
Mudaharaadka ay dhigayeen shacabka ka soo horjeeday xasuuqa loo geystay muwaadiniinta Itoobiya, ayaa mar kaliya isu rogay kacdoon lagaga soo horjeedo Xisbiga hoggaamiya xukuumadda dowladda Itoobiya ee EPRDF, iyada bannaan-baxayaasha oo dhalinyaro u badnaa ay ku dhawaaqayeen weedho ay ku diiddan yihiin xukuumadda. Haseyeeshee, waxa bannaan-baxayaasha kala-dareeriyey ciidamada Ammaanka oo suntan Indhaha kaga ilmaysiisa u adeegsaday dhalinyarada mudaharaadaysay, iyadoo tallaabadaasi markii dambe sababtay inay isku-dhacaan ciidamada iyo mudaharaadayaasha oo sababay dhaawacyo soo gaadhay tiro dad ah. Waxa kale oo Xabsiga loo taxaabay shakhsiyaad lagu eedeeyey inay bannaan-baxa uga faa’idaysteen dano-siyaasadeed.
Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda Wararka ee Reuters, mudaharaadkan labada weji lahaa, ayaa sababay inay dhaawacyo soo gaadheen saddex sarkaal oo ka kala tirsan ciidamada Booliska iyo xoogagga Federaalka, kuwaas oo loola cararay Cusbitaalka.
Goobta uu mudaharaadkaasi ku xooganaa oo lagu magacaabo Meskel Square ayay wararku sheegayaan inuu hadda degan yahay, laakiin warar kale oo laga helayo halkaas ayaa sheegaya in goobtaas lagu arkayo ciidamada booliska oo gaaf-wareegaya, halkaasoo u dhaw jaamacadda Addis Ababa University.
Mudaharaadkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhawaan kooxda ISIS ay baahiyeen muuqaalka muujinaya iyagoo qaabab kala duwan u laynaya dad u dhashay Itoobiya oo Kiristaan ah iyo sidoo kale saddex qof oo lagu dilay waddanka Koonfur Afrika.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment