Saturday, April 25, 2015

Goobaha Ganacsi ee Dadka u dhashay Koonfur Afrika ku leeyihiin dalka Malawi oo Albaabbada loo laabay

Blantyre, 25 April, 2015-(Himilo)- Jawi cabsi ah ayaa ka jiray magaalooyinka ugu waa weyn dalka Malawi, iyadoo Dukaamada ay leeyihiin dadka u dhashay Koonfur Afrika la xidhay, lana adkeeyay ammaankooda, ka dib markii dalka Koonfur Afrika lagu dhibaateeyey kumannaan qof oo reer Malawi ah oo ka qaxaya magaalooyinka dalkaas ay ka degganaayeen.
MALAWI GOOBO GANACSI OO LA XIRAYKooxaha u ololeeyahay Xuquuqda Macaamiisha ayaa ku baaqay in la diido alaabta dalka Koonfur Afrika uga timaadda waddanka Malawi. Booliska Malawi, ayaa ilaalo ka ahaa Dukaamada Koonfur Afrikaanka ee ku yaal xarunta ganacsiga Blantyre.
John Kapito oo u ololeeya Xuquuqda Macaamiisha, ayaa ka sheegay xarunta Malawi in Dukaamada PEP, Shoprite iyo Game Stores la xidhay. Waxa xiisaddan keenay markii ay dadka reer Koonfur Afrika dhibaatooyin isugu jira dhac, dil, boob iyo jidh-dil ay kula kaceen Ajaanibka dalalka kale ee dunida u dhashay ee ku dhaqan waddanka Koonfur Afrika, taasoo ay reer Malawina bilaabeen inay ka aar-goostaan Koonfur Afrikaanka ku dhaqan dalkooda.
Tiradii ugu horreysay ee Malawyiin ka baxsanaya ajnebi naceyb Koonfur Afrika, ayaa habeenkii Isniinta yimid dalkooda Malawi iyadoo qeyb kale oo ka kooban 509 ay Salaasadii Basas kaga baxeen magaalada Durban. Dhalinyaro badan oo reer Malawi ah ayaa Koonfur Afrika u shaqa taga.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment