Qudus:April,28,2015(Himilo)-Wiil yar oo reer Falastiin ah, ayaa Gudaha Magaalada Baraykaysan ee Qudud ku Weeraray Askar Yuhuud ah, waxana uu gaadhsiiyey Khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira.

Wiilkan yar oo gaadhi waday ayaa la xaqiijiyay inuu gaadhigiisa jiidhsiiyay askar Yahuud ah taasi oo sababtay dhimashada laba askari iyo dhaawaca laba kale oo Yahuudi ah.
Sidoo kale askar Yahuudi ah oo goobta ka agdhawayd ayaa rasaas oodda kaga qaaday gaadhigii uu watay walaalka Muslimka Falasdhiiniga ah taasi oo sababtay in isla goobta uu ku shihiido.
Ma aha markii ugu horeysay oo wiil falasdiini ahi gaadhi jiidhsiiyo askarta Yahuudda ee xooga ku heysata Beytul Maqdas iyo guud ahaan dhulka Muslimiinta Falasdiin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment