
Safarka wasiirka Tacliinta Koonfur Afrika, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii ay xidhiidh wada-shaqayneed u yeelan lahaayeen Jaamacadda Johannesburg iyo hay’adaha waxbarasho ee dawladda Falastiin.
Agaasimaha Guud ee waaxda Xidhiidhka Caalamiga ah ee dowladda Koonfur Afrika oo qaddiyaddan ka hadlay, ayaa sheegay inay dowlad ahaan uga fadhiyaan xukuumadda Tel Aviv sababaynta tallaabada waxay ku diiday in wasiirkaasi uu dalkeeda galay.
"Waxaanu ka doonaynaa Israel inaanu ka helno sabab qeexaysa in fiisaha dal kugalka loo diido wasiirkayaga," ayuu yidhi masuulkan oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.
Sidoo kale, waxa tallaabada dowladda Israa’iil cambaareeyey Agaasimaah Xarunta Afro-Middle East Center oo fadhigeedu yahay magaalada Johannesburg. “Dhaqdhaqaaqa madax-banaanida reer Falastiin ee ka socda Koonfur Afrika, wuu kusii xoogaysanayaa talaabada Israel, waana inay Koonfur Afrika si degdeg ah uga jawaabtaa talaabadan,” ayay tidhi Mr Jeenah, iyada oo intaas ku dartay, “Wax kasta oo ay Israel ka tidhaahdo falkan, xaqiiqdii waa mid xaaladda sii xumaynaya.”
Dhinaca kale, dowladda Israa’iil, ayaa sababo aan lagu qancin ku fasritay tallaabada ay kula kacday wasiirka Tacliinta sare ee Koonfur Afrika. Safiirka Israel u jooga caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria, Mr. Arthur Lenk, ayaa ku doodday inay aad u kala duwan qaddiyada ka taagan gobolka uu dalkiisu ku yaallo ee Bariga Dhexe iyo arrinta wasiirka tacliinta sare loogu diiday fiisuhu.
Balse waxa falkan fool-xumo axmaqnimo ah ku sifeeyey safaaradda dowladda Falastiin u fadhiiya dalka Koonfur Afrika, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska safaaradda ee Caasimadda Pretoria. "Waxaynu u qaadan karnaa talaabadan caadifada ah ee ay qaaday Israel mid midab-takoor ah oo la mid tii hore uga dhacday Koonfur Afrika oo kale.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka.
Marka laga yimaaddo jawaab-celinta laga bixiyey tallaabada, Wasiirka Tacliinta Sare ee Koonfur Afrika, waxa uu ugu baaqay dhammaan hay’adaha dowladda Koonfur Afriak inay xidhiidhka u jaraan Israa’iil.
Waddanka Koonfur Afrika, ayaa marti-geliyey isla markaana oggolaaday inay dalkooda ka shaqeeyaan Ururro badan oo u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda Shacabka reer Falastiin.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment