Friday, April 24, 2015

Midowga Reer Yurub Oo Soo Saaray Go’aanno Ka Nixiyey Tahriibayaasha Doonaya Inay Ka Tallaabaan Badda Midderanean-ka

Brugsles:April,24,2015(Himilo)-Midowga Reer Yurub ayaa Go’aanno kasoo saaray shir maalmahan u socday oo lagu gorfaynayey sidii loo yaran lahaa Muhaajiriinta Ka Tallaabaysa Badda Middeterean-ka, kuwaas oo ka amba baxa Dalalka Waqooyiga Afrika.

mureGo’aamada ay Saareen Madaxda Midowga Reer Yurub, ayaa u badan qaar lagula dagaallamayo muhaajiriinta Badda ka tallaabaysa, isla-markaana qaab badbaado ah loogu gurmanayo Dadka Badaha soo gala.

Hogaamiyeyaashu waxa ay sidoo kale ansixiyeen talaabooyin lagu qabanayo laguna burburinayo doomaha ay adeegsadaan dadka wax tahriibiya, kuwaas oo intooda badan ku xidhan meelaha Xeebaha ah ee Tahriibayaasha laga soo raro.

Kulankan waxaa lagu baaqay kaddib markii ay dhinteen in ka badan sideed boqol oo qof kaddib markii doontii ay saarnaayeen ay ladagtay todobaadkii hore.

Dalal badan oo midawga Yurub ka mid ah ayaa ku deeqay maraakiib, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo dad arrintaasi ka shaqeeyaba.

Madaxwaynaha midowga Yurub Donald Tusk, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ay iskaashi balaadhan yeeshaan wadammada ay muhaajiriintaasi ka imaanayaan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment