
Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada xuska maalinta Qaran ee 18-ka May Marwo Samsam Cabdi Aadan ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, ayaa shacabka ku dardaartay in ay ka feejignaadaan Cadawga Somaliland dagaalka kula jiraa inuu maalmaha farxaddooda ka faa’iidaysto, waxaanay tidhi; “Halkan waxaannu doonaynaa inaannu ka sheegno in Maalintan Qaran si mug weyn loogu talo-galay in looga qaybqaato dibedda iyo gudahaba, Qofkii Somaliland ku abtirsadaaba meesha uu doono ha joogee inuu si weyn uga qaybqaato Maalintaas miisaanka ay ku leedahay.”
“Gobollada dalka oo dhan waa laga qaban doonaa. Sannad kasta Halku-dheg ayaa la qaataa, sannadkan waxaannu halku-dheg uga dhignay markaanu falaqaynay Kooxdayadani; ‘Somaliland Dalkayga Doodi Kama Furna’. Ummadda reer Somaliland waxa loo sheegayaa in ay Dabbaal-degaan haddana ilaaliyaan nabadgelyada ay awal horeba ilaashan jireen haddana u hawl-galeen.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Caddare oo isaguna Xubin ka ah Guddigan, ayaa sheegay in Maalinta 18-ka May ee shacabku muujinayaan Cududdooda iyo in ay yihiin dal Madax-bannaan loona baahan yahay inay ilaaliyaan Nabadgelyada, Cadawga ku soo dhex dhuumanayana ka feejignaadaan iyaga oo ku adag nabadda iyo dawlad-wanaagga ay samaysteen.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada, Guddigana xubin ka ah, ayaa sheegay in Qarannimada Somaliland ay tahay lama-taabtaan aan gorgortan la gelin karin. Waxaanu Shacabka ugu baaqay in ay si wayn Cududdooda u muujiyaan inaanay doonayn dawladda Xamar sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda KalLuumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa si wada-jir ah u sheegay in qaban-qaabada iyo qabashada Xuska 18-ka May ee sannadkan 2015-ka aad loo waynaynayo, maaddaama oo ay Somaliland Beesha Caalamka ka doonayso Aqoonsi buuxa.
Wasiirka Deegaanka Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa Shacabka kula dardaarantay inay Nadaafadda ku dedaalaan, isla markaana deegaankooda ka muujiyaan qiimaha Munaasibadda oo ay qashinka si hawlkarnimo leh isaga hagaajiyaan.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in Sannad-guuradani kuwii hore kaga duwan tahay Horumar uu sheegay in ay gaadhay Xukuumadda ka soo jeedda Xisbiga KULMIYE ee uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo. “Sannad-guuradani kuwii hore waxa ay kaga duwan tahay Horumar dhinaca wanaagsan ay Xukuumaddani ka gaadhay, waxa ay Somaliland joogtaa xilli aanay baahi u qabin Carqalado xagga sare kaga yimaadda ama dibedda iyo gudahaba aanay waxba yeeli karin. Siddeed iyo Tobanka May Sannad-guurada 24-aad ee maanta sida halku-dhegga looga dhigay waa; ‘Somaliland dalkayga doodi kama furna’.”
Wasiir Cukuse, waxa uu sheegay in sannadkan la isla gartay in Hoggaamiyayaasha Maalintaasi ay noqdaan Saxaafadda Madaxa-bannaan, waxaana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi; “Waxa maanta laydinka doonayaa ee cududda ugu weyni tahay sannad walba ileen qolo, ayaa qaadaysa oo Dabka Shidaysa, sannadkan Saxaafadda Somaliland, ayaa Shidaysa, Kaalinta aynu sannadkan ku jirnaa dhex-dhexaad maaha ee waa 18-ka May oo qudha.”
Munaasibadda Dabbaal-degga Sannad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay maalintii Somaliland Qaranimadeeda dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa shacab iyo dawladba loo diyaar-garoobayaa sidii loo xusi lahaa, waxaana gudaha iyo dibeddaba dalka ka socda qabanqaabada Xafladihii Maalintaas lagu muujin lahaa Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment