Saturday, April 25, 2015

Tirada Tahriibayaal Soomaaliyi ku jirto oo Tareen ku jiidhay dalka Macedonia iyo Xubno kale oo halkaas lagu xidh-xidhay

Veles, 25 April, 2015-(Himilo)- Ugu yaraan 14 qof oo Tahriibayaal ah, isla markaana isugu jiray Soomaaliya iyo Afgaanitaniyiin ayaa ku dhintay dalka Jamhuuriyadda Macedonia oo ku yaalla Qaaradda Yurub, ka dib markii uu Tareen Jiidhay, halka qaar kale ay dhaawacmeen, siddeed kalena Booliska dalkaasi Xabsiga u taxaabay.
Tahriibayaashan ayaa ka mid noqonaya tiradii ugu badnayd ee geeriyooda iyagoo nolol u raadsanaya dalalka Yurub, ka dib markii 750-qof oo Tahriibayaal Afrikaan iyo Carab isugu jiraa ay ku naf-waayeen Axaddii toddobaadkii hore Doonyo ay Xeebaha Liibiya ka raaceen kula degeen Badda Mediterranean-ka ee u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya.
Wadihii Tareenka ayaa sheegay inuu arkay dadkan oo fadhiya jidka uu Tareenku ku socday, laakiin-se uu awoodi waayay inuu si dhaqso ah ku joojiyo Tareenka, isla markaana uu dulmaray 14-kaas qof ee Tahriibayaasha ahaa oo isugu jiray Soomaali iyo Afganistaaniyiin, kuwaasoo dhammaantood halkaas ku nafwaayey.
Sidoo kale, Shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee dalka Macedonia oo goobtaas tagay, ayaa u sheegay Warbaahinta inay goobta ku arkeen arrin naxdin leh, iyagoo xusay in Hilbaha dadka uu Tareenku jiidhay ay firirsanaayeen 150 Mitir oo waddada Tareenka ah.
tahriibayaal soomaali ah oo tareen jiidhaytahriibyaaal tareen jiidhay“Darawalka Tareenku wuxuu isku dayay inuu u digo dadka hareeraha jidka fadhiyay, isagoo u yeedhiyay dhawaaq weyn, balse 14-qof oo Soomaali iyo Afgaanistaniyiin isugu jiray ayaa ku dhintay Shilka, tiro kalena si dirqi ah ayay uga badbaadeen.” Sidaa waxa lagu yidhi War-Saxaafadeed ay Saraakiisha dalka Macedonia soo saareen Jimcihii shalay.
Waxa kale oo War-Saxaafadeedka lagu sheegay in shilkani uu ka dhacay dhul Buuraley ah oo ku yaalla magaalada Veles, inkastoo dhibbanaayshan ay ku dhinteen shilka. Afhayeenka Booliiska magaalada Veles ee dalka Macedonia oo lagu magacaabo Anita Stojkovska, ayaa laga soo xigtay inay xidheen siddeed ka mid ah Tahriibayaashii shilka ka badbaaday, tiro kalena ay baxsadeen, iyadoo intaa raacisay in Meydadkii 14-ka Ruux ee geeriyooday la dhigay meel lagu Keydiyo Meydadka oo ku taalla magaalada Veles.
“Muhaajiriinta magan-galyo doonka ah sidan oo kale ayay ugu dhimanayeen shilal ka dhaca Waddooyinka ay Tareennadu ku cararaan lixdii bilood ee lasoo dhaafay.” ayay hadalkeeda ku dartay ku dartay Afhayeenka Booliska magaalada Veles Anita Stojkovska.
Tahriibayaal badan oo Afrikaan iyo Aasiyaan isugu jira ayaa sii mara dalka Macedonia; iyagoo uga sii gudba dalka Serbia oo ay uga Tallaabaan Waqooyiga Giriigga; iyagoo rejeynaya inay uga gudbaan dalal ay ka mid yihiin; Romania, Hungary iyo Croatia oo ka tirsan waddamada Qaaradda Yurub ee ay inta badan Tahriibayaasha Afrikaanka iyo Aasiyaanka ahi beegsadaan.
Waddanka Macedonia, ayaa ka mid ah dalalka ay sii maraan dadka magan-galiyo doonka ah ee u socda dalalka Midawga Yurub. Safarkan dhinaca Barriga ah, ayaa la sheegay inuu ka halis yaryahay Safarrada dhinaca Badda ee ay ku dhintaan Boqolaalka qof ee Tahriibayaasha ahi.
Hoggaamiyeyaasha waddamada Midawga Yurub, ayaa Khamiistii shalay ku shiray magaalada Brussels ee waddanka Bilguem, ayaa ka wadahadlay waxa laga yeelayo Muhaajiriinta tirada badan ee ku dhimanaya Badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya, waxaanay isku raaceen qodobbo uu ka mid ahaa in la badbaadiyo nolosha dadka sannad kasta iyo bil kasta ku dhimanaya Badda iyaga oo raadinaya nolol ka roon ta ay waddamadooda Afrika iyo Aasiya ku haystaan, iyaga oo isku raaacay gargaar lagu badbaadinayo dadka Badda maraya loo fudiyo, dhaqaale badanna lagu taageero Ciidammada Badda ee Talyaaniga iyo hawlgalka Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee ka hawlgeli doona Badda Midetarrenian-ka.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment