
Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in wixii dhacay ay mas’uuliyadeeda qaadayaan “Dilka muwaadinka Talyaaniga ah iyo Midka Mareykanka ah cudur daar ayaan ka bixinaynaa mas’uuliyadda anaga ayaa qaadayna” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Obama.
Dowladda Mareykanku waxay sheegtay in duqeynta ay ku dishay qof muslim Mareykan ah oo ka tirsanaa Mujaahidiinta Al Qaacidda, wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday xad-beenaadka ay wadaagaan Pakistan iyo Afghanistan lagu dilay Sheekh Cazam Al-imriiki oo saraakiisha Al Qaacidda ka tirsanaa.
Warren Weinstein ayaa dhowr goor kasoo muuqday muuqaallo lagu baahiyay baraha Internet-ka wuxuuna dalbanayay in xukuumaddiisa Washington ay bad baadiso noloshiisa oo ay u hoggaansato dalabka Mujaahidiinta
Himilo Media
No comments:
Post a Comment