Tuesday, April 28, 2015

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo ku guulaystay doorashada dalka Sudan iyo Mucaaradka oo qaaddacay

Khartuum, 28 April, 2015-(Himilo):- Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, Guddida doorashooyinka Madaxtinnimada ee waddankaas, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Sudan oo ku dhawaaqay shalay Natiijada Cod-bixintii doorashada ee Shacabku dhiibteen.
Xisbiyada waaweyn ee Mucaaradka, ayaa hore u qaaddacay doorashada dalka Suudaan, kuwaasoo AL-BASHIIRWarbaahinta iyo Ururrada bulshada ku eedeeyey in ay muujiyeen in aanay jirin cid kale oo la tartami karta Madaxweynaha talada hayey ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir.
Guddiga doorashada ayaa shalay ku dhawaaqay in Madaxweyne Al-Bashiir uu ku guuleystay doorashadii ka dhacay dalka Suudaan, taasoo socotay muddo afar maalmood ah, iyadoo uu Guddigu uu sheegay in dadka codadkooda dhiibtay ay ahaayeen 46%.
Madaxweyne Al-Bashiir, ayaa talada dalka Sudan haya tan iyo 1989-kii-kii oo uu Afgmebi Millateri oo aan dhiig ku daadan ku qabsaday hoggaaminta dalkaas. Waxaana la tartamayey oo doorashada la galay Musharrixiin ka tirsan Xisbiyo aan si weyn looga aqoon Fagaarayaasha Siyaasadda ee dalka Sudan.
Midowga Yurub, Britain, Norway iyo Mareykanka, ayaa dhammaan cambaareeyay doorashada, waxaanay ku andacoonayaan in aanay jirin wada-tashi Qaran oo suurtogeliya hannaan Siyaasadeed oo lagu wada jiro.
Maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka ee ICC, ayaa muddo raadinaysa Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay ku eedeysay in uu galay dembiyo ka dhan ka ah Xuquuqda Aadamaha, isla markaana dagaallo xasuuq ah ka geystay gobolka Daafuur ee ay ku dhaqan yihiin Kirstaanku ee dalka Sudan, balse isaga iyo dalalka caalamka qaarkood uma hoggaansamin Waaranno qabasho ah oo ay Maxkamaddaasi u jirtay, isagoo muddadaa u dhoofay waddamo kala duwan oo caalamka ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment