Tuesday, April 21, 2015

Xarunta Daaraasadka Siyaasadda oo Fulinta Xukunnada Qisaasta ku tilmaantay Tallaabo Xoojinaysa Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha

 

Hargeysa, 21 April, 2015 (Himilo)-Xarunta Daaraasaadka Siyaasadda (CPA) oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa xukuumadda Somaliland ku taageertay fulinta xukunnada Qisaasta ah oo ay Xaruntu ku tilmaantay mid waafaqsan Diinta Islaamka iyo Dastuurka Somaliland.

Xarunta Daaraasaadka Siyaasadda (Center for Policy Analysis), waxa ay tallaabadan xukuumadda Somaliland ugu dhiirratay fulinta Xukunnnada qisaasta ah ah ku tilmaantay inay jidaynayso xoojinta ilaalinta Xuquuqda Aadamaha isla markaana ay meesha ka saaray dilalka sida fudud loo geysto.

Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Xarunta Daaraasaadka Siyaasadda, waxaanu isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan:- “Xukuumadda Somaliland waxay xukunno qisaas ah oo ka dhacay degmada Mandheera ku fulisay lix nin, ka dib markii maxkamadaha Soomaaliland ku xukumeen dil.

Somaliland waa dal muslim ah, dastuurkeeduna wuxuu ku salaysan yahay shareecada Islaamka ah, iyada oo ay ka reebban tahay ku-dhaqanka xeerarka ka soo horjeeda shareecada Islaamka, sida ku xusan dastuurka Somaliland qodobkiisa 5aad, faqraddiisa 2aad.

Somaliland waxay xaq u leedahay inay fuliso shuruucdeeda gaarka ah ee ku salaysan Shareecada Islaamiga ah, iyada oon ka talo galinaynin cid kale. Qofna xaq uma laha inuu ku xadgudbo nafta qofka kale, in qof uu dilo qof kalena waa xadgudub ka-dhan ah xuquuqda aadamaha.

Fulinta qisaastani waxay horseedaysaa ilaalinta xuquuqda adaamaha, gaar ahaan inuu qofku ilaaliyo xaqa qofka kale, waxaanay meesha ka saaraysa in si hawlyar naf qof looga jari karo. Waxa kale oo fulinta qisaastani horumar u tahay fulinta dastuurka Somaliland ee ku salaysan shareecada Islaamiga ah iyo fulinta axkaamta shareecada, sida ku xusan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 5aad faqradiisa 2aad,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, waxa ay xaruntu si adag u cambaareysay xadhig lagu kacay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee Hargeysa Guuleed Axmed Jaamac oo lagu eedeeyey inuu dhalleeceeyey nidaamka Garsoor ee dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kale oo Xarunta Daraasaadka Siyaasadda kaga hadashay xadhigga Guddoomiyaha oo xubin ah Xarunta CPA, xadhigga Guuleed Axmed Jaamac, ayaa ka dambeeyey kaddib markii uu warbaahinta qaarkeed dhaliilo u mariyey nidaamka garsoor Somaliland oo uu dhaliilay. Waxaanu war-saxaafadeedku u qornaa sidan:- “Maalinnimadii sabtida ee bishan April ahayd 18, waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay guddoomiyaha hay’adda xuquuqda aadamaha ee HCR Guuleed Axmed Jaamac, isla markaana xubin ka ahaa Xarunta Deraasaadka Siyaasadda (Center for Policy Anlaysis), kaas oo lagu eedeeyay in uu dhaliilay tayada iyo hab-shaqada garsoorka Somaliland. Xadhigga Guuleed wuxuu daba socday waraysi uu siiyay warbaahinta qaarkeed.

Sida ku cad warqadda tixraaceedu yahay MGH/79/2015 ee ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa, kuna taariikhaysan 19/04/2015, isla markaana ku socotay taliyaha qaybta baadhista dembiyada Somaliland, maxkamadda gobolka Hargeysa waxay dammaanad ku sii daysay Guuleed Axmed Jaamac, waxaanay amartay sii-daynta eedaysanaha, balse lama sii dayn.

Haddaba, Xarunta Deraasaadka Siyaasadda (Center for Policy Anlaysis – CPA), waxay cambaaraynaysaa, kana horjeeddaa xadhigga Guuleed. Waxaanu ku baaqaynaa in xorriyaddiisa loo soo celiyo guddoomiyaha HRC, Guuleed Axmed Jaamac,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Xaruntu kaga hadashay Xadhigga Guddoomiyaha HRC Guuleed Jaamac.

Waxa sidoo kale, war-saxafadeedka lagu sharraxay Ujeeddada loo aasaasay iyo shaqooyinka ay qabato Xarunta Daraasaadka Siyaasadda oo lagu yidhi, “CPA waa Xarun aan dawli ahayn, faa’iido-doonna ahayn. Hiigsiga xarunta CPA waa inuu ka caawiyo wadamada Geeska Afrika si ay ugu naaloodaan Nabadgelyo iyo Dawlad Wanaag. Xarunta xafiiska CPA waa Hargeysa, Somaliland.”

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment