Saturday, April 25, 2015

Wasiirrro Xukuumadda Katirsan Oo Imaaraadka ugu Dhoofaya Sii Amba-qaadka Tallaabada Dekedda Berbera Loogu Wareejinayo Shirkadaha Shisheeye

xocHargeysa:April,25,2015(Himilo)-Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Hawlaha Guud, ayaa la sheegayaa inay Maanta Dalka imaaraadka Carabta ugu dhoofayaan Sii Amba qaadka Tallaabada la doonayo in Dekedda Berbera loogu wareejiyo Shirkado Ajaanib ah oo wali ku jira Tartan arrintaas la xidhiidha.

Sida wararku sheegayaan Labadan wasiir, ayaa Galabta Ka Dhoofaya Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana ay sii wadayaan wada-hadalkii hore loola bilaabay shirkadaha Saldhigoodu yahay Dalka Imaaraadka oo ay ugu tun weyn tahay Shirkadda Dubai World Ports, iyadoo lagu wado in Madaxweyne Siilaanyo uu noqon doono Shakhsiga ugu dambeeya ee shirkadahan ay is arki doonaan haddii la is afgarto.

Wasiiradan oo hore uga soo laabtay wadanka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ay ilo xogogaali sheegeen inay maanta dib ugu laabanayaan wadankaas ka dib markii ay Madaxweyne Siilaanyo dib ugula soo noqdeen wada tashi ku saabsan wareejinta maamulka dekedda Berbera, waxaanay wararkani sheegeen in wasiiradani ay hore shirkadaas Imaaraadka ugula soo saxeexdeen heshiis is afgarad ah oo aan rasmi ahayn.

Wareejinta maamulka dekedda Berbera ayaa waxa ka dhashay dareeno mucaaradeed oo xukuumadda ku kacay, kuwaas oo ugu baaqay inay ka noqoto go’aan kasta oo dekedda lagu wareejinayaa mid Sharciga loo maro, balse Xukuumaddu wali arrintaas jawaab cad kama ay bixin.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment