Tuesday, April 28, 2015

Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo farta ku fiiqay Cidda leh Masuuliyadda dib-u-dhaca doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada

Hargeysa, 28 April, 2015-(Himilo):- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ku dooday inaanay iyagu masuul ka ahayn dib-u-dhaca doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada, isla markaana waxay kula galgasheen habsankaas Guddigii iyaga ka horreysay ee ay xilka kala wareegeen.
SICIID CALI MUUSEAfhayeenka Guddiga doorashooyinka Siciid Cali Muuse, ayaa sheegay in muddadii ay xilka hayeen Guddigoodu hawlo badan oo fiican qabteen, si habsami ahna u wadaan shaqada ay Qaranka ugu xil-saaran yihiin ee hawlaha diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka ay sannadka soo socda kala badhkiisa u muddeeyeen.
Siciid Cali Muuse oo uu waraysi gaar ah la yeeshey Weriye Sidiiq Maxamed Burmad oo ka tirsan Radio Hirad, waxa uu sharraxay waxyaabaha ay qabtaan bilihii u dambeeyey, waxaanu yidhi; “Hadda waxaannu ku jirnaa qaban-qaabadii diiwaangalinta, diiwaangelinta dadka marka la bilaabayana waxay bilaamaysaa 11ka July waxay soconaysaa illaa 11-ka November 2015, diiwaangelintii gobollada oo dhan.”
Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Qaranka oo la weydiiyey diiwaangelintu waxay tahay, waxa uu ku jawaabay; “Mayanee waa diiwaangelintii oo keliya, ta hore waa qaban-qaabadii hadda waxaannu wadnaa kharashaadkii, wacyigelintii ayaannu diyaarinaynaa, qandaraasyadii ayaannu wadnaa, waxaanannu wadaynaa illaa Ramadaan oo soo galaysa intaas waa Juun, ka dib waxa bilaabanaysa in qofka la diiwaangeliyo, taasina Julay ayay soconaysaa, bisha 11-aad ayaannu soo saaraynaa liiska dadkii is diiwaangeliyay oo hadhaw xaq u yeelanaya inay codeeyaan.”
“Marka diiwaangelintu dhammaato waa in lix bilood la sugaa inta doorashadu dhacayso oo sharci Baarlamaan ayaa odhanaya waa inay lix bilood u dhaxaysaa maalinta liiska la soo saaro iyo maalinta doorashada la qabanayo.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse.
Siciid Cali Muuse oo la weydiiyey maaddaama oo ay Baarlamaanka iyo Xukuumadduba iska duween eedaha dib-u-dhaca doorashooyinka sababta u ah, bal inuu bulshada fahansiiyo waxa sababta u ah dib u dhaca iyo cidda masuulka ka ah, waxa uu ku jawaabay; “Sidiiq waa ku sidee annaga naguma dhicin, adigu haddii aanad fahmin dadkuna fahmi maayaan.”
Waxa uu Weriyuhu ku celiyey oo mar kale weydiiyey Afhayeenka komishanka bal in uu isaga Weriye ahaan fahansiiyo sababta, waxaanu yidhi; “Waanigaa ku fahansiiyay, annagu waxba dib umaannaan dhigin, annagu shaqada tani inay dhammaato ayaa noo taalla. Komishankii hore ayaa lahaa afar bilood ayuu dalku bilaa Komishan ahaa, hawsha immika maannaan bilaabin illaa maalintii nala doortay.”
Sidoo kale, Afhayeenka Guddiga doorashooyinka oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey tallaabada tan u xigta, waxa uu yidhi; “Miyaannu garanaynaa, Illaahay ayaa naga og, annaga waajibkaygu waa inaan cayinno doorashada, dabadeedna Madaxwaynaha u gudbinno, taana waannu samaynay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment