Tuesday, April 28, 2015

Shirkadda Telesom Oo Si Rasmi ah u Daah-furtay Isticmaalka Adeegga ZAAD Ee Shillin-ka Somaliland

Hargeysa, 28 April, 2015 (Himilo)-Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom, ayaa daahfurtay isticmaalka Adeegga ZAAD Somaliland Shilin, ka dib kulamo is daba joog ah oo ay muddooyinkii u dambeeyey wada yeelanayeen Masuuliyiinta Baanka, Wasiirka Maaliyadda iyo Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom oo ugu dambayn la iskula qaatay in adeegga ZAAD ee Doolarka lagu isticmaalo lagu kordhiyo shillinka Somaliland laguna guulaystay.
telesomShir Jaraa’id oo ay shalay si wada jir ah Magaaladda Hargeysa ugu qabteen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Baanka oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Baanka iyo Masuuliyiinta ugu sarraysay shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom oo uu hogaaminayey Maareeyaha guud ee shirkaddaasi Cabdikariin Maxamed Iid, ayaa waxa ay ku shaaciyeen in la sameeyey isticmaalka Adeegga ZAAD ee Somaliland Shiling, kaas oo si toos ah loo dhaqan geliyey.
Maareeyaha guud ee Shirkadda Telesom C/kariin Maxamed Iid oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu soo bandhigay adeeggani, waxaanu yidhi “Runtii waxa maanta farxad noo ah ka shirkad ahaan in aanu halkan ku soo bandhigno daahfurka Zaad ee shilinka Somaliland oo waxtar wayn oo aan la soo koobi karayn u yeelan doona bulshadeena iyo dal keena iyada oo adeegyada lacagta ee lagu isticmaalo taleefanka gacanta uu yahay aqoonsi ganacsi oo maanta aynu bahda adduunka hormood kanahay waxaana loo isticmaalayaa, *222*1968#, waxaana qofka u soo bixi doona qofka kala doorashada adeegyada”
Guddoomiyaha Baanka Somaliland C/laahi Xaaji Jaamac Cali oo isaguna ka hadlay shirkaasi, ayaa waxa uu soo dhaweeyey in adeegga Zaad ee Shirkadda Telesom bixiso oo hore dhamaan u wada ahaa Dollar lagu kordhiyo Shilinka Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa sharaf weyn noo ah adeegan la furaayo ee Zaad Somaliland shilin ee ay hawshan u galeen telesom aad iyo aadna waanu ugu mahad celinaynaa shirkada telesom in ay qaadatay adeeg kale oo kii hore ee jiri jiray barbar socda oo Somaliland shilin ah oo u fududaynaya dadkeena siday kii hore ee ay u macaamili jireen oo ay kana ula macaamilaan arrintaasina waa arrin sharafteeda leh maanta oo uu shilinkii Somaliland uu helay sharciyadii uu ka mudnaa ummadiisa oo uu noqdo lacagta la aqoonsanyahay ee waddanka ka socon karta shirkada telesom na waanu u mahad celinayna adeegaasi ay soo kordhisay”
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadam oo iyaduna halkaasi ka hadashay, ayaa waxay sheegtay in isticmaalka shilinka Somaliland yahay ka ugu horreeya dhamaan lacagaha kale ee dalka laga isticmaalo sida uu sharciga Baankuna dhigayo, waxaanay tidhi “Waxaynu daah furaynaa Zaad-ka Somaliland oo wax weyn tari doona waayo anigu waxaan ku rajo waynahay in guddoomiyaha telesom iyo shaqaalahaasi la shaqaynayaa in ay yihiin tiirarka waddanka waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay in ay telesom hirgelin karaan siday lacagaha ka miyiga jooga iyo ka magaalada joogaba u gaadhsiinayaan in ay Somaliland u gaadhsiin karaan anaguna markasta aanu diyaar u nahay oo aanu la shaqayn doono, lacagta somalinad ayeynu inagu leenahay oo lacagaha kale oo dhan dawlado kale ayaa samaystay oo waa in lagu abtirsadaa, marka waddan keena la joogo lacagta shilinka Somaliland, imika maansoor oo kale haddii uu imika shaahi iyo wax walba uu ku iibiyo oo uu alaabtii uu soo iibsanaayay dollar Lagaga iibiyo waxay yara noqonaysaa mushkilad markaasi waa in ay dadweynahana laabtooda ka soo go’daa oo ay qayb wayn ka qaataan” ayey tidhi wasiir Samsam
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim Cismaan oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo isticmaalka adeegga Zaad ee Shilinka Somaliland, waxaanuu yidhi “Runtii waxaan u mahad naqayaa shirkada telesom oo samaysay adeega Zaad ee shilinka Somaliland, waana adeeg kor u qaadaya isticmaalka Shilinka Somaliland, waxaan u mahad naqayaa shir aanu yeelanay ganacsatada somaliland oo aanu kaga hadlaynay isticmaalka shilinka somaliland oo ay ganacsatadu isticmaalaan lacagteenna, waayo waa lacagteenii, waa qarannimadeenii oo runtii aanay suurta galayn qarannimadeennii haddii aynu isticmaali weyno lacagteenna, markaa sida Baasaaboorka ayaa ka mid ah, Baanka ayaa ka mid ah oo waa waxyaabaha, Calanka ayaa ka mid ah waa astaamaha jiritaanka, markaa waanu isla garannay in isticmaalka shilinkeennu uu ku xidhan yahay jiritaankeenna, markaa waan u mahad naqayaa shirkadaha bilaabay inay adeegga Zaad ee Dollarka ahaa u bedelaan shilinka Somaliland, gaar ahaan Huteelka Maansoor oo isagu ka dhigay lacagtii awal hore dollarka lagu bixin jiray Somaliland Shilin, waxa kale oo aan u mahad naqayaa Iskuullada gaarka loo leeyahay oo uu maalintaas ku hadlayey Mulkiilaha iskuullada Nuuradiin oo iyagu ballan qaaday inay bishan ka bilaabi doonaan inay lacagta fiiga ah ku qaadi doonnaan Shilinka Somaliland, markaa waxaan ku boorinayaa dhamaan ganacsatada inay isticmaalaan shilinka Somaliland, shirkadaha laydhka oo kale waxaan u sheegayaa inay lacagta ku qaadaan shilinka Somaliland, dadweynaha iyo ganacsatadaba waxaan ku boorinayaa inay adeegga Zaad ku isticmaalaan shilinka Somaliland” ayuu yidhi wasiirka ganacsiga somaliland
Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka tirsan Guddida dhaqaalaha ee Golaha wakiiladda Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey adeeggan, waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada iyo dhamaan golaha wakiiladaba, waxaan aad u soo dhaweynayaa isticmaalka adeegga Zaad ee shilinka Somaliland shirkadda Telesom ku soo kordhisay, waxaan u soo jeedinayaa bulshada Somaliland inay isticmaalaan shilinka Somaliland oo runtii ah qarannimadeenna, shirkadda Telesom-na way ka dhabaysay ballanqaadkeedii ahaa inay shilinka somaliland ka dhigi doonaan adeegga Zaad, markaa waanu soo dhaweynaynaa” ayuu yidhi Xildhibaan Obsiiye.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment