Hargeysa, 30 April, 2015-(Himilo)- Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay Shil Gaadhi oo ka dhacay duleedka Caasimadda Hargeysa, kuwaasoo u kala dhashay dalalka Somaliland iyo Spain oo ka tirsanaa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka ee FAO, kana kala tirsanaa Xafiisyadeeda Hargeysa iyo Nairobi.
Shilkan Gaadhi, ayaa ka dhacay Bariga magaaada Hargeysa gaar ahaan goob lagu qiyaasay inay 15-KM u jirta Kaantarroolka Halleeya, gaar ahaan meel u dhaw deegaanka Aw Barkhadle ee Jidka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, kaasoo dhacay gelinkii dambe ee Arbacadii shalay, ka dib markii uu Gaadhi nooca Waaraadka loo yaqaanno ah oo Lo’ u siday dhinaca Berbera uu dul-maray Gaadhi Langaruser (Laangaruuusal) kuwa Hay’aduhu kaxaystaan ah oo ka yimi dhinaca Berbera oo ay la socdeen Saraakiisha shilkaas ku dhintay ee ka hawlgalayey Hay’adda FAO.


Meydka labadan qof ee ku dhintay Shilka Gaadhi, ayaa la geeyay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana Ciidammada Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland bilaabeen baadhitaanka la xidhiidha sidii uu Shilkaasi u dhacay. Waxaana la filayaa in Khamiista maanta magaalada Hargeysa lagu aaso Marxuumka reer Somaliland ee Yaxye Xirsi, halka la filayo in Ninkan Ajaanibka ah loo duuliyo waddanka uu u dhashay ee Spain inkasta oo aan weli la xaqiijin.
Inkasta oo uu Wargeyska Himilo isku deyey inuu xidhiidh la sameeyo Taliska guud ee Booliska Somaliland, Taliska Ciidammada nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafikada iyo Hay’adda FAO Xafiiskeeda Hargeysa, haddana noomay suuragelin inaannu wax war ah dhinacyadaas si toosa uga helno, ka dib markii ay Taleefannadooda gacanta naga qaban waayeen marar kala duwan oo aannu xalay ka wacnay.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment