)
36. Madagascar (3.681)
37. Central African Republic (3.678)
38. Chad (3.667)
39. Guinea (3.656)
40. Côte d’Ivoire (3.655)
41. Burkina Faso (3.587)
42. Rwanda (3.465)
43. Benin (3.340)
44. Burundi (2.906)
45. Togo (2.839).
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

Urur-goboleedka IGAD oo ka hadlay dib-u-dhaca doorashooyinka Somaliland, Rejana ka muujiyey wadahadalladii ay Soomaaliya kula jirtay

“Shirarkaasina (wadahadalladu) sidii hore-ba go'aanka loogu gaadhay ayey u socon doonaan, natiijona in laga gaadhi doono ayaan filaynaa….” Xoghayaha guud ee Urur-goboleedka IGAD Maxbuub Macallin
Hargeysa, 28 April, 2015-(Himilo):- Urur-goboleedka IGAD, ayaa sheegay inay Somaliland beesha caalamka sumcad iyo ixtiraam kaga kasbatay qaabkii ay ugu hirgeleen doorashooyinkii hore uga soo qabsoomay oo ku dhammaaday qaab dimuquraadiyad iyo nabadgelyo ah, isla markaana doorashooyinka soo socda haddii ay dib u dhacaan sababta ay yeelanaysaa ku xidhnaan doonto aragtida Bulshada iyo dawladda Somaliland u sameeyaan.
Xog - hayaha IGADUrurka IGAD waxa uu sidoo kale ka hadlay wadahadalladii u socday Somaliland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya oo hakad ama fashil ku yimi 1-dii bishii March 2015-ka oo uu shirka siddeedaad ee wadahadalladu ka furmi lahaa magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga, kaasoo uu sheegay in kala dhaqaaqii shirkaas macnihiisu ahayn in wadahadalladii labada dhinac guud ahaan fashilmeen, hase-yeeshee, ay halkoodii ka sii socon doonaan, rejo fiicanna ay ka qabaan in natiijo wanaagsan laga gaadhi doono.
Xoghayaha guud ee Urur-goboleedka IGAD Maxbuub Macallin oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa booqasho ku yimaaddeen Somaliland, ayaa shalay Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxaanu ka warramay ujeeddada socdaalkooda oo uu ku sheegay mid la xidhiidha dhinaca Waxbarashada.
“Waxaan ka soconaa Ururka IGAD, waxa ila socda niman Saraakiil ah oo ka tirsan Ururkaas, oo ay badhkood ka yimaadeen, Saldhigga (Xarunta) Ururka ee Djibouti oo aniga ila socday, badhna, xafiisyadayada kale ee waddamada kala duwan ee urur goboleedku ku yaalo, xubno ka socda xafiiska Nairobi, Ninka madaxda ka ah iskuulka xanaanada xoolaha ee magaalada Sheekh. waxaan is-tusnay in dadkii lahaa, oo dadyowga gobolka ah, inaanu wacyi gallino, inaan samayno Sanduuq deeq waxbarasho (Scholarship Fund) maal-galin yar oo dadku wax ku darsado, oo shaqada.” Sidaa ayuu yidhi Maxbuub.
“Dugsiga lagu wado Carruurta aan heli karin inay iska bixiyaan lacagta waxbarashadana lagu taakuleyn karro, xalay shirka sanduuqaas taakulaynta ah ayaannu qabannay. Waxaan filaynaa in dadka baayac-mushtarka ah ee reer Hargeysa, inay gacan ka geysan doonaan. Dalal kalena waan tagaynaa, shirar noocaas oo kale ahna waanu ku qabanaynaa, si uu sanduuqaasi u noqdo mid kobocsan ' taabo gal noqday.”
Maxbuub Macalin oo ka warbixinayay sida ay Urur IGAD ahaan u arkaan dib u dhaca doorashooyinka Somaliland, waxa uu yidhi; “Midaas waxay ku xidhan tahay dowlada iyo dadka Somaliland, xaqiiqdii, horena arrimaha waaweyn ee Somaliland horgalka u ahaa in loo arko dal wanaag wada oo muuqaalkooduna aad uu u fiican yahay, waxa ugu muhiimsanaa, doorashooyinka faraha badan ee sida fiican u dhacay, ayaa kamid ahaa arrimaha waaweyn ee aad Somaliland loogu xushmeeyo, gobol iyo caalamiba. Haddii midka soo socda (doorashooyinku) ay dib u dhacaan, taasi waxay ku xidhan tahay dadka Somaliland iyo dawladdooda.”
Xoghaye Maxbuub waxa uu ka hadlay wadahadalladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya oo shirkii u dambeeyey ee siddeedaad fashilmay kawdii bishii March ee sannadkan 2015-ka, waxaanu yidhi; “Waan waanta iyo wadahadallada u socday Soomaaliya iyo Somaliland ma bur-burin, wali way socdaan. Haddii shirarkii wadahadallada midkood dib u dhac ku yimaaddo, macneheedu maaha in wadahadalladii labada dhinac u socday ay burbureen.”
“Laakiin, waa inay wufuudii, madaxdii waddamadooda ay dib ugu noqdeen oo u doonteen amarro iyo awaamiir cusub, ayna soo noqon doonaan, shirarkaasina sidii hore-ba go'aanka loogu gaadhay ayey u socon doonaan, natiijona in laga gaadhi doono ayaan filaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Urur-gobleedka IGAD Maxbuub Macallin.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo farta ku fiiqay Cidda leh Masuuliyadda dib-u-dhaca doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada

Hargeysa, 28 April, 2015-(Himilo):- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ku dooday inaanay iyagu masuul ka ahayn dib-u-dhaca doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada, isla markaana waxay kula galgasheen habsankaas Guddigii iyaga ka horreysay ee ay xilka kala wareegeen.
SICIID CALI MUUSEAfhayeenka Guddiga doorashooyinka Siciid Cali Muuse, ayaa sheegay in muddadii ay xilka hayeen Guddigoodu hawlo badan oo fiican qabteen, si habsami ahna u wadaan shaqada ay Qaranka ugu xil-saaran yihiin ee hawlaha diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka ay sannadka soo socda kala badhkiisa u muddeeyeen.
Siciid Cali Muuse oo uu waraysi gaar ah la yeeshey Weriye Sidiiq Maxamed Burmad oo ka tirsan Radio Hirad, waxa uu sharraxay waxyaabaha ay qabtaan bilihii u dambeeyey, waxaanu yidhi; “Hadda waxaannu ku jirnaa qaban-qaabadii diiwaangalinta, diiwaangelinta dadka marka la bilaabayana waxay bilaamaysaa 11ka July waxay soconaysaa illaa 11-ka November 2015, diiwaangelintii gobollada oo dhan.”
Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Qaranka oo la weydiiyey diiwaangelintu waxay tahay, waxa uu ku jawaabay; “Mayanee waa diiwaangelintii oo keliya, ta hore waa qaban-qaabadii hadda waxaannu wadnaa kharashaadkii, wacyigelintii ayaannu diyaarinaynaa, qandaraasyadii ayaannu wadnaa, waxaanannu wadaynaa illaa Ramadaan oo soo galaysa intaas waa Juun, ka dib waxa bilaabanaysa in qofka la diiwaangeliyo, taasina Julay ayay soconaysaa, bisha 11-aad ayaannu soo saaraynaa liiska dadkii is diiwaangeliyay oo hadhaw xaq u yeelanaya inay codeeyaan.”
“Marka diiwaangelintu dhammaato waa in lix bilood la sugaa inta doorashadu dhacayso oo sharci Baarlamaan ayaa odhanaya waa inay lix bilood u dhaxaysaa maalinta liiska la soo saaro iyo maalinta doorashada la qabanayo.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse.
Siciid Cali Muuse oo la weydiiyey maaddaama oo ay Baarlamaanka iyo Xukuumadduba iska duween eedaha dib-u-dhaca doorashooyinka sababta u ah, bal inuu bulshada fahansiiyo waxa sababta u ah dib u dhaca iyo cidda masuulka ka ah, waxa uu ku jawaabay; “Sidiiq waa ku sidee annaga naguma dhicin, adigu haddii aanad fahmin dadkuna fahmi maayaan.”
Waxa uu Weriyuhu ku celiyey oo mar kale weydiiyey Afhayeenka komishanka bal in uu isaga Weriye ahaan fahansiiyo sababta, waxaanu yidhi; “Waanigaa ku fahansiiyay, annagu waxba dib umaannaan dhigin, annagu shaqada tani inay dhammaato ayaa noo taalla. Komishankii hore ayaa lahaa afar bilood ayuu dalku bilaa Komishan ahaa, hawsha immika maannaan bilaabin illaa maalintii nala doortay.”
Sidoo kale, Afhayeenka Guddiga doorashooyinka oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey tallaabada tan u xigta, waxa uu yidhi; “Miyaannu garanaynaa, Illaahay ayaa naga og, annaga waajibkaygu waa inaan cayinno doorashada, dabadeedna Madaxwaynaha u gudbinno, taana waannu samaynay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland