Wednesday, April 22, 2015

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo mar kale lala beegsaday Huteel lagu qarxiyey Ku-xigeenka Raysal-wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho, 22 April, 2015 (Himilo)- Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, illaa labaataneeyo kalena way ku dhaawacmeen Qarax ka dhashay lagu fuliyey Gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lala beegsaday Duhurnimadii Shalay Kidinka hore ee Makhaayad lagu magacaabo Banoda oo Cunnada laga cuno, taasoo kasoo horjeedda Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho oo bishii hore ay sidan oo kale Al-Shabaab u qarxisay.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaan la ogeyn dhimashada iyo dhaawaca rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay lagu arkayo dhiig badan oo daadsan, halkaas oo ay soo gaadheen qaraxa ka dib Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo Shaqaalaha Gargaarka Caafimaadka ee ka hawlgala Cusbitaallada magaalada Muqdisho.

“Waxaan illaa hadda qaadnay Meydadka 11 qof iyo dhaawaca labaatameeyo kale, welina wuu socdaa gurmadkii aan u fidinaynay dadka ay dhibaatadu soo gaadhay.” Sidaa waxa Saxaafadda u sheegay mid ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Ambalaaska ee daad-guraynayey dadka ku waxyeelloobay qaraxaas.

Qaraxan, ayaa ku soo beegmay shalay oo aad loo adkeeyay ammaanka meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho; mana jirto weli cid sheegatay Mas'uuliyadda qaraxaas, inkastoo qaraxyada Muqdisho ka dhaca ay inta badan sheegato Kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, qarax ayaa Makhaayadda laga fuliyey waxay ku taallaa ka soo horjeedka Central Huteel ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay Al-Shabaab qarax qorshaysan ka fulisay bishii hore, kaasoo ay dad badani ku dhinteen, dad kale oo fara badanina ku dhaawacmeen, iyadoo dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayba ay ku jireen Masuuliyiin dawladda ka tirsan, kuwaasoo uu ka mid ahaa Ku-xigeenka Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ku dhaawacmay qaraxaas.

No comments:

Post a Comment