
Waxa uu sheegay in markasta ay dhici karaan dhibaatooyin daran. Hase-yeeshee, laga hor-tagi karo haddi la ogyahay dhibtaas. Inta badan kontankii kun ee qof ee Xeradaas lagu hayay waxay ahaayeen dagaalyahanno ka soo horjeeday mabaaddiida Nazi-ga. Wakhtigii la soo xoraynayeyna waxaa dhintay kudhawaad kala badh Maxaabiistii halkaas lagu hayey.
Gelinkii hore ee Axaddii toddobaadkan intii ay magaalada Paris ka socdeen xuska loo samaynayo dadkii laga mastaafuriyey waddanka Faransiiska. Raysal-wasaare Manuel Valls waxa uu sheegay in ay tahay in uu is beddelo wejiga bahalnimada ah, waxaanu ku baaqay in la sii wado halganka loogu jiro arrintaasi.
Faransiiska waxaa ku soo badanaya weerarrada loo geysto Muslimiinta iyo Yuhuudda ku dhaqan waddankaas, tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee dhacay bishii kobaad ee sannadkan, arrintaas oo dhalisay dood ku saabsan sida ay usii kordhayso dareenka ay kala qabaan Bulshooyinka halkaasi ku nool.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment