Waxa dhawaanahan caalamka siiba dunida reer galbeedka ka socday aflagaadooyin lagula kacayay Nabigeenii suubanaa ee Muxamed Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaate taasoo saxaafada reer galbeedku siiba ta waddanka faransiiska jaraa’id ka mid ahi soo sawiray sawir kartoon lagu aflagaadeeynayo nabigeena (NNKH). Sidaa daraadeed iyadoo ay inagu waajib tahay inaynu afka iyo adinkaba ugu hiilino nabigeena(NNKH) ayaan gabaygan magaciisa la yidhaahdo XUMAAN KA NASAHAN NABIGU curiyay.
Gabaygani waxa uu jawaab u yahay kartoonkii uu sawiray jaraa’idka la yidhaahdo Charles Hbedo ee ka soo baxa waddanka faransiiska. Waxaanan ku bilaabay gabayga
Xumaan ka nasahan Nabigu SCW
Illaah baa nuur dul dhigay
Quraysh Nasab weeye runa
Nasteexaa laga dhaxlee
Kartoonada laysku nabay
Warkoodaa nuxurka daran
Miyaa loo nisbayn karaa
Dhamaan dunidoo lur iyo
Lugooyiyo hawli taal
Luntoo ambatoo laciiftay
Iimaankuna uu nusqaamay
Caqligu wada naafo yahay
Negaanshana aanu jirin
Ladnaantuba baahi tahay
Asnaam aan nafi ku jirin
Dadkuba ay naawilaan
Narruuro ka raadiyaan
Naftana u hibeynayaan
Sawtii nabigeenu SCW yimi
Nasriga soo rogay raxmaan
Nalkiyo uu baxay ilays
Necbaanshuhu kuu u galo
Naftiisu halow bade
Naar iyo dhamac baa sugtoo
Jaxiimaa laasan doonta
Rumaynay rabow rumaynay
Na raaci rasuulkayaga
Rugtuu dagay nagu hagaaji
Rafiiqana nooga yeel
Ibleyska sharkiisa iyo
Shaydaankana naga xijaab
Sharaftaad nagu beertay iyo
Islaamnimo nagu shakaal
DHAMAAD
Abwaan Siciid Maxamed Salaad
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment