Wednesday, April 29, 2015

Tirada Dad Soomaaliyeed oo lagu dilay Duqaymaha Waddanka Yemen ka socda iyagoo Qaxaya

Sanca, 29 April, 2015-(Himilo)- Ugu yaraan Soddon qof oo Soomaali ah, ayaa ku dhintay weerar toddobaadkan ka dhacay dalka Yemen, gaar ahaan Woqooyiga magaalada Cadan halkaas oo lagu bartilmaameedsaday laba Gaadhi oo Basas ah oo ay saarnaayeen dad Soomaali ah oo ka qaxayay Xero-qaxoonti oo Khalal meel la yidhaahdo ku taalla.
duqaymaha yemenduqaymaha yemenduqaymaha yemenDuqayntaas, ayaa dhacday maalintii Axaddii ee toddobaadkan, halkaas oo diyaarado dagaal ay la beegsadeen gantaal, dad Soomaali u badan oo qaxoonti ah oo saarnaa Baabuur Basas ah, kuna sii jeeday magaalada Cadan ee waddanka Yemen. Lana filayo inay isu-diyaarinayeen inay u soo qaxaan dhinaca dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.
Safaaradda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku leedahay magaalada Sanca ee waddanka Yemen, ayaa sheegtay inay heshay warar sheegaya dad ku dhow soddon qof oo Soomaali ahi inay ku dhinteen Duqaymahaas ay diyaaraduhu fuliyeen. Iyaga oo ay jiraan Soomaali badan oo ka soo qaxay dalkaas oo soo gaadhay Dekedaha magaalooyinka Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso oo Maamul-goboleedka Puntland ku taalla.
Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Sanca Cismaan Axmed Maxamuud oo Xalay khadka taleefanka ugu warramay Idaacadda VOA Laanteeda Afka Soomaaliga, waxa su’aalo laga weydiiyey waxa ay kala socdaan Soomaalidaas duqaynta ku dhintay, waxaanu kaga jawaabay; “Arrintaas iyada ahi waa sidaad u sheegteen, waxa na soo gaadhay in dorraad (axaddii toddobaadkan), dad Soomaali ah oo ka soo baxay Xero qaxoonti ayey ahaayeen oo saarnaa laba Baabuur oo u soo socday Sanca, markaa iyagoo meel hayjad ah maraya ayaa Ciidan ku soo baxay, way joojiyeen, markii ay ciidanku istaajiyeen ka dib ee ay wax yar-taagnaayeen ayaa Sayruuq ku soo dhacay.”
“Mushkiladda jirta waxa weeye xidhiidhka oo adag Xerada Al-Qaras iyo halkan aan joogno Sanca, laakiin waxa naloo sheegay inay illaa soddon qof tahay tirada dadka Soomaalida ah ee halkaas ku dhintay. Labada Gaadhi Basas ma wada ahayn ee midbaa naloo xaqiijiyey inuu Basaska yar-yar ahaa, laakiin waxaan ogsoonnahay inay dad Carab ahi Xeradaas deggan yihiin oo ay suuragal tahay inay la socdeen labadan Gaadhi.” Sidaa ayuu yidhi Xismaan Axmed Maxamuud.
Waxa uu xusay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Sanca in Baabuurtaas soddonka qof ee Soomaalida ahi ku dhinteen inay ka baydheen jidkii caadiga ahaa, isla markaana ay mareen jid aan wanaagsanayn oo dhex-mara deegaannada lagu bartilmaameedsado Jabhadda Xuutiyiinta ee dawladda Yemen dagaalka kula jira, sidaa awgeedna ay dhici karto in diyaaraduhu u maleeyeen Xuutiyiinta, maaddaama oo ay Jahadii saxda ahayn ka habaabeen.
Inkasta oo aan illaa hadda si rasmi ah loo aqoonsan diyaaradaha duqaymahaas geystay, haddana diyaaradaha dagaalka ee Xulufada Carbeed ee dawladda Sucuudigu hoggaaminayso, ayaa duqaymo ka bilaabay Yemen bishii hore, inkasta oo toddobaadyadii u dambeeyey hoos loo dhigay duqaymaha is-daba-joogga ah ee ay ku hayeen Xuutiyiinta Yemen ee dagaalka kula jira dawladda dalkaas.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

No comments:

Post a Comment