“Xisbiga WADDANI wuxuu markasta ixtiraamayaa Axsaabta Qaran & Masuuliyiiinta Qaran dhammaantood, waxaanannu diyaar u nahay doorasho Xor iyo Xalaal ah oo aan Xagxagasho lahayn…” Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Hargeysa, 28 April, 2015-(Himilo):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Dacaayado iyo been-abuur Shacabka lagu marin-habaabinayo ku tilmaamay warar ay Saxaafadda dalka qaarkood ka faafiyeen oo sheegaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Turkiga iyo in uu dawladda Finland u diray Warqad qoraal ah oo uu ku caddeeyey haddii uu doorashada ku guulaysto inuu taageeri doono nidaamka Federaalka Soomaaliya oo ay Finland ka mid tahay dawladaha hirgelinta nidaamkaas dedaalka weyn geliyey.

Qoraalkaas uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro baahiyey, waxa uu u dhignaa sidan:- “Been-abuur kasta & Dacaayado loo sheego Shacabka qiimaha leh ee Somaliland waa qaar aan Cidna wax u tarayn, siina raagayn. Haddii lays leeyahay Dacaayado ayaa Shacab wax lagaga dhaadhicinayaa ama lagu soo jiidanayaa, taasi waa mid gef ku ah Caqliga & Garaadka Shacabkeenna.
Shacabkeennu wuxuu usoo joogay waqtiyo doorashooyin oo badan iyo Xisbiyo aan Kalsooni badan ku qabin Codka Shacabka. Xisbiga WADDANI wuxuu markasta ixtiraamayaa Axsaabta Qaran & Masuuliyiiinta Qaran dhammaantood, waxaanannu diyaar u nahay doorasho Xor iyo Xalaal ah oo aan Xagxagasho lahayn.” Sidaa ayuu qoraalkiisa kooban ku yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Xoghayaha Wakiillada oo Shir Jaraa’id shalay ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Golaha Wakiillada, ayaa arrintan ka hadlay, waxaanu yidhi; “Warqaddani waxay ka hadlaysaa Xisbiga WADDANI oo leh markaannu ku guulaysanno Xilka Waddanka waxaannu qaadanaynaa Federaalka Soomaaliya. Warqaddan la been-abuuray ama Foojariga lagu sameeyay waa warqad uu leeyahay Qaranku. Waa foojarigii ugu darnaa ee Qarnigan ee Saxaafaddu baahiso.”
Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, waxa u intaas kusii ladhay oo yidhi; “Warqaddan foojariga ahi ma laha Tixraacii Golaha Wakiillada. Waxa kale oo aad arkaysaa halkii Waraaqaha Golaha lagaga qori jiray tixraaca oo lagu qoray taariikhdii. Warqaddan Ingiriisi ayaa lagu qoray waxaana hoosta lagaga qoray Magaca Guddoomiyaha iyo Allaa Mahadleh oo Af-Soomaali ah.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment