Sunday, April 26, 2015

Beesha Caalamka oo Go’aamo ka soo saartay dib-u-dhaca Doorashada, Muddo-kordhinta Guurtida iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Aqalka Odayaasha u gudbiyey Dalabkeeda

Nuxurka Kulan Dhexmaray Wefti ka socday Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Golaha Guurtida

“Bulshada Caalamku waxay ka niyad-jabsan tahay inaan wakhtiga Komishanku soo jeediyay ahayn ka hor dhammaadka 2015-ka, annagoo u aragna inay suurogal ahayd in dawladdu dib ugu noqoto….” Nuxurka Qoraal ay Beesha caalamku soo gaadhsiisay Somaliland

Hargeysa, 26 April, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Golaha Guurtida u gudbiyey Warqad qoraal ah oo uu kaga dalbaday inay waajibkooda Dastuuriga ka gutaan dib-u-dhaca doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, xilli ay Wufuud ka socota Beesha caalamka ee Somaliland ka taageera hannaanka dimuquraadiyadda ay ku sugan yihiin Caasimadda Hargeysa, isla markaana walaac ka muujiyeen muddo-kordhinta Guurtidu samaynayso, iyagoo ku taliyey in la raaco jaan-goynta wakhti-farsamo ee Komishanku sheegeen inay ku qaban karaan doorashooyinka.
Sida laga soo xigtay ila-wareedyo kala duwan oo Madaxtooyada ku dhadhaw, Madaxweynaha Somaliland Sabtidii shalay u gudbiyey Golaha Guurtida Warqadda la xidhiidha muddo-kordhinta wakhtiga ay sii shaqaynayaan Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu, ka dib markii ay Guddiga doorashooyinka Qaranku caddeeyeen inaan la qaban karin xilligooda oo ahaa 26 June 2015-ka, ka dibna ay Guddigu cayimeen inay qaban karaan doorashooyinka 1-da bisha June ee sannadka 2016-ka. Warku wuxu intaas ku daray in Madaxweynuhu Qoraalkiisa ku ladhay Qoraalka Guddiga doorashooyinku wakhtiga ku cayimeen, sidaa awgeedna uu u soo jeediyey inay ka gutaan waajibkooda Dastuuriga ah Gole Guurti ahaan.
50f757d04d8f7019b5812c00b3be79a2_LGeesta kale, Wefti ka socda Beesha caalamka oo ay hoggaaminayso Safiir Ku-xigeenka Safaaradda dawladda Britain ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Cat Evan iyo Afar Xubnood oo kale, kuwaasoo Shir-guddoonka Guurtida kulan la yeeshay Sabtidii shalay markii ay Hargeysa soo gaadheen, isla markaana kala hadlay inay Gole ahaan is-waafajiyaan wakhtiga Guddiga doorashooyinku u cayimeen doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, taa beddelkeedana aan la samayn muddo dheeraad ah oo laga leeyahay dano siyaasadeed.
Shir-guddoonka Guurtida iyo Xubno Golahaas ka tirsan oo kulanka goob-joog ka ahaa, ayaa ku dooday in Guddiga doorashooyinku ay ahayd inay sugaan wakhtiga ay Guurtidu kordhiyaan intaanay cayimin iyagu wakhtiga ka hor, isla markaana muddo-kordhinta ka dib ay habboonayd sharciyan inay doorashada muddeeyaan. Hase-yeeshee, la isla eegi doono tallaabada la qaadayo, isagoo Goluhu ixtiraamayo Guddiga doorashooyinka iyo rabitaanka Beesha caalamka ee taageerada u muujisa Somaliland, sida lagu sheegay qoraal Guurtida laga helay xalay.
Hase-yeeshee, Weftiga Beesha caalamku waxay 24-kii bishan oo ku beegnayd Jimcihii dorraad u soo diray dhinacyada ay doorashadu khusayso ee Somaliland, sida Madaxweynaha, Hoggaamiyeyaasha saddexda Xisbi, Guurtida, iyo Guddiga doorashooyinka, sidoo kalena ay shalayna Waraaqo ahaan ku keeneen, ayay ku sheegeen in kasta oo ay ka xun yihiin in Guddiga doorashooyinku qabatay wakhti ka dambeeya dhammaadka sannadkan 2015-ka, haddana inay soo dhawaynayaan oo ay bogaadinayaan dedaalka Guddiga doorashooyinka iyo sida ay Xisbiyadu u aqbaleen in doorashada lagu qabto xilliga Komishanku cayimay.
Qoraalladaas oo Luuqadda Ingiriisida ku qornaa, isla markaana uu Wargeyska Himilo soo turjumay, waxay u dhignaayeen sidan:- “Waraaqdani waxay daba-socotaa wada-xaajoodkii wax ku ool-ka ahaa ee aanu ku qabannay Hargeysa 31-kii March. Waxa na dhiirri-geliyey sida ay u danaynayaan dhinacyada oo dhami iyagoo ixtiraamaya go’aamada Guddiga doorashooyinka. Waxaannu ka war-helnay in Guddiga doorashooyinku Madaxweynuhu u gudbiyeen waxa ay u qorsheeyeen qabsoomidda doorashooyinka.
Waxaannu fursaddan uga faa’idaysanaynaa inaannu ku bogaadinno Guddigiinna Doorashooyinka Hawsha fiican ee ay qabteen bishii la soo dhaafay iyo sidoo kale inay u dul-qaateen geeddi-socodka Siyaasadeed ee Somaliland. Si aannu u taageerno dhammaystiran xilliga doorashooyinka taariikhiga ah ee Somaliland, waxaannu sii wadi doonnaa inaannu taageerno hawlaha Dimuqraadiyadda, annaga oo idiin soo marinaynaa Guddiga Farsamo ee Gacanta ku haysa hawsha dimuqraadiyadda (DSC) ee fadhigeedu yahay Nairobi. Annaga oo soo marinayna DSC, waxaan taageero ku bixinnaynay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland tobankii sano ee u dambeeyey.
Waxaannu Guddigan ula shaqaynaa si aannu u xaqiijinno in taageeradayadu meel keliya marto oo mid keliya ahaato, wakhtiganna waxa socda mashruuc taageero oo 13.5 Milyan Doollar ah, kaasoo loogu talo-galay inay ku baxdo hawsha diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee wada-socda.
1. Madaxweynaha, Saddexda Xisbi siyaasadeed iyo labada aqal Baarlamaan-ba waxaannu idinku ammaanaynaa inaydaan siyaasadayn Go’aaminta Komishanka doorashada ee wakhtiga Doorashada oo loo asteeyay 1-da June 2016-ka iyo Xaqa Komishanku u leeyahay soo gudbinta wakhtiga doorashada oo farsamaysan;
2. Bulshada Caalamku waxay ka niyad-jabsan tahay inaan wakhtiga Komishanku soo jeediyay ahayn ka hor dhammaadka 2015-ka, annagoo u aragna inay suurogal ahayd in dawladdu dib ugu noqoto qodobka 7-aad farqaddiisa 2-aad ama 26-aad farqaddiisa Xeerka diiwaangalinta codbixiyaha(Xeer lam/37), kaas oo muddo 6 bilood ah dib u ridaya doorashada marka la dhammeeyo diiwaangalinta codbixiyaha;
3. Hase-yeeshee, Beesha Caalamku waxay Somaliland ka codsanaysaa inay tallaabooyinka dambe ee hannaanka doorashooyinka si adag u raacdo, iyadoo la sharfayo Wakhtiga Komishanka doorashadu soo gudbiyay.
4. Bulshada caalamku muddo-kordhin kasta oo ku dhisan dano siyaasadeed waxay u aragtaa ama u tixgelinaysaa waxaan la aqbali karin, waxaanay saamayn doontaa xidhiidhka Siyaasadeed iyo horumar ee aannu la leenahay Somaliland;
5. Beesha Caalamku waxay u taagan tahay oo diyaar u tahay inay taageerto hannaanka doorashada Somaliland farsamo ahaan iyo diblamaasiyad ahaan labadaba;
Waxaannu si xushmad leh u rejaynaynaa inaannu sii wadno la shaqaynta Xukuumadda, Guurtida, Xisbiyada Siyaasadda iyo Komishanka doorashada si loo xaqiijiyo in doorashooyinkan taariikhiga ah ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ugu dhacaan si aan habsan (dib u dhac) lahayn.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment