Saturday, April 25, 2015

Qodobbo lagaga wada-hadlay hadhimo-sharafeed ay ku kulmeen Guddiyada Dhismaha Jidadka Baligubadle iyo Dawga Cad

Hargeysa, 25 April, 2015 (Himilo)- Guddida dhismaha Jidka Baligubadle iyo Hargeysa isku xidha, ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay Gudida Dhismaha waddada Dawga Cad oo isku xidhaya magaalada Hargeysa iyo deegaannada Xeebta Galbeedka, gaar ahaan magaalada Ceel-Sheekh.
Kulanka dhex-maray labada Guddi ayaa daba-socda isla markaana jawaab u ah hadhimo-sharafeed Guddiga dhismaha jidka Dowga Cad ay todobaadkii hore ku maamuuseen dhiggooda Jidka Baligubadle/Hargeysa oo ay ku kulmeen magaalada Ceel-Sheekh.
WARKA GUDDIGASAWIRKA GUDDIGAHadhimo sharafeedda oo ka qabsoontay Magaaladda Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd, ayaa ka hor waxa ay soo mareen jidka waddada Laamkga ah ee Baligubadle, waxaanay halkaasi ka soo jeediyeen hadalo kala duwan iyo baaqyo ku aaddan sidii looga qayb-qaadan lahaa dhismaha waddadaas.
Sheekh Mubaarak Muuse oo ka mid ah gudida dhismaha wadada Baligubadle oo ugu horeyn ka hadlay kormeerka ay Guddiyadu ku tageen dhismaha Jidka, ayaa yidhi, “Waxa aanu taaganahay wadada Baligubadle iyo Hargeysa isku xidhaysa, waxa aanu soo dhaweynaynaa Gudida waddada Dawga-Cad oo runtii safar indho-indhayn ah wada, waxaanan ka wada shaqaynaynaa iskana kaashanaynaa wax wada qabadka waddooyinka iyo horumarka dalka.”
Gudoomiyaha Gudida dhismaha waddada Baligubadle iyo Hargeysa Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in labada guddi iska kaashan doonaan dhismayaasha jidadka, waxaanu yidhi, “Maanta farxad weyn bay noo tahay in aanu walaalahayo guddida Dawga-cad in aanu halkan ku soo dhaweyno. Waxa aad maqli jirteen uun laba magaalo ayaa la walaaleeyey, waxa aanu ku walaaloobi doonaa labadaas waddo sidii aanu u dhamaystiri lahayn.
Anigu waan tagay Dawga-Cad, waxaanad mooddaa Dawga sheekh, taasna waxa aanu sheegayaa qurbe-joogga aan waligoodba arag, waddadii Sheekh ee Imaaraadka iyo China inoo dhisay tii oo kale ayay wadaan, hawsha ay waddadaas ka wadaana caloosha ayaan uga duceeyay,” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Eng. Maxamed Muuse Cali oo ka mid ah guddida dhismaha waddada Baligubadle oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey geeddi-socodka dhismaha jidka Balligubadle/Hargeysa, waxaanu yidhi, “Marka hore waxa aan soo dhaweynayaa gudida dhismaha wadada Dawga Cad, runtii gudidda Dawga cad qaarkood bay maanta ugu horeysaa kolay in ay arkaan Dhismaha wadada Baligubadle, intan aad aragtaan waa 5km, waxaanay iminka afka saartay waddada xadka ay magaaladda Baligubadle la wadaagto Magaalada Hargeysa, waxaana noo qorshaysan in kolba meesha jilicsan aanu awoodda saarno oo halkan aad arkaysaan waa meeshii la odhan jiray xidhka Maydka.”
Eng isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Insha allaah waxa aanu dhawaanahan bilaabi doonaa qaybtii labaad ee Gobolka Hawd, halkan aynu soo marnay waa shantaas Kiiloomitir, laakiin waxa ka horeeya laba ilaa saddex Kiiloomitir oo iyaguna isku xidhaysa Waddada Axmd Dhagax iyo waddada Baligubadle, in kasta oo halkan aynu joognaaba ay tahay Axmed Dhagax, hadana waa waddadii Magaalada Baligubadle tagaysay,” ayuu yidhi Eng Maxamed Muuse.
Eng. Axmed Warsame Siciid oo ka mid ah Guddida dhismaha Jidka Dawga Cad, oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi, “Aad iyo aad baanu runtii uga mahad celinaynaa soo dhaweynta balaadhan ee ay gudida dhismaha waddada Baligubadle/Hargeysa nagu qaabileen. Waxaanan runtii halkan u nimid in aanu wada tashi ka yeelano, wax wada-qabadna kala samayno labadayada waddo ee waddada Dawga Cad iyo Waddada Baligubadle/Hargeysa. Halkan waxa aanu ku aragnaa waddo wanaagsan oo casri ah oo ka horeysa waddooyinka kale ee ay guddiyadu wadaan, runtiina waddadani waa mid dhaxal gal ah, si fiicanna looga shaqeeyay, waanay ku mahadsan yihiin guddida Baligubadle/Hargeysa ee hawshan fulisay.”
Eng Axmed Warsame oo hadalksii sii watay, waxa uu yidhi, “Waddooyinku marka hore waa horumarka dalka, haddii aanay wado jirin dalku wuu kala wada go’an yahay, haddii aanay waddo jirin dhaqaaluhu kobci maayo, markaa waddadu waxa ay ka horeysaa cuntada iyo guriga la galayaba.”
Guddoomiyaha Guddida Jidka Dawga Cad Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxa farxad weyn ii ah in aan halkan aynu joogno oo aynu ku aragno hawsha laga qabtay waddada Baligubadle/Hargeysa, aad iyo aad bay guddidu u mahadsan tahay, shaqo badan ayay qabteen, in lala qabtana waa loo baahan yahay. Waxa kale oo aan Illaahay uga mahad celinayaa dadkeenii loo arki jiray in aynu baryo ku nool nahay, in aynu maanta xooggeena, cududdeena iyo gacanteenaba wax ku qabsano.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Dadkeenna gudaha jooga iyo kuwa dibadda joogaba waxa aan leeyahay dalkeenii inaga ayuu ina sugayaa, sidaas ay waddadaasi u qurux badan tahay, ayaynu inaguna u qurux badnaanaynaa, sida ay u fool xumaantana waynu u fool xumaanaynaa,” ayuu yidhi.
Axmed Ibraahim oo ka mid ah gudida horumarinta Beelaha Arab oo ka dib markii ay labada gudi gaadheen Magaaladda Baligubadle kalmado kooban oo soo dhaweyn ka jeediyey kulanka hadhimo-sharafeed ah, ayaa yidhi, “Waxa aan aad u amaanayaa labada gudi ee Dawga Cad iyo baligubadle – Hargeysa oo safaro is weydaarsaday waxa aan labadaba ku amaanayaa sida tabaruca ah ee ay iskood isugu xil saareen oo runtii xoogoodii iyo maalkoodiiba u huray in ay ka qayb qaataan, wax dadka iyo dalkaba anfacaya, runtii waxa aan filayaa kulamadaas aad is weydaarsateen, waa khibradihii oo la isweydaarsanayo.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Labada jid ee ay gudiyadani wadaana waa laba wado oo muhiimad gaar ah u leh, jidkaas Dawga cad ee buuraha ka dhaadhici jirayna waxa uu ahaa meel aad u dhib badan, runtiina carqalad badan ku haysa, halka laga bilaabay iyo halka la gaadhsiiyayna waxa aan u arkaa in ay ku haboon tahay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment