Dhul-gariirkaas khasaaraha badan ee dhimashada, dhaawaca iyo burubrka isugu jira sababay, ayaa cabbirskiisa lagu sheegay inuu ahaa toddobo dhibic siddeed (7.8), waxaanu ku dhuftay inta u dhexeysa Caasimadda Kathamandu iyo magaalada Pokhara ee dalka Nepal. dad badan ayaa la sheegay inay ku hoos jiraan Burburka dhismayaasha dhul-gariirka ku dumay.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dawladda Nepal Minendra Rijal, ayaa BBC-da u sheegay inay isku dayayaan sidii ay u caddeyn lahaayeen wararka waxyeello badan oo ka dhacday badhtanka dhul-gariirka ee deegannada Gurha iyo Lumjung.
Dhismayaal badan oo ku yaalla Caasimadda waddanka Nepal ee Kathmandu, ayaa burburay waxaana ku jira Minaarad ama Sar la dhisay qarnigii 19-aad, taasoo burburtay. Raadiyaha Nepal ayaa uga digay dadka in ay dibedda u baxaan. Dhul-gariirkan ayaa laga dareemay waddamada Indiya iyo Pakistan, inkasta oo aan la sheegin khasaare ka soo gaadhay meelaha laga dareemay ee dalalkaas.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment