Wednesday, April 29, 2015

Guddoomiyaha Guurtida oo sheegay inay wada-tashi samaynayaan intaanay Gole ahaan gacanta u taagin muddo-kordhinta Madaxtooyada iyo Wakiillada

“Muddo-kordhinta sidii aynu ka yeeli jirnay ayuun baynu ka yeelaynaa. Innagu Axsaab-na ma nihin Xukuumad-na ma nihin, Komishankii doorashadana ma nihin. Waxaynu maanta nahay…”
“Go’aanka la qaadanayaa wuxuu noqonayaa kii aan Xukuumad-na u danaynayn, Xisbina u danaynayn, Nin kalena u danaynayn, ee Qarankaas baa loo danaynayaa.. Rag Xisbiyada ka tirsani way jiraan waan ogahay Golaha, laakiin maanta maaha...” Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan
Hargeysa, 29 April, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Guurtida ku waaniyey inaanay ka turjumin siyaasadda ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu isku hayaan, hase-yeeshee ay ka fikiriaan danta Qaranka Somaliland iyo degganaanshihiisu sida ay ku jiraan, iyagoo ay qasab tahay inay gutaan waajibkooda sharcigu jideeyey ee ka go’aan-qaadashada muddo-kordhin loo sameeyo Golayaasha wakhtiyadoodii sharciga ahaa dhammaanayo ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.
saleebaan gaalGuddoomiye Saleebaan, waxa uu sheegay in wada-tashi cidda sharcigu u jideeyey ee ay arrimaha dib-u-dhaca doorashooyinku khuseeyaan ka yeelan doonaan muddo-kordhinta ay samaynayaan intaan loo codaynin ka hor, isla markaana waxa uu sheegay in Guddi ka soo talo-bixisa Guurtidu u saarayso Sabtida toddobaadka soo socda. Waxaanu Guddoomiyaha Guurtidu sidaa ku sheegay hadal uu shalay ka jeediyey Fadhigii Golahaas, isagoo Isniintii ku soo laabtay, markii uu muddo bilo ah dibedda waddanka ku maqnaa.
“Muddo-kordhinta sidii aynu ka yeeli jirnay ayuun baynu ka yeelaynaa. Innagu Axsaab-na ma nihin Xukuumad-na ma nihin, Komishankii doorashadana ma nihin. Waxaynu maanta nahay Golaha ka talinaya dantii Qaranka, degganaanshaha iyo u adkeysigiisa ayaa maanta la innooga fadhiyaa. Ma deg-degsanin ee muddo ayaynu haysannaa oo waa ka gaadhsiin karaynaa. Wada-tashi ayaynu yeelanaynaa oo talo dhinac kastaba leh ayaynu qaadanaynaa, oo ah inta ay khusayso ee Sharciyaddu siisay. Taladaas innagoo dhegaysannay baynu innagu go’aankeenna qaadanaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida oo la hadlayey Xildhibaannada Golahaas.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay jiraan Mudanayaal ka tirsan Golaha Odayaasha oo Xisbiyada qaarkood ka tirsan, hase-yeeshee, aanay maanta arrintu taagnayn heerkaas ee ay taagan tahay heer Qaran oo gaar u saaran Golaha Guurtida, waxaanu yidhi; “Waa jiraan Ragga qaar Asxaabta ku jira oo kama madhna oo waan ogahay Golaha. Laakiin, maanta gar-naq baa la rabaaye Axsaab looma fadhiyo. Gar-naq iyo dan ka go’aan-qaadasho ayaa la innooga fadhiyaa, waxa kale oo dhani waxay noqonayaan wax daba socda dantaas Qaranka iyo dadka.”
Waxa uu Guddoomiyaha Guurtidu sheegay inaan loo baahnayn in dadka kicin iyo abaabul lagu sameeyo, lana fahmo in muddo-kordhinta horena loo sameeyey, immikana ay qasab tahay in la sameeyo, waxaanu yidhi; “Dadweynaha waxaad mooddaa in durba nashuushad la gashay. Awal ba muddo-kordhintu way dhici jirtay, maantana way dhici ee Illaahay horta ta toosan ha inna waafajiyo, ta toosan Illaahay ha innagu ilhaamiyo. Laakiin, go’aanka la qaadanayaa wuxuu noqonayaa kii aan Xukuumad-na u danaynayn, Xisbina u danaynayn, Nin kalena u danaynayn, ee Qarankaas baa loo danaynayaa.”
“Arrintan horta dadweynaha ayaa leh, innaga wuu innoo igmadaye ma lihin. Dadweynaha ayaynu ka turjumaynaa, dadkiina waa in laga daayaa Kicinta iyo shididda. Dadweynuhu uma baahna kicin iyo dhibaato in ku filanna wuu soo maray. Illaahay innaguma cesho, Illaahayow ha nagu celin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadalkiisa sii watay.
Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay inaanu wax laga cabsoodo ahayn go’aanku, isla markaana wada-tashi marka ay Gole ahaan sameeyaan ka dib, go’aan sharci ah oo muddo-kordhinta la xidhiidha ay qaadan doonaan, waxaanu yidhi; “Wax laga cabsado go’aan maaha. Go’aan waa loo fikiraa, waa la sugaa ka dibna waa la qaataa, markaa waxaa innagu khasab ah inaan go’aan-qaadanno ee aan sugno. Guddi baynu u saaraynaa aynu muddo u qabanno, Sabtida ayaynu Insha Allaah isugu iman, maantana xilkaas baa inna fuulaye waxaa dhacaya dhagaha ka furaysta.”
Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhinacyada hirgelinta nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka, ayaa walaac ka muujiyey inay Golaha Guurtidu Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada u kordhiyaan muddo ka badan ta ay Guddiga doorashooyinku shaaciyeen inay ku qaban karaan doorashooyinkaas oo ay u cayimeen 1-da bisha June sannadka soo socda ee 2016-ka, iyagoo ka digay inay Golaha Guurti tallaabo wakhtigaas ka badan ay qaadaan.
Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Gurigiisa magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, kaasoo ay u gudbiyeen Mawqifka labada Xisbi ka taagan yihiin muddo-kordhinta, iyagoo u caddeeyey inay muddada sannadka ah ee farsamo ahaan inay dib u dhacday doorashadu ay caddeeyeen Komishanka Qaranku u aqbaleen danta Qaranka, hase-yeeshee, aanay aqbalayn wax ka badan sannadkaas farsamo, diyaarna u yihiin in doorashada la qabto 1-da bisha June 2016-ka, maaddaama oo ay ka dib dhacday in la qabto 26 June 2015.
Sidaa darteed, waxay Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad Guddoomiyaha Guurtida ka dalbadeen inay is-waafajiyaan wakhtiga ay kordhinayaan iyo wakhtiga ay Guddiga doorashooyinku cayimeen, iyagoo Qaadhaan-bixiyeyaashuna sidaas oo kale hore uga codsaday Golaha Guurtida iyo Madaxweynaha Somaliland-ba.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa Sabtidii toddobaadkan u gudbiyey Qoraal uu kaga dalbaday inay waajibkooda Dastuuriga ah ka gutaan muddada dhammaanaysa ee Madaxtooyada iyo Wakiillada, isagoo qoraalkiisa ku ladhay sida la sheegay wakhtiga ay Guddiga doorashooyinku sheegeen inay qaban karaan doorashooyinka ka dib-dhacay 26-june oo wakhtiga sharciga ah ee Wakiillada iyo Madaxtooyadu ku dhammaanaya, qabtayna 1-da June 2016-ka. Balse, weli werwer baa jira ay Xisbiyada Mucaaradku ka muujinayaan go’aanka ay Guurtidu qaadan doonaan oo ay iftiiminayaan in muddo sannadkaas ka badan ay samayn karaan Guurtidu
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

No comments:

Post a Comment