Garowe, 21 April, 2015 (Himilo)- Magaalada Garoowe ee caasimadda maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, waxa shalay ka dhacay qarax lagu soo rikibay baabuur ka mid ah kuwa qaramada Midoobay, kaas lagu bartilmaameedsaday shaqaale ka tirsan UN-ka oo ka hawl-gala caasimadda Maamulkas, waxaana qaraxaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan.
Qaraxan oo masuuliyaddiisa ay sheegatay Kooxda Al-Shabaab, waxa ku dhintay todoba qof isugu jira shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo ilaaladii la socotay, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6-qof oo labo kamid ahi yihiin shaqaalaha UN-ka, dareewalkii gaadhiga waday iyo saddex askari oo ciidamada SPU-da ah.
Magacyada dadka Weerarka ku dhintay
Qaraxan waxa ku dhintay Shan ka mid ah shaqaalaha Ajaanibka ah ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo u kala dhashay waddamada Kenya, Uganda iyo Afghanistan, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin: Brenda Kyeyune, Uganda, Woki Munyui, Kenya, Payenda Gul, Afghanistan, Stephen Adero, Kenya, Hal askari oo ka tirsanaa SPU,m Hal askari oo ka tirsanaa ciidamada PRS.
Sidoo kale, waxa weerarka ku dhaawacmay Afar Qof oo Ajaanib ah iyo saddex qof oo Soomaali ah, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin: Clement Adams oo udhashay Uganda, Marialle Davies, Sierra Leone, Jill Shermin dalka Maraykanka, Makonna Florance oo u dhashay dalka Kenya, Cabdirisaaq Maxamed oo ah nin Soomaali ah iyo Laba Askari oo ka tirsan ciidamada SPU-da ee Maamul-goboleedka Puntland.
Al Shabaab oo Sheegatay Masuuliyada Qaraxa
Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa ka dhacay shalay caasimada maamulka Puntland, sida lagu sheegay Qoraal ku baxay qaybta warbaahinta ee Al-shabaab, kaas oo lagu in weerarkaas ay iyagu fuliyeen islamarkaana lagu diley toban ka mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobey oo isugu jirey Soomaali iyo Ajaanib ah.
Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka hadlay
Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyey weerarka kooxda Al-Shabaab ku bartilmaameedsatay shaqaalaha Qaramada Midoobay, waxaanu maamul-goboleedka Puntland ugu baaqay inay xoojiyaan ammaanka si loo dhawro badbaadada dadka Ajaanibka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ballan qaaday baadhitaan deg deg ah ay ciidammada Amnigu ku sameyn doonaan qaraxa, wixii ka soo baxana loo gudbin doono Qaramada Midoobay,
Sidoo kale, Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Key, ayaa cambaareeyay qaraxa oo uu ku sheegay murugo la soo gudboonaatay Qaramada Midoobay. “Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay dadka Soomaaliyeed barbartaagnaato. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku nafwaayeen iyo kuwii kudhaawacmay ama wax ku noqdayba,” ayuu yidhi Nicklos Key ku yidhi war-saxaafadeed uu Qaraxa ka soo saaray.
Fal-celinta Maamul-goboleedka Puntland.
Maamul-goboleedka Puntland ayaa guddi baadhitaan ku samaysay u saaray Qaraxa iyo sababaha keenay dayacnaanta amni ee shaqaalaha Qaramada Midoobay. Guddiga oo ka kooban Wasiiro iyo Taliyaal ciidan ayaa kala ah Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Maxamuud Aloore, Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdulle, Wasiir caafimaadka Cabdullaahi Jaamac Cali, Taliyaha ciidamada Booliska Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf, Taliyaha Nabadsugida Cor. Cabdullaahi.
Kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta maamul-goboleedka Puntland iyo qaybaha kale ee dalkaasi Soomaaliya, ayaa weerarkani noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ay gudaha maamul-goboleedkaas ugu geystaan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo sidoo kale hawl-gal ay ka fuliyaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas, iyada oo inta badan kooxda Al-Shabaab weerrarro ka geysato magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Punland.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment