Hargeysa, 26 April, 2015 (Himilo)- Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo uu toddobaadkii hore Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka ka qaaday, ayaa ku dooday inaanu Madaxweynuhu dariiqii sharciga ahaa u marin xilka-qaadistiisa, isla markaana nidaam aan sharciga waafaqsanayn lagaga qaaday xilka.

Fadhi wada-jir ah oo ay labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilladu Sabtidii shalay ku yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa, ayay Codka kalsoonida ugu qaadeen xilka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ka dib markii uu Madaxweynuhu u soo gudbiyey Guurtida iyo Wakiillada Digreetada uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare xilka kaga qaaday 19-kii bishan April ee aynu ku jirno.
Sidaa awgeed, fadhiga wada-jirka ah ee ay labada Gole isugu yimaaddeen oo uu guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali, waxay Mudanayaasha ka soo xaadiray cod gacan-taag ah u qaadeen xilka-qaadistaas loo soo gudbiyey, waxaana fadhiyey fadhiga 128 Xildhibaan, waxaa oggolaaday xilka-qaadista Guddoomiyaha Maxakamadda Sare 80 Xildhibaan, waxaa diiday 32 Mudane, halka ay 15 Xildhibaan ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanay ku ansaxday xilka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali.
Hase-yeeshee, Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somaliland ee xilkaas 19-kii bishan Madaxweynuhu ka qaaday dhawaan wareejin doona, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u warramay Sabtidii shalay markii xilka-qaadistiisa Baarlamaanku ansixiyey ka dib, waxaana ugu horreyn la weydiiyey sida Sharciyan ay tahay xilka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland.
Waxa uu Yuusuf Ismaaciil Cali su’aashaa kaga jawaabay oo uu yidhi; “Su’aasha aad I weydiisay waxaan kaga jawaabayaa waxa uu sharcigu ka qabo ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabo xil-ka-qaadista iyo magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda sare labadaba waxa koobsanaya qodobka 105 (boqol iyo shan) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, marka uu Madaxweynuhu doono inuu xilka ka qaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu leeyahay inuu u gudbiyo Labada Gole Baarlamaan oo wada-jir ah, fadhi iyo naaqishaad ka dib, sababaha uu Madaxweynuhu soo sheegay waxay awood u leeyihiin inay ka aqbalaan iyo inaanay ka aqbalin. Arrintan aniga xilka qaadistayda looma marin dariiqaas. Qodobka saddexaad waxa uu leeyahay Madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi karaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare isagoo u baahan oggolaanshaha labada Gole.”
Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo la weydiiyey in shalay ahaan ay labada Gole Digreetada xilka-qaadista Madaxweynaha ansixiyeen oo ay fadhi wada-jir ah ku oggolaadeen, markaa miyaanu marin Madaxweynuhu jidkii sharciga ahaa, waxa uu ku jawaabay; “Waxa horraysay xil-ka-qaadistayda oo uu Madaxweynuhu sheegay isagoon la tashan labada Gole inuu la tashaday sida uu ku sababeeyey Digreetadiisa Guddiga Caddaaladda oo aan la shaqayn kari waayey ama ay ila shaqayn kari waayeen ku cabatay, arrintaasi waa sharci-darro. Guddiga Caddaaladda waxa uu la tashanayaa marka uu rabo inuu magacaabo Guddoomiye Maxkamad sare ayuu iyaga weydiinayaa oo uu shuruudaha qodobkaas 105 cuskanaya, laakiin arrinta xilka-qaadistu ma dhici karto oo waa qayrul-dastuuri isaga oo aan haysan labada Gole oggolaanshahooda.”
Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu sheegay inuu filayey qaab ka duwan qaabka ay ka yeeleen xil-ka-qaadistiisa Mudanayaasha labada Gole ee Baarlamaanku, waxaanu yidhi; “Maanta (shalay) arrinta ay u codeeyeen (Baarlamaanku) waxaan filayay inay marka hore ajandahooda ku darsadaan oo ay dood ka galaan Digreetada hortaallaa dariiqii sharci ma idiinku timi misay idiinkumay iman?”
Mar Guddoomiyihii Maxkamadda sare uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay hadda taasi dhacday, balse waxay tahay aragtidiisa la xidhiidha ansixinta xilka-qaadistiisu waxay tahay, waxa uu yidhi; “Xilka Qaranka ummadda ayaa leh, ummaddana iyagaa ka Wakiil ah (Baarlamaanku), laakiin waxaan ka hadlayaa inay xalaaleeyeen Sunne aan hore u jiri jirin oo aan Dastuurka innoogu qornayn.”
Sidoo kale, Yuusuf oo la weydiiyey in Madaxweynuhu Digreetada uu xilka kaga qaaday ku sababeeyey cabasho baahsan oo dhinaca Garsoorka ka taagan, waxa uu ku jawaabay; “Waxaan iskaga difaacayaa cabashooyinka dadweynaha waxa loogu talo-galay sida Sharciyaddu qabto, Maxkamadaha ayaa kala dambeeya oo go’aammadooda ayaa kala dambeeya, ambiilka oo dhami waa cabasho, garta koowaad marka la qaado haddii lagu qanci waayo ambiilka laga qaataa waa cabasho, Maxkamadda Racfaanka wixii ka soo baxa haddii lagu qanci waayo waa cabasho, Maxkamadda sare ayay imanaysaa, Cabashadu maaha mid Madaxtooyada loo qoranayo ama Madaxweynuhu ku sababayn karo cabashada dadweynaha, Xabsiyadana lagama soo caban, damac dad isku haya oo dan gaar ah leh ayaa cabashada loo tix-geliyey, waxna la igama weydiin.”
Waxa Yuusuf Ismaaciil Cali la weydiiyey in Madaxweynuhu ku sababeeyey xilka-qaadistiisa inay Guddiga Caddaaladdu ku cawdeen inay wada shaqayn kari waayeen, waxa uu yidhi; “Waxa weeye Guddiga Caddaaladda anigaa Guddoomiye u ahaa, illaa maalintii Xafiiska aan soo fadhiistay Guddigu way shaqaynaysay, wixii aannu go’aanno gaadhaynayna iyagaa ila gaadhayey, lamana odhan karo Guddiga Caddaaladda ayaa la shaqayn kari wayday.”
Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Somaliland Yusuuf Ismaaciil Cali oo la weydiiyey sida uu u arko in Bulshadu mar walba Garsoorka ka cabato iyo waxa u qorshaysan inuu qabto marka uu xilka wareejiyo ka dib, waxa uu ku jawaabay; “Garsoorka Somaliland Cabashada 50%50 (Konton iyo konton baan ka dhigayaa boqolkiiba) Gar kasta oo la qaado qofka Xukunku ku dhacay baa cabanaya, ka kalena wuu mahad-naqayaa, waloow kaa mahad-naqaya aan aad loo maqal, inuu Illaahay u mahad-naqana waa suuragal. Anigu Dakhtar noqon maayo, Ijineerna noqon maayo ee Mihnaddii Qareennimo ee aan aqaannay ayuun baan ku shaqaynayaa.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment