Thursday, April 30, 2015

Maareeyihii Telefishanka Qaranka oo la beddelay iyo magaca Masuul Cusub oo la magacaabay

Hargeysa (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wareegto uu caawa soo saaray waxa uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas,  waxaanu beddelkiisa Maareeyaha Guud ee Telefishanka Cabdi Cali Mahdi oo ah masuul ku cusub saaxadda siyaasadda.
Haseyeeshee, Maareeyihii hore Khadar Cali Gaas waxa uu madaxweynuhu u magacaabay inuu noqdo La-taliyihiisa Gaarka ah ee Xidhiidhka Warbaahinta, sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada.

maareeyahaWarsaxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3252/042015 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka, isaga oo maareeyihii horena u bedelay, una magacaabay Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Soo jeedimihii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi Cali Mahdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Beddelka Maareeyihii hore iyo magacaabistiisa.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Khadar Xasan Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.

No comments:

Post a Comment