Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa masaajidka loo yaqaano Markiska Tabliiqiyiinta kula tukaday qaar ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa salaad roob-doon ah oo guud ahaan gayiga Somaliland maanta laga oogay.
[gallery columns="2" ids="18641,18640"]
Salaada roob-doonta ah ayaa dadweynaha Somaliland ee ku kala dhaqan gobolada iyo degmooyinka dalka waxay ku tukadeen goobaha waaweyn ee lagu tukado salaada ciida ee isugu jira masaajido iyo garoomo iyo banaano kaleba.
Halkaasi oo Madaxweynuhu shacbiga u dareeray salaada Roobdoonta uu alle uga baryey inuu ka aqbalo una shubo raxmad khayrqabta oo ay ku doogsadaan dad iyo xoolaba.
Sidoo kale waxa isna halkaasi khudbad dheer ka jeediyey wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland oo salaada tujinaayey Madaxweynaha iyo shacbiga ku sugnaa masjidka.
[gallery columns="4" ids="18645,18644,18643,18642,18641,18640,18639,18638,18637"]
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND
No comments:
Post a Comment