Hargeysa, April 20, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa masuuliyadda dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka sannadkan dusha ka saaray Xisbiyada Qaranka oo uu ku eedeeyey inay lumiyeen fursad maanta suurta-gelin lahayd in doorashada wakhtigeeda lagu qabto, waxaanu fursaddaas ku sheegay go’aankii xisbiyada qaranku ku laaleen natiijadii diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee goleyaasha Qaranku ku laaleen dhowr sanno ka hor.
Xildhibaanku waxa uu ku dooday in beesha Caalamka, gaar ahaan Qaadhaan-bixiyeyaasha doorashooyinka ka caawiya reer Somaliland ay la yaabeen go’aankaas lagu laalay natiijadii Codbixiyeyaasha doorashada, taasina meesha ka saartay in la helo doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta.
Balse waxa uu xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan ku baaqay in la feejignaado tallaabo kasta oo keeni karta in Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee wakhtigan lagu hawlan yahay ay marto mid la mid ah go’aankii lagu laalay diiwaangelintaas hore, isaga oo soo jeediyey in la dejiyo qorshe suurta-gelinaya in natiijada ka soo bixi doonta diwaangelinta codbixiyeyaasha loo adeegsado doorashooyinka dalka laga qaban doono mustaqbalka.
“Waxa aad ogtihiin in beryahan oo dhan in muddo kordhin iyo wax laga hadlayo, waxaanse leeyahay maanta ma ay dhicine shalay ayey ahayd inagoo haysanna kaadhadh lagu footaynayo oo Milyan iyo Boqol ahaa, waana la baabi’iyey, eeddaasna waa leh oo kaw ka ah Xisbiyada, waxana aad ogtihiin in midowga Yurub ay la yaabeen maalintii aynu laalnay wixii adduunka badani ku baxay, inagoo joogna meel aynu ka dhaqaaqno waxana aynu u baahnayn shaandhayn kaliya uun, waxana aynu baabi’inay oo inay dib u dhacdo ay timi markii saddexda Xisbiba kamid bay ahaayeen Golayaasha sharcigana waa lasoo mariyey waxana la soo saaray ilaa dib diwaangelin loo sameeyo inaan dib doorasho loo gelin, markaa waxba yaan eedda la isku tuurtuurin,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan waxa uu sharraxay baahida loo qabo in laga baaraandego Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Dhawaan Dalka laga samayn Doono, waxaanu soo jeediyey in wakhti la siiyo arrintaas si ay mustaqbalka dambe muhiimad u yeelato.
“Talo waxan kusoo jeedinayaa, anaga gole Guurti ahaan waxa nalagu eedeeyaa inaanu Mudo-kordhin abuurno mase samaysano, waxaanu leenahay haddii la doonayo in laga guuro Dibudhacyadan soo noqnoqnaya iyo sababaha keenaya, waar maantay taagan tahay diiwaangelintaasiye yeynaan dabada ka eryin oo aynaan dedejinin si Kontonka Sano ee Soo Socda mid waliba wakhtigeeda ku qabsoonto aynu u hubsanno wax sugane inay inoo qabsoomaan, laakiin haddii aynu dabada ka erino, maalin walba waxa imanaysa tanna waa lagu qaldamay,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku.
Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan waxa uu soo dhaweeyey tallaabada Baanka Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyaddu iska kaashadeen ee istictimaalkii Adeegyada Zaad-ka iyo E-dahabka loogu beddelayo Shilinka Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo dan u ah dhammaanba shacabka Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment