Boqorka Boqortooyada Sucuudiga Boqor Salman Bin Cabdulcaziz, ayaa xilka ka qaaday ninka lahaa dhaxalka Boqortooyada, isla markaana ah Walaalkiis, Muqrin Bin Cabdulcasiis. Waxa uu xilkaasi u magacaabay Wiilka uu Adeerka u yahay ee Maxamad Bin Nayf Bin Cabdulcasiis.

Waxa uu sidoo kale Wiilkiisa Maxammad Bin Salman, u magacaabay Ku-xigeenka Ninka leh dhaxalka Boqortooyada. Wasiirka arrimaha dibedda waxaa loo magacaabay Caadil Al-Jubeyr, oo aan ka tirsanayn qoyska Boqortooyada, ka dib markii uu is casilay Sacuud Al-Faysal oo xilkaas hayey.Boqorka cusub ee dawladda Sacuudiga, ayaa is baddel ku sameynayay Maammulkii uu dhisay ninkii ka horreeyay ee Cabdalla Bin Cabdulcasiis, oo geeriyooday dabayaaqadii bishii January ee sannadkan, waana qaab ku cusub qaabka Boqortooyada Sucuudiga hannaankan Maamul iyo Is-dhaxal ee Boqortooyada Sucuudiga.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment