Saturday, April 25, 2015

Shirweyne Nabad Loogu Raadinayo Colaadda Dhextaalla Beelaha Qoruligud Iyo Buuhood Oo Maanta Furmay

Aadan-waal:April,25,2015(Himilo)-Shir nabadeed xal loogu raadinayo Colaadda dhex taalla Beelaha Qorulugud iyo Buuhoodle, ayaa Maanta ka furmay Balliga Aadan Waal oo u dhexeeya Deegaanada Maskaxbuqle iyo Coodanel ee Gobolka Buuhoodle.

conecWufuud ka kala socota odayaasha, Culimada, Cuqaasha iyo waxgaradka labada dhinac ayaa saaka ku kulansan deegaankaasi waxayna ka wada hadlayaan sidii loo wajihi lahaa nabadayn la dhex dhigo beelaha ood wadaagta ah ee mudooyinkii danbe shaqaaqooyinku ku dhexmarayeen deegaanadda gobobolka Buuhoodle.

Waftiga dhinaca Buuhoodle saaka ka tegey waxaa hogaaminaya Garaad Cabdirisaaq Garaad Sooofe, Suldaan Siciid Cismaan iyo Garaad Saleebaan Buraale, halka inta badan Cuqaasha Buuhoodle ay goob joog ka yihiin.

Dhinaca Beesha Habar Jeclo ayay ka yimaadeen, Isimo, Cuqaal, iyo Waxgarad ay Hogaaminayaan Suldaanka Guud ee Beelaha Habar jeclo Suldaan Cabdullahi Suldaan Cali Iyo Suldaan Maxamoud Guuled Mire, Suldaan Maxamoud Xaaji Xuseen waxaana xiligan toos u bilowday wada hadalada labada dhinaca.

Wariyayaasha kusugan goobta ayaa sheegay in wada hadaladani muddo saacado ah qaadan doonaan kadibna war Saxaafadeed si wada jir ah loosoo saari doono.

Waa kulankii u horeeyey oo labada dhinac dhexmara tan iyo markii dagaalado ka dhaceen Deegaanada, Maskax-Buqle iyo Kalshaale dabayaqaadii bishii March ee ina dhaaftay waxaana laga rajo qabaa in nabadi ka dhalato

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment