Monday, April 20, 2015

Baal Marka Sharci Ee Xil Ka Qaadista Guddoomiyaha Maxkamada Sare!

Qormadan kooban ugumaan tallo galin inaan ku difaaco guddoomiyaha xilka laga qaaday sidoo kale uguma dan lihi inaan ku cambaareeyo Madaxweynaha iyo cid kale toona, waxa kale oo aan ka afeefanayaa inaan ahayn sharci yaqaan faaqidaya ama lafa guray shuruucda uu u maray madaxweynuhu xil ka qaadista guddoomiyaha, balse waa mid aan ugu tallo galay inaan ku dareensiiyo madaxweynaha iyo golaha baarlamaankaba inay bulshadu garanayso sida waddanku u dhisan yahay iyo sida awooda hay’adaha dastuuriga ahi u dhisan yihiin.

waxay ahayd uun xalay markuu uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) uu soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday guddoomiyihii maxkamada sare isagoo adeegsanaya awooda sharci ee ku xusan dastuurka iyadoo marku damco inuu xilka ka qaado ay tahay inuu madaxweynuhu u diro golaha baarlamaanka si ay u eegaan isla markaana ay ugu raacaan xil ka qaadistaas amase ay u diidan erigaas.
Haddaba wareegtadani waxay xambaarsanayd in si la mida kuwa adeegayaaasha kale ee dawliga ah loo eryo loo maray guddoomiyihii hay’ada saddexaad ee qaranka waxaanay gabi ahaanba ka saartay qaabkii loo marayay madax banaanida dastuurku siiyay garsoorka iyo qaabkii ay ahayd in lagu eryo laguna magacaabo, markaad millicsato 2011 markii uu sidan oo kale madaxweynuhu xilka uga qaaday guddoomiyihii hore Mudane Oomane oo uu madaxweynuhu u maray sifo sharci ah taas oo uu ku socodsiiyay golaha baarlamaanka waa guurtida iyo wakiilada'e halka uu wareegtadana ku sheegay inuu soo magacaabi doono cidii buuxin lahayd iyadoo aanu xil ka qaadistan u dirin awoodihii dastuuriga ahaa ee ay waajibka sharci ahayd in la mariyo .
haddaba haddii ay dhacdadaasi sidaa u dhaqan gasho waxay noqonaysaa dabar furmay waxaana meesha ka baxay saddexdii kaabadood ee dawladnimada Somalilaand taas dhinaca kale noqonaysa arrin gef iyo gabood-fal ku ah sharciga oo uu madaxweynuhu ku dhaqaaqay.
sidoo kale waxa la gudboon baarlamaanku inay kula xisaabtamaan madaxweynaha qaranka leexsanka uu ka baydhay sharcigii si loo illaaliyo shuruucda, haddii kale xaalku wuxuu noqonayaa geela duqdiisu durduriso maxaa aarankiisana loo malayn!

Qalinkii: Liiban Ismaaciil Cabdilaahi
Email: Liibaanhanad79@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment