Wasaaradda arrimaha dibada ee Somaliland waa isha kaliya ee siyaasad ahaan muuqaalka Somaliland ka iib gayn karta beesha caalamka iyo quruumaha kale ee aynu rajada weyn ka qabno inay mar uun aqoonsi siiya dawladeena Somaliland.
Wasaaradda arrimaha dibada waxaa hogaanka loogu dhiibay aqoonyahan kasbaday xeel dheeri siyaasadeed, kana gaadhay diplomacy-da hadlkii ugu saraysay, la soo shaqeeyey jimciyada quruumaha ka dhaxaysa qaybteeda xalinta khilaafaadka.
Inta aanan shaqadiisa u guda gelin waxaan jeclaan lahaa in aan wax yar idiinka iftiimiyo khibradiisa shaqo ee uu soo qabtay.
Wuxuu la soo shaqeeyey Joint oo ah ergayga gaarka ah ee hawlgalada iyo maamulka ee midawga United Nations African Operation ee wadanka koonfurta Suudaan ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNAMID)
Mohamed Biixi Yoonis wuxuu door muuqda ka qaatay hawlaha Saadka iyo xalinta caqabadaha soo wajaha UNAMID ilaa intii uu shaqada ku jiray, waxa kale oo kaalin ka soo qaatay waaxda Mission Support in UNAMID dalka DAARFUUR xiligii ay colaaduhu ka alsoonaayeen.
Maxamed Biixi Yoonis sanadihii 2002 wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee United Nations Supervision Organization (UNTSO) u qaabilsan arrimaha xabad joojinta, 2006 wuxuu ahaa sarkaalka Madaxa Maamulka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwaha Arrimaha Gaarka ah ee Geeddi-socodka ee Bariga Dhexe (UNESCO).
Hadii ay noqoto dhinaca dhaqaalaha iyo horumarintiisa wuxuu si muuqata ula soo shaqeeyey bangiga horumarinta Afrika ee loo yaqaano Côte d'Ivoire isagoo ka soo qabtay jagooyin kala duwan sida madaxa baanka, agaasimaha, la taliyaha maamulka iyo agaasime xigeenka arrimaha bili’aadnimada ee baanka.
Aqoonta intaas leeg marka la eego ee arrimaha siyaasada ee heer caalami sidee ayey ku dhici kartaa in maanta wasiirka arrimaha dibada Somaliland lagu sifeeyo shaqsi aan ka soo bixi karin shaqadiisa ama qof aan aqoon u lahayn arrimaha siyaasadda.
Aragti ahaan waxaan odhan lahaa in la ogaado qof la dhaliilayo inta aan la maagin wuxuu ahaa jiray iyo waxa uu hada qabtay, taasi waxay qof kasta ka caawinaysaa inuu hubsado wuxuu sheegaayo.
Wabilaahi Tawfiiq
Saynab Guure
saynabguure@gmail.com
Sweden Stockholm
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment