Hargeysa, 22 April, 2015 (Himilo)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaca wakhtiga rasmiga ah ee doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu ka qabsoomi doonaan dalka oo ay u muddeeyeen badhtamaha sannadka dambe.
Guddiga oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda, ka hor intii aanay hortagin Golaha Wakiillada oo ay warbixin ka siiyeen geeddi-socodka hawlahooda, ayaa sheegay ayaa sheegay inay qorsheeyeen in doorashadu dalka ka dhacdo 1-da bisha June ee sannadka 2016-ka, sidaasna ay Madaxweynaha ugu gudbiyeen Muddadaasi si uu ugu cayimo doorashada.
Go’aanka Komishanka
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Md Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo shirka jar’aa’id ka hadlay ayaa sheegay inay madaxweynaha u gudbiyeen habeen hore wakhtiga doorashadu ay qabsoomayso, waxaanay Golaha ka dalbadeen dhammaystirka Xeerka Doorashada Wakiillada oo ku jira Ajandaha Kalfadhiga 27aad oo mudaneyaashu kaga doodi doonaan.
“Waxaanu Xalay (habeen hore) u gudbinay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cayimaadda maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxtooyada iyo golaha wakiilada oo ku beegmaysa maalinta ay bisha June tahay 1 2016. Anigoo ka wakiil ah Komishanka Doorashada qaranka ee hortiina fadhiya, waxaanu idinka codsanaynaa in la dhamaystiro Xeerka doorashada Golaha wakiilada, in wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyo xeerka diwaangalinta codbixiyeyaasha, kaasi oo aanu ka diyaarinay qodobo iyo meelo u baahan in dib loogu noqdo,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Md Cabdiqaadir Iimaan Warsame.
Golaha Wakiillada iyo Komishanka
Toddobada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka oo shirkooda jaraa’id kaddib hortagay Golaha Wakiillada, ayaa warbixin kooban kaddib, waxa ay mudaneyaashu su’aalo ka weydiiyeen Guddiga Doorashada ku-talo-galka Qorsheyaasha qabsoomidda doorashada, ayaa Af-hayeenka komishanka oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey waxa uga qorshayn meelo laga yaabo inaan amnigiisu fiicnayn, waxa uu ku jawaabay, “Waxyaabaha aanu arrintaas ka qorshaysanay waxaa ka mid ah inaanu iskugu yeedhay guddi heer qaran ah oo ay ka mid yihiin Wasiirada Gaashaandhiga iyo Arrimaha gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Militariga iyo Booliska, kuwaas oo aanu isla soo qaadnay sidii aanu u qiimayn lahayn xaaladaha ammaan ee Gobolada iyo Degmooyinka, Degmooyinka inagu cusub waxaa ka mid ah Laasqoray iyo Taleex. Waxaanu wadnaa in arrintaasi laga dhigo mid heer qaran ah oo wacyi galin xoog badan ay ku baxdo. Waxaanu la xidhiidhnay Madax-dhaqameedka Gobollada Bari, waxaanu la xidhiidhnay dadka kale ee Magaca leh iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee Aaggaasi oo aanu ka wada shaqaynayno sidii Meelahaas doorashadu uga dhici lahayd,” ayuu yidhi Afhayeenka Komishanka Doorashooyinku Siciid Cali Muuse.
Sidoo kale, waxa jawaabta su’aashaas ka hadlay, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada oo sheegay in Guddiga Heer Qaran ee arrimahaas loo xil-saari doono ay Xisbiyada Siyaasaddu ka mid yihiin, isla markaana ay socdaal loo dhan yahay oo Qiimayn ku tagi doonaan degmooyinka Taleex iyo Laasqoray.
Aragtida Xisiyada Mucaaradka
Xisbiyada Qaranka, ayaa soo dhaweeyay qorshaha Komishanku soo bandhigay, gaar ahaan xisbiyada mucaaradka oo qiray inay oggol yihiiin muddo-kordhin hal sanno ah oo xukuumadda loo sameeyo, maadaama oo muddo-xileedka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku egtahay 26 bishsa June ee sannadkan. “Waanu soo dhawaynaynaa annagoo danta qaranka ka eegayna qorshahaas guddiga, laakiin Waxaanu guurtida uga digaynaa inay muddadaas muddo ka badan kordhiyaan oo aanan Xisbi ahaan aqbali Karin, umadda Somaliland na aqbali doonin, bulshada Caalamkuna aqbali doonin,” Sidaa waxa yidhi gudoomiye xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed.
Sidoo kale, Murashaxa madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ka hadlay mowqifka Xisbigooda ee muddeynta doorashada iyo muddo-kordhin xukuumadda loo sameeyo oo dhaafsiisan xilliga qabsoomidda doorashada loo qabtay, waxaanu yidhi, “Waxaan shacabka Somaliland u sheegayaa inaanay muddo-kordhintu maanta dhicin, laba sanno ka hor ayaa la suurtaliyey oo laga bilaabay xafiiska madaxtooyada sidii doorashadu dib ugu dhici lahayd. Annagu waxaanu diyaar u nahay doorasho, guddiga doorashaduna waxay maanta (shalay) shaaciyeen waa farsamo ahaan sidii wax ugu suurto-gali lahaayeen, waananu raacsannahay wakhtiga ay saareen inaanu ugu diyaar-garowno.”
Mudaneyaasha Guurtida oo Saluugay Qorshaha Komishanka
Mudaneyaal Golaha Guurtida ka tirsan, ayaa arrintan ka soo horjeestay, waxaanay ku doodeen inaanay Komishanka doorashadu xaq u lahayn Cayimidda wakhtiga doorashada isla markaana ay baalmareen sharcigii dalka u yaallay. “Waxaanu u aragnaa arrin ay ku deg-degeen oo aan dastuurka dalka waafaqsanayn. Waxaad moodaa in gaalo iyo Xisbiyada Mucaaradka ahi dabada ka wadaan Komishanka. Waxaan aaminsanahay inay deg-degeen, waxaanan u soo jeedinayaa inay ka noqdaan go’aanka khaldan ee ay qaateen. Waxaad mooddaa inay is nasaqayaan oo intay Dastuurkii faro-galiyeen ay ka dhigayaan Jadwal ah maalintii doorashada ayaanu cayinay. Jadwalku wuxuu iman karaa marka muddo kordhintu dhacdo, muddo kordhintana iyagu ma laha,” ayuu yidhi.
Sidaas waxa yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland.
Xildhibaanno kale oo guurtida ka tirsan, ayaa go’aanka Komishanku ku muddeeyey xilliga loogu diyaar-garoobayo doorashada, ku qaabilay eedayn ay u jeediyeen Komishanka doorashada oo ay eedeeyeen inay meel kaga dhaceen dastuurka dalka, iyaga oo ku dooday inaanay guddigu xaq u lahayn cayimidda doorashada iyadoo aanay guurtidu samaynin wax muddo-kordhin ah.
Go’aanka Komishanka kaddib, maxaa xiga?!
Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo hore loogu muddeeyey inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadkan, ayaan suurta-lin sababo la xidhiidh xeerka doorashada Golaha Wakiillada oo wali qabyo ah, dib-u-dhac ku yimi diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, halka sidoo kale xisbiyada mucaaradku masuuliyadda dib-u-dhaca doorashada dusha ka saara xukuumadda oo ay ku eedeeyaan inay doonayso muddo-kordhin loo sameeyo.
Balse muddada Guddiga doorashooyinku u qabteen hirgelinta doorashada oo ay innaga xigaan 14 bilood ah, halka muddo-xileedka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay ka hadhsan tahay laba bilood. Haseyeeshee, marka laga yimaaddo go’aanka Komishanka, waxa laga dhursugayaa Golaha Guurtida oo go’aamin doona muddo-kordhin ay u sameeyaan xukuumadda oo ku sar-go’an halka sanno ee qabsoomidda doorashada ka hadhsan. Balse lama garan karo in muddo-kordhinta Guurtidu noqon dooto mid ka badan ama yar xilliga komishanku u qabtay doorashada. Laakiin, sida uu kaga dhawaajiyey Xildhibaan Indho-indho, waxa dhici karta in Muddo-kordhinta la filayo inay Golaha Guurtidu u sameeyaan Xukuumadda inay meesha ka saarto Go’aanka Guddiga Doorashooyinku ku shaaciyeen xilliga doorashada ee halka sanno ku eg. “Waxa kaliya oo ay jadwalkooda samaysan karaan waa marka Muddo kordhini dhacdo. Berri haddaanu nidhaa 6 bilood baanu kordhinay ama sanad iyo badh baanu kordhinay, dee toodani way beenoobaysaa,” ayuu yidhi xildhibaan indho-indho.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment