Hargeysa, 21 April, 2015 (Himilo)- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa xalay kulan dalabku dhinacooda ka yimi la yeeshay Masuuliyiinta saddexda Xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, kuwaasoo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin isu-diyaarinta bilawga diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo shaacinta wakhtiga la qabanayo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo aanay weligu Guddigi si rasmi ah u cayimin.
Sidoo kale, Guddiga doorashooyinka, ayaa Salaasada maanta la filayaa inay hor-tagaan Golaha Wakiillada Somaliland oo u yeedhay inay hor-yimaaddaan, si ay wax uga weydiiyaan waxa hor-taagan cimaadda wakhtiga doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyadu dalka ka qabsoomayaan, iyadoo la filayo inay Xisbiyada Siyaasadda Masuuliyiin ka socdaana ka qaybgalaan fadhiga Golaha Wakiillada ee Guddiga doorashooyinka Mudanayaasha Golahaasi su’aalaha ku weydiin doonaan haddii Illaahay idmo.
Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Siciid Cali Muuse oo Wargeyska Himilo xalay wax kaga weydiiyey waxyaabaha ay Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda kagala hadleen kulanka ay xalay ahaan kula yeesheen magaalada Hargeysa iyo sidoo kale waxa uu ku saabsan yahay yeedhitaanka Golaha Wakiillada Somaliland u yeedhay inay ku hor-yimaaddaan fadhigooda Salaasada Maanta, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo labada qodob ee Wargeysku wax ka weydiiyo.
Siciid Cali Muuse waxa uu ku dooday in kulanka ay Masuuliyiinta saddexda Xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI xalay la yeesheen ahaa kulan caadi ah oo la mid ah kulammadii ay hore-ba isugu xog-waraysan jireen. Hase-yeeshee, Xogo kale oo Wargeyska Himilo ka helay kulankaas iyo ujeeddadiisa, ayaa tibaaxay in Guddiga doorashooyinka iyo Masuuliyiinta saddexda Xisbi ka wadahadleen arrimo la xidhiidha muddaynta wakhtiga rasmiga ah ee doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyadu ka qabsoomayaan Somaliland.
Wararka qaar ayaa tibaaxay in Waraaqo lagu caddeeyey wakhtiga doorashadu qabsoomayso ay Guddiga doorashooyinku u gudbiyeen Madaxda Xisbiyada, halka ila-wareedyada qaar xuseen inaanay waraaqo u gudbin, balse ay ku war-geliyeen in bisha May ee foodda innagu soo haysa ay si rasmi ah u cayimi doonaan ama u muddayn doonaan xilliga la qabanayo doorashooyinka oo wakhtigoodii hore ee ay ahayd in la qabto oo ku siman in bisha 26 June 2015-ka bil ka hor la qabto dib uga dhacay.
Hase-yeeshee, Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Siciid Cali Muuse oo Wargeyska Himilo su’aal ka weydiiyey mar labaad inay wakhtiga doorashada la qabanayo u gudbiyeen Masuuliyiinta Xisbiyada, ayaa sheegay inaanay jirin waraaqo ay Guddi ahaan u gudbiyeen Madaxda Xisbiyada ee ay xalay kulanka yeesheen, balse uu la mid yahay kulammadii ay horeba u wada yeelan jireen.
Sidoo kale, Siciid Cali Muuse oo Wargeyska Himilo weydiiyey waxa uu ku saabsan yahay yeedhitaanka Golaha Wakiillada ay Guddi ahaan ku hor-tegayaan Fadhiga ay Salaasada maanta yeelanayaan, waxa uu sheegay inaanay Guddi ahaan war ka haynin, isla markaana diyaar u ahayn inay ka hadlaan wakhtiga, balse ay Golaha Wakiilladu awood sharci u leeyihiin inay u yeedhaan Hay’adaha dawliga ah ee dalka, sidaa awgeedna ay yeedhmada Golaha ajiibayaan, isla markaana hor-tegayaan Maanta ahaan, waxa uu Goluhu ugu yeedhayna Goluhu og-yahay, wixii ay Mudanayaasha Wakiilladu weydiiyaanna diyaar u yihiin inay uga jawaabaan.
Xisbiyada Siyaasadda Somaliland ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID Masuuliyiintooda, ayaa la filayaa inay fadhiga Berri ee Golaha Wakiillada ee Guddiga doorashooyinku hor-tegayaan ka qayb-galaan, inkasta oo Wargeyska Himilo isku dayo inuu xidhiidh la sameeyo Masuuliyiinta saddexda Xisbi Qaran wax ka weydiiyaan inay ka qaybgalayaan fadhiga maanta ee Golaha Wakiillada ee ay hor-tegayaan Xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranku, noomay suuragelin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii aannu Taleefannadooda gacanta ku waynay xalay ahaan. Hase-yeeshee, ila-wareedyo lagu kalsoon yahay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen xalay inaanay Masuuliyiinta Xisbiga talada haya ee KULMIYE ka qaybgeli doonin fadhiga maanta ee Golaha Wakiillada.
Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa lixdii bishii March ee sannadkan shaaciyey inay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka bilaabi doonaan bisha toddobaad ee sannadkan, isla markaana dhammayn doonaan bisha 11-aad ee 2015-ka, iyagoo bishan gudaheeda Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey qoraalka wakhtiga rasmiga ah ee bilawga iyo dhammaadka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, waxaanu Madaxweynuhu Digreeto Madaxweyne ku soo saaray wakhtiyeyntaas Guddiga doorashooyinka ee ay ku go’aamiyeen inay diiwaangelinta cod-bixiyeyaashu bilaabanto 21-ka bisha toddobaad ee sannadkan 2015-ka, dhammaatana dabayaaqada bisha November ee isla 2015-ka.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment