Miniabolis-(Himilomedia)-Hay’adaha dambi-baadhista Maraykanka ee loo yaqaan FBI ayaa xidhay wiil soomaali ah oo ay ku eedeeyeen in uu u hanjabay saraakiil ka tirsan hay’adda FBI iyo weliba xafiiska xeer ilaalinta ee gobolka Minnesota.
War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adaasi ee magaalada Minneapolis ayaa lagu sheegay in Maxamed Abuukar Saciid ay FBI-du soo xidhiy shaley galinkii dambe, kadib markii lagu eedeeyey wiilkan in uu boggiisa xidhiidhka bulshada ee uu ku leeyahay Internet-ka uu ku soo qorey hadalo uu ugu hanjabayo saraakiil ka tirsan FBI iyo xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota.
Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii dhowaan la xidhay 6 dhalinyaro soomaali -mareykan ah oo la sheegay inay qaarkood isaga saxiib la ahaayeen.
Eedaha Maxamed Abuukar loo haysto waxaa ka mid ah inuu soo dhigay boggiisa xidhiidhka bulshada sawirka qof uu ku eedeeyey inuu ka dambeeyey xadhigga dhalinyaradaas, isaga oo markaas hanjabaad u jeediyey.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment