Saturday, April 25, 2015

Faysal Cali Waraabe oo Kashifay Sababta ay Somaliland u wayday Maalgashi Caalami ah iyo Awoodaha Hurinaya Muranka ka taagan Dekedda Berbera

“Waxaynu la mid nahay Neef dhiig ka da’ayo oo Xawayaanka cuna oo dhami soo uriyaan, sida neefkaas oo kale ayaynu qoomman-nahay oo cadawgeenna oo dhami sida xawayaankaas ayuu diyaar yahay..Qisaastii la fuliyey aad baan ugu farxay waa in…….” Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
Hargeysa, 25 April, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay Somaliland maanta ka dhigan tahay sida Neef Xoolo ah oo qoomman oo dhiig ka da’ayo, isla markaana ay Xawayaanka cuna oo dhami soo urinayaan, sidaas oo kalena ay Cadawgeedu u soo urinayaan Somaliland, maaddaama oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u hanjabay-ba sida uu hadalka u dhigay Faysal.
faysal-cali-xuseenFaysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in dalka Somaliland Maalgashiga caalamiga ah waxa ka hor-taagan ugu horreeyaan Sharci la’aan aanay dawladdu Sharci maalgashi caalami ah dejin ama samaynin iyo Laaluul sharci-darro ah oo ay Masuuliyiinta dawladdu weydiiyaan Shirkadaha caalamiga ah ee Maalgashiga u socda. Waxaanu intaas ku daray in Dekedda Berbera u baahan tahay ballaadhin iyo maalgelin caalami ah, isla markaana cidda caqabadda ku ahi yihiin laba awoodood oo dillaaliin dawladda ku jira iyo awood labaad oo doonaysa inay Maamulkeeda cid gaari iska haysato ay xiisadda muranka abuurayaan, taa beddelkeedana loo baahan yahay in dillaaliintu meesha ka baxdo, dawladduna caddayso waxa laga qabanayo, Shirkadaha soo dalbadayna si caddaalad ah loo kala xusho oo Khabiirro caalami ah loogu yeedho.
“Anigu afar bilood in ku dhaw baan maqnaa, waxaan ku maqnaa markaan arkay innagii oo isku jeesannay oo dantii Qaranku baylahday ayaan iskay isu xil-saaray, inaan dadkaygii u nabad imi waa ILLAAHAY mahaddii. Illaa toban waddan baan maray oo ay u dambeeyeen Kuite iyo Imaaraadka Carabtu, waanigii London Shirka Jaraa’id ku qabtay oo kullay waad la wada socotaan. Waxaan aad ugu farxay in dadkii dadka dilay la bilaabo in la dilay, waayo waxaynu nahay dad Islaam ah, waxa Ciqaabta loo soo saaray in inta nool la badbaadiyo, maaha inaynu oggolaanno bina-aadamka (reer Galbeedka), Sharciga ILLAAHAY in la ixtiraamo weeye, qofkii wax dila waa in la dilaa oo la qisaasaa, yaanay lixdaas qof ku joogsan in badan baa taagan oo wax dilay.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay Madaarka Hargeysa mar uu Jimcihii shalay ka soo degay isagoo ka soo laabtay Safar muddo afar bilood ah uu ugu maqnaa dalka dibeddiisa.
Guddoomiyaha UCID oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay; “Dhulkeenna Somaliland maanta dagaal baa innagu socda, waxaynu la mid nahay Neef dhiig ka da’ayo oo marka neefka dhiig ka da’ayo Xawayaanka cuna oo dhami way soo uriyaan, markaa sida neefkaas oo kale ayaynu qoomman-nahay oo cadawgeenna oo dhami sida xawayaankaas ayuu diyaar yahay, waxaana kuu muujinaysa maalintii dhawayd sidii Jawaari ninka Guddoomiyaha Baarlamaanka Muqdisho oo tiisiiba gabay oo saddex gobol laga qaaday siduu innoogu hanjabay. Mar hadduu Jawaari innoo hanjabay waxba innooma hadhsana, taasina waxay ku tusaysaa inaynu run ahaan dayacnay ummaddeennii.”
Mar uu ka hadlayey Guddoomiyaha UCID rabitaankii ummadda bilawgii Somaliland iyo sida loo marin-habaabiyey, waxa uu yidhi; “Ummaddani waxay halganka u gashay inay samaysato Qaran wanaagsan oo ku dhisan sharciga iyo caddaaladda, laakiin hadda waxa muuqata in dadkii la gabay, oo qof waliba dantiisa eryanayo. Dadka reer Somaliland oo dad aad u wanaagsan oo dul-qaad badan ah Biyo lama siiyo, laydh lama siiyo, caafimaad lama siiyo, waxbarasho lama siiyo intaba way iibsadaan, cashuurtana way bixiyaan, in la isku dul-qabsado oo kursi mid ku fadhiya iyo mid ka ridanaya loo qaybsamo waa nasiib-darro. In Golayaashii loo sameeyey inay is ilaaliyaan inay u heshiiyaan dadka oo ay u heshiiyaan in kuraasta la iska fadhiyo oo aynu sharciga iyo waxaynu qorannay aynu ixtiraami wayno dal noqon mayno.”
“Dadkii Shisheeyaha ahaa ee iman lahaa Sharci baan dalkii oollin maalgashi, Laaluush baa la weydiinayaa, dabadeedna way yaacayaan, taasi waxay innoo keentay inaynu waxba samaysan kari wayno, Shidaalkii baynu qodan kari waynay innagii baa isku qaylinnay oo aamminaaddii dhexdeenna ayaa burburtay, Sibidhkii baynu samaysan waynay, innagaa isku qaylinnay oo is aammini waynay, Shiinihii Macdanta soo saarayey waa la joojiyey oo innagii baa ku qaylinnay, markaynu innagu isku qaylinno oo is-aammini wayno ka shisheeyuhuna qiiquu soo raacayaa, oo midaan waxba ahaynbaa halkaas ka soo hadlaya oo annaguna ma oggolin odhanaya. Laakiin, haddaynu innagu is-oggolnahay oo waxeennu wax cad yahay may dhacdeen taasi, ummadda waxa loo qabanayo maaha in la qariyo ee waa in banka la soo dhigaa oo sharciga la mariyaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya arrinta wareejinta Dekedda Berbera, waxa uu yidhi; “Dekedihii hareeraha oo dhan baa waynaanaya, Jabuuti afar bay dhisanaysaa, Hobayo ayaa la dhisayaa, Boosaaso ayaa socota Soomaali oo dhan baa dhisanaysa, adduunka maanta Dekedaha waa la horumarinayaa, markaa Dekeddeenna Berbera inay qolo Dillaaliin ah iyo qolo is leh yey gacantiinna ka bixin innagu buuqda maaha. Laba awoodood baa isku haya Dekedda Berbera, qolo waxay doonaysaa inay meeshaa iska haystaan oo Maareeye yari iska haysto, qolana waxay doonaysaa inay dillaasho oo aanay danta ummadda eegine yidhaahdaan yaa dillaal badan oo jeebka ku shubaya.”
“Laakiin, waxaan idiin sheegayaa haddii aynaan Dekedda ka shaqaynin, oo dadka soo dalbaday si caddaalad ah loo eegin oo aan Khabiirro la dalban waxa weeye way innagu baaryeysaa, sidaa Saylac oo kale ayay noqon doontaa hareereheennana waa la dhisayaa. Markaa waxay ila tahay arrinta Dekeddu waa inay wax cad noqotaa, Shirkadaha yimi waa in si caddaalad ah loo kala dooraa, waana in Dillaalku meesha ka baxaa.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay dib-u-dhaca doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxaanu yidhi; “Waxa iyaduna jirtaa waxa weeye doorashooyinku, waxay ahayd doorashadu inay wakhtigeeda dhacdo, way dhici wayday, ogaan bay u dhici wayday, Golaha Wakiillada ayaa dembigeeda leh, markii aannu ku shirnay Akaademiga ciddii diidday wixii aannu ku heshiinnay waa la ogyahay, ciddii kicisay Baarlamaanka ee tidhi ka kaca doorashaa soo dhawe waa la ogyahay, wax badan baannu sheegi doonnaa markeeda, dembigana waa la wada leeyahay ee yaan qolo qudha la saarin (Wakiillada, Xukuumadda iyo Xisbigeeda).”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment