Monday, April 27, 2015

Daraasad Caalami ah Oo Lagu Ogaaday Tirada Luuqadaha Adduunka Lagaga Hadlo Midda Midda Shacbiyadda Ugu Badan Haysata

lanoBerlin:April,27,2015(Himilo)-Muran muddo dheer kasoo jirey Tirada Luuqadaha adduunka lagaga hadlo, ayaa waxa soo afmeetay Daraasad caalami ah oo ay samaysay Jaamacadda Düsseldorf OO dalka Jarmalka Ku taalla.

Daraasaddan, ayaa aayd mid salka ku haysay Ogaanshiyaha Afafka Adduunka lagaga Hadlao, waxana lagu xaqiijiyey in 7,102 luuqadood maanta Caalamka lagaga hadlo.

Luuqadda dadka ugu badan ay dunida ku hadlaan waa Shiinaha, halka luuqadda labaad noqotay tan lagaga hadlo Hindiya/Urdu, luuqadda saddexaad ayaa noqotay English, halka luuqadda afraad noqotay Carabi.

Hase ahaatee luuqadda English ayaa la ogaaday inay tahay luuqadda ay dalalka ugu badan ee dunidu isticmaalaan, halka in ka badan 1.5 Billion oo qof oo daafaha dunida ku nooli ay isku dayaan inay bartaan luuqadda English.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment