Jabuuti, 24 April, 2015 (Himilo)- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa lagu eedeeyey inay ugu yaraan Lix qof oo u kala dhashay dalalka Somaliland, Tanzania, Yemen iyo Kenya u afduubtay dawladda Maraykanka, isla markaana loo wareejiyey oo ay ku xidhan yihiin Xabsiyada Maraykanka.

BBC-du waxay sheegtay in Warbixintan ay soo saareen Ururrada kala ah Isu-tagga Caddaaladda, Haki Africa iyo Guddiga Qareennada Caalamiga ah, kuwaasoo Warbixintooda ku sheegay inay muddo baadhayeen door la sheegay in dawladda Djibouti ay ku laheyd muddadii Mareykanka ay dawladuhu dadka la tuhmay u afduubeen ee u dhexeysay 2001 iyo 2008, xilligaasi oo uu jiray dagaalka argaggixisada ee Maamulkii Bush.
Warbixintooda ayey ku sheegeen in Djibouti ay si qarsoodi ah u xidheen ugu yaran lix qof oo loo diiday in wax xidhiidh ah ay cid kale la sameeyaan iyagoo la jidh-dilay, si liidatana loola dhaqmay. Sidoo kale, Warbixintan, ayaa lagu sheegay in Dhibanayaasha afduubka loogu gacan-geliyey Maraykanka, ahaayeen dad ka kala tegay waddamada Somaliland, Kenya, Tanzania iyo Yemen.
Waxay Warbixintu intaas ku dartay oo lagu sheegay in Maxaabiista loo diiday inay la xidhiidhaan Qareennada, ayaa ku eedeyneysa dawladda Djibouti inay u oggolaatay Sirdoonka shisheeyaha inay su'aalo weydiiyaan Maxaabiista, taasoo jebineysa Qeynuuka caalamiga ee Maxaabiista.
Warbixinta ayaa ugu baaqday Guddiga Xuquuqda Aadanha ee Africa inay wadahadal la yeesheen dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo lagu go'aansanayo inta Xad-gudubku uu leeg-yahay. Waxaanay ku adkeysay dalkaasi inuu soo bandhigo Magacyada Dhibbanayaasha iyo halka ay ku dambeeyeen.
Ururradan kala duwan ee Warbixinta soo saaray, waxay dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ugu baaqeen inay raalligelin ka bixiso tallaabadaas ay qaadday, sidoo kalena ay Magdhaw siiso Ehelada Lixdaas qof ee ay afduubtay ee ah kuwa loo geystay dhibka si loo xaqiijiyo in caddaalad-darradaasi aanay mar kale dib uga dhicin dalka Jabuuti.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment