Tuesday, April 21, 2015

Suldaan Maxamed Muuse Cune oo Argoosi Siyaasadeed ku Sifeeyey Xadhiggiisa iyo Doodda Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka

Burco, 21 April, 2015 (Himilo)- Ciidanka Ammaanka Gobalka Togdheer, gaar ahaan Ciidanka Saldhiga Faarax Omar ee magalada Burco, ayaa xabsiga u taxaabay Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobalka Togdheer iyo Guddoomiyihii hore Komishanka Doorashooyinka Gobolka Togdheer Aqoonyahan Khadar Kaariye.

Lama oga sababta ka dambaysa Xadhigga Suldaanka oo la sheegay inuu amray Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Burco, haseyeeshee Suldaan Maxamed Muuse oo khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo isaga oo ku jira Saldhigga Booliska ee Faarax Oomaar xalay, ayaa sababta xadhiiggiisa ku sheegay inuu la xidhiidho aargoosi siyaasadeed..

“Waxaan ku xidhanahay Saldhig yar oo Faarax Oomaar la yidhaahdo. Ninka Saldhigga haysta oo Khadar la yidhaahdo, ayaa meesha ikeenay, wax layga qorayna ma jiraan ee waa laygu xereeyey. Markii aan ku idhi maxaa jira, wuxuu igu yidhi Aniga waa laysoo amray oo maxkamadaan warqad ka sidannaa, markii aan ku idhi i tus waraaqda iyo cidda amarka ku soo siisayna, wuu diiday,” sidaaas ayuu yidhi Suldaan Maxamed Muuse, isaga oo intaas ku daray, “Wax alliyaalo wax xadhiggayga laygu sheegayna ma jiraan haba-yaraatee.”

Suldaanku waxa uu sheegay in Ciidamadu waaran la’aan ku qabteen duhurnimadii shalay xilli uu gurigiisa ku sii jeedday, isla markaana aanay u sheegin sababta xadhiiggiisa iyo cidda bixisay amarka xadhiggiisa. “Annaga oo xilli qadadii soo socona, ayuun baanu aragnay ciidamo nagu wareegsan, dabadeedna gaadhiga fuul baa lana yidhi, markii aan weydiiyey sababtana, wuxuu nagu yidhi waxay nagu yidhaahdeen warqad baa lana soo siiyey xadhiggaaga ah, anigu waan fuulay gaadhigii,” ayuu yidhi Suldaanku.

Mar aanu weydiinnay sababaha uu xadhiggiisa la xidhiidhinayo inay jiraan arrimo siyaasadeed oo ka baxsan hawlaha dhaqanka ee loo igmaday inay sabab u tahay xadhiggiisa, waxa uu ku jawaabay, “Aniga warkaygu waa caddaan, mana gabbado, mucaarad baan ku ahay xukuumadda talada haysa, hadday tahay deked la iibinayo iyo hadday tahay siyaasaddaba, wixii dalka iyo qaranimada ku xunba anigu waan ka hadlaa, meel walbana waan ka sheegaa, kalama gabbanayo,” ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaanka oo aanu weydiinnay haddii ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo maamulka gobolka iyo madaxda Dhaqanka gobolku ka sameeyeen sidii loo sii dayn lahaa, waxa uu ku jawaabay, “Mar-dhawayd waxa uu igu yidhi iska bax, aniguna waan diiday oo waxaan ku idhi ilaa lay sheego ciddii isoo xidhay iyo waxa laygu soo xidhay waan sugayaa, markii dambena dad buu ii soo diray lagu yidhi damiinta, taasna waan diiday,” sidaas ayuu yidhi Suldaanku.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo aanu isku daynay inaanu arrinta xadhigga Suldaanka iyo sababta ka dambaysa wax ka weydiinno, ayaan noo suurto-galin.

Haseyeeshee Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer Cabdi Muuse oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa sheegay inaanu warba ka haynin isla markaana aanu waxba ka ogeyn Suldaan la xidhay.

“Anigu ma ogi Suldaan la xidhay, warkaasina ima soo gaadhin, lagumana xidhin halkan (Burco) ee malaha waa meel kale. waayo Annagu Suldaan iskama xidhno, haddii aanay wax khilaafyo ahi jirin, hadday jiraanna waanu sheegi lahayn,” Sidaas ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment