Tuesday, April 28, 2015

Madaxweynaha Uganda oo Saraakiisha Ciidammada ku amray inay Shacabka dalkiisa u tabobbaraan ka hor-tagga weerarro Al-Shabaab kaga yimaadda

Kampala, 28 April, 2015 (Himilo):- Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa Saraakiisha Ciidammada dalkiisa ku amray inay Shacabka Uganda siiyaan tabobbarro ay kaga hortegi karaan weerarro Kooxda Al-shabaab ku soo qaaddo, isagoo xusay inay hore Al-Shabaab weerar argaggixiso uga fulisay waddankiisa, kaasoo ka dhacay Caasimadda Kampala, isla markaana ay ku dhinteen 76-qof oo reer Uganda ah.
MADAXWEYNAHA UGANDA(1)Warbixinta uu qoray Madaxweyne Museveni oo lagu daabacay Wargeysyada dalka Uganda kasoo baxa, ayuu Shacabka waddankiisa uu kaga dalbaday inay qaataan tabobbarro ay kaga hortegi karaan, iskagana difaaci karaan haddii lagu soo qaado weerarro argaggixiso, isagoo xusay inay lama huraan tahay inay iska difaacaan Al-Shabaab haddii ay soo weerarto dalkooda.
Sidoo kale, Madaxweyne Museveni, ayaa warbixintiisa ku sheegay in Ciidamada Uganda ee ka hawlgala dalka Soomaaliya ay dagaallada ku jebiyeen Al-shabaab, taasoo sababi karta inay weerarro kusoo qaadaan gudaha dalka Uganda.
“Ciidammadeenna Soomaaliya ku sugani way sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab, illaa laga saaraayo dhulka ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.” Weedhahaas ayaa ka mid ahaa Warbixinta uu Madaxweynaha Waddanka Uganda soo saaray, isla markaana kula hadlay Shacabka iyo Saraakiisha Ciidammada dalkiisa.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga dawladda Uganda Cap. Paddy Akunda, ayaa isna dhankiisa sheegay in hadalka kasoo yeedhay Madaxweynaha Uganda uu macno ahaan ka dhigan tahay in Shacabka Uganda ay iska difaacaan Ururka Al-shabaab haddii ay weerarro soo qaadaan.
Waddanka Uganda, waxa Soomaaliya ka jooga Ciidammo fara badan oo qayb ka ah Ciidammada AMISOM ee dawladda Soomaaliya ka taageera dagaallada ay kula jirto Al-Shabaab oo muddo sannado ah isku dayaysay inay xukunka ka tuurto.
Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa muujiyay in Al-Shabaab aanay hadda awood badan u lahayn inay weerarro ka geysato dalka Uganda iyo kuwa kale ee ay ka socdaan Ciidammada AMSIOM oo uu ka mid yahay dalka Kenya oo ay isaga weerarro taxane ah oo dad badan galaaftay ka geystay gudaha Kenya.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment