Thursday, April 30, 2015

Saylici oo bayaamiyey in Suldaan Wabar Faro Madhan ka taagan yahay Taageerada Reer Awdalka Qurbo-joogga ah

Hargeysa, 30 April, 2015-(Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay aragtida Qurbe-joogta reer Awdal ay ka qabaan Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo ka fallaagoobay Qaranka, isla markaana falalka nabadgelyo-darro ka wada Xudduudda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya.
Copy of SAYLICIMd. Saylici oo shalay mar uu ka soo laabtay Socdaal uu tan iyo bishii hore ugu maqnaa waddamada Maraykanka iyo Canada, Warbaahinta ugu warramay Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahiyey Aragtida dadka reer Awdal ee qurbaha ku nooli ka qabaan Suldaan Wabar, waxaanu sheegay inaanay jirin taageero la xusi karo oo dadkaasi u hayaan Suldaankaas buuraha galay.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in dadka Suldaaanka ra’yigiisa qabaa yihiin wax tiro yar oo aan in la xuso u baahnayn, waxaanuu intaas raaciyey inuu in badan ku qanciyey sida aan cidina uga xigin Somaliland. “Dad aad u faro badan oo muhiimad weyn la siiyo oo qiime badan ku fadhiya ma aha, waana in yar oo laga badan yahay (Minority), intii aan isgaadhnayna way ku qanceen markii aan is aragnay, waannu u sheegnay inaan Qarannimada iyo Somaliland aanay cidi ka lahayn, shalayna Madaxweyne ka ahaayeen dalka, maantana ay joogaan, dorraadna ay joogeen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo sii watay hadalkiisa, ayaa hoosta ka xarriiqay in Shacabka Reer Awdal intooda badani ay Taageerayaal buuxa u yihiin Somaliland, isla markaana farqiga iyo Kala Duwanaanshuhu ay yihiin wax nolosha caadiga ah ka mid ah, waxaanu yidhi; “Runtii dadka waxa laga soo qaataa intooda badan, Bani’aadamkuna Farqi wuu leeyahay, laakiin Boqolkiiba Sagaashan Reer Awdal-ka dibedda Joogaa waa Dad Reer Somaliland ah.”
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu Kulamo badan lasoo qaatay Jaaliyadaha reer Somaliland ee magaalooyinka waddamada Maraykanka iyo Canada ku dhaqan, isagoo si gaar ah Warbixinno uga dhegaystay Jaaliyadaha kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku dhaqan dalalka Maraykanka iyo Canada, waxaana uu xusay inuu ka haqabtiray in Reer Awdal ay yihiin Aasaasayaashii Somaliland, isla markaana aan cidina ka sheegan karin.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment