Tuesday, April 21, 2015

Soomaaliya oo soo faro-gelisay Qorshaha Maal-geshi ee dekedda Berbera iyo Hanjabaad ay jeedisay

Muqdisho, 21 April, 2015 (Himilo)- Dawladda Soomaaliyaa, ayaa markii ugu horraysay si indho la’aan ah uga hadashay Qorshaha Maalgeshi ee Dekedda Magaalada Berbera oo xukuumadda Somaliland baadi-goob ugu jirto inay shirkado Ajaanib ah heshiis kula gasho dib-u-casriyeyn iyo ballaadhin lagu sameeyo.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Muqdisho Nuur Faarax Xirsi, ayaa isagu warbaahinta mariyey hadallo qaawan oo uu ku sheeganayo maamulidda Dekedda Magaalada Berbera, waxaana uu ku dhiirraday inuu digniin ka diro tallaabada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Maalgelinta ugu raadinayso Dekedda Berbera.

Wasiir Nuur oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland isla markaana ahaa guddoomiyihii urur-siyaasadeedkii GURMAD, ayaa ku dooday in dowlada Soomaaliya masuuliyadi ka saaran tahay Dekedda Berbera, waxana uu intaas ku daray inaanay ka aamusaynin Tallaabooyinka Xukuumadda Somaliland ku horumarinayso Dekeddeeda,“Dekedda Berbera waa meelaha loo baahan yahay in la horumariyo nolosha Mujtamaca Halkaas ka jirana Laf dhabar bay u ahayd, waxana ay ahayd Hal irmaan oo ay maasho Somaliland, waxana ay ahayd meesha Nabaddaas iyo noloshaasi ku xidhan tahay haddii tii la dhaawacayana masuuliyaddu waxa ay na faraysaa inaan laga aamusin waana in laga hadlo oo la caddeeyo” ayuu yidhi Nuur Faarax Xirsi.

Wasiir Nuur Faarax Xirsi oo Hadalkiisa sii wata ayaa si cad u sheegay inaan Somaliland wax heshiis ah ka geli karin Casriyeynta Marsada Berbera, waxana uu ku hanjabay in arrintaasi gaadhi Doonto Heer Maxkamad la geeyo, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

“Mana jiro Maamul heshiis ku geli kara ay Gacanta Soomaaliyeed kaga wareegto Dekedda Berbera oo Hargeysa fadhiyaa Ma jiro, waana la arki doonaa oo maxkamad bay tegi doontaa, sharcina way tegi doontaa, Haddaad tihiin Somaliland Dekeddu waa Hal maal ah oo aad maalayseene fadlan umadda u haya”

Hadalka Wasiirkaas Somalia ka tirsan, ayaa imanaya xilli ay mucaaridka somaliland si weyn u dhaliilayeen Dhaqdhaqaaqyo Xukuumaddu waddo oo lagu raadinayo shirkado caalami ah oo la sheegayo inay dekedda horumarin doonaan, taas oo aan wali si rasmi ah usoo shaacbixin.

Hore ayey masuuliyiinta somaliland u caddeeyeen inay ku mashquulsan yihiin kala hufidda codsiyo uga yimi shirkado caalami ah oo danaynaya inay dekedda Berbera Maalgashadaan, balse ilaa iyo Haatan ma jirto cid xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah maalgelinta Dekedda ugu wareejisay inkastoo hore loo shaaciyey magacyada ilaa iyo Afar shirkadood oo codsiyo soo dirsaday.

Himilomedia

Hargeysa

 

No comments:

Post a Comment