Wednesday, April 29, 2015

Wadda Jirkaa Haboon

Dadnimadu waxay ku qurxoontahay wada jirka iyo is kaashiga, kuma qurxoona wax isku ahaanshaha, ummad walba oo ku nool goob, goobtaas oo ay ka dhaxayso degenaansho, kuna haystaan nabad, markasta waxa ay ku horumari karaan, kolba qaabka ay isku kaashadaan iskuna caawiyaan, waxa horumar lagu gaadhi karaa waa guusha hibaysan ee ay ka danbeeyaan wada jirka ummada, kaas oo ka bilaabma dhalinyarta kuna danbeeya madaxda, si ay u gadhaan guul waarta.
Marka la eego goobta ay kasoo unkanto, baahiyaha bulsho ee fikir iyo cuddudba waa dhalinyarteeda, waa la odhan karaa ma lihin dhalinyaro kuwaas oo keeni karra maskax balaadhan, kuwaas oo badali karra majaraha horu-marineed ee ummada, balse waynu liidanaa haddii la inaga waayo intaas oo dhan, waxa ummada dib u dhigay waa dharaga aynu ka dharagnay xadaaradaha adduunka intiisa kale, kuwaas oo hoos u dhigay fikirkeeni, kuwaas oo mijo habaabiyay qorshayaashii iyo qiimihii fikirkeena, waxaana inoo hoos raacay balwadaha iyoo aafadda qabiilka. Wuxuu yidhi gabayagani isagoo la hadlaya da’yarta.

Ku mashquulka qayrkaa, qorshe dhaamaa jira

Dadka ruux ku qaaliya, shakhsi quudhsadaa jira

Qiimo aad leedahay, qof ku diidanba jira

Intii aynu ku mashquuli lahayn dad kale waxaa wacan inaga oo is dhiiri galina, inaga oo isku callool furan inaga oo isku faanna,

Run ahaanti haddii aynu nahay dhalinyarada wakhtigan, kuna abtirsata qarankan waxaan idin odhan lahaa,

Waa guulaysan karnaa haddii aynu gacmaha is qabsano,

Waa guulaysan karnaa haddii aynu ilowno qabyalada,

Waa guulaysan karnaa haddii aynu ka takhalusno balwadda,

Waa noolaan karnaa haddii aynu ku cibbro qaadano ummadaha baa’bay,

Waa guulaysan karnaa haddii dhalinteenu isku xidhantahay, balse inta ay kala tafaraaruqsantahay waxba inooma qabsoomayaan.

Qof kasta meel kasta oo uu joogo ayuu ka bilaabi karaa horumarka waddanka,
Waxa ugu horaysa in ruux walba ka bilaabo naftiisa horumarka, qorshayaasha noloshu waa badan yihiin adduunkuna waa kooban yahay, waxa muhiim ah in aynu ahaano ummad ku faanta waxay haysato, ku qanacsan goobta ay dagantahay, waayo halkaas ayaynu qiimo ku leenahay, kuna nahay boqoro, waxa ku jirra dhalinta dad badan oo leh hami iyo himilo fog, balse wakhtigu ciilay, kaasna waxaynu odhan lahayn, eraygan

(Ninkii hami sare lahaa, ninkii higsigga ku jiray,

Kaan habrashada aqoon, balse wakhtigu haraatiyay,

Marbu heli wuxuu rabo)

Waa hubaal balse waxaa lagu gaadhayaa Samir iyo daganaansho, waxaan indhahayga kusoo arkay dhalinyaro u heellan cilmiga barashadiisa, kuna nool tuulooyin, kuwaas oo u baahan dhiirigallin iyo hoga-tusaale wax ku ool ah, runtii dhamaanteen waxaynu nahay ummad baahan, dhan walba inagoon kala qaadayn laakiinse waxaynu kaga baxaynaa is kaashiga iyo wada jirka, waxaan aaminsanahay in saaxiibku badali karro mustaqbalkeena kana tirtiri karo qabyaalada, balwada iyo waxyaabaha kale ee liita waa ka kaliya een aaminsanahay, waa halka uu ka bilaabmo horumarka dhalinyardu, guud ahaan maqaalkaygan yar ee koobani waa ku aan ku dhiirigalinayo dhalinyarta, waa guulaysan karnaa haddii aynu gacmaha is qabsano.

W/Q; Siciid Ismaciil Muxumed Dahab

e-mail; siciiddahab4608@hotmail.com

himilomedia.com
hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment