Wednesday, April 22, 2015

Khasaaraha ka dhashay Dagaal laba Beelood ku dhexmaray Degamada Taleex

Taleex, 22 April, 2015 (Himilo)- Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa shalay ka dhex-qarxay laba beelood oo walaalo ah oo wada-daga deegaanno hoos yimaadda degmada Taleex ee gobolka Xaysimo.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, balse warar aanu ka helnay degmada Taleex, ayaa sheegay in dagaalkaas ku dhinteen afar qof, iyada oo dhimashadu ka jirto labada dhinacba, halka sidoo kale ay jiraan dhaawacyo aan tiradooda la xaqiijin oo labada dhinacba ah.

Guddoomiyaha Gobolkaas Xaysimo oo u warramay warbaabinta Dawladda, ayaa sheegay in labada dhinacba isku adeegsadeen Gaadiidka Dagaalka oo ay marki horeba Gacanta ku haysteen, waxaana uu qiray inay Maamul ahaan ku guuldarraysteen inay labada dhinac kala dhex galaan.

Dagaalka oo salka ku haya khilaaf soo-jiitay oo u dhexeeya labada beelood, ayaa ku yimi kaddib markii labada beelood midkood duullaan kaga jawaabtay dhaawac la gaadhsiiyey nin u dhashay beesha kale, sida uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Xaysimo Mr Cabdirashiid.

Ilaa immika ma jirto cid u gurmatay oo kala dhex-gashay labada beelood, waxaana wararkii u dambeeyye ee deegaannadaas laga helay sheegeen in dagaalku socday ilaa shalay gelinkii dambe isla markaana laysku gabbal-dhacsaday xalay.

Labada beelood ee ardaa-wadaagga ah, ayaa tiraba dhowr jeer oo hore dagaallo dhexmareen, waxaana muddooyinkii u dambeeyey deegaannadaas ka socday dedaallo laysugu dhawaynayo iyo gogol-nabadeed laysku soo horfadhiisiyey odayaasha iyo wax-garadka labada dhinac.

Himilomedia

Hargeysa

 

 

No comments:

Post a Comment