Hargeysa, 30 April, 201`5-(Himilo)- Shirweyne lagaga hadlayey arrimaha horumarinta dhalinyarada, isla markaana ay ka qaybgaleen dhalinyaro badan iyo daneeyayaasha arrimaha dhalinyarada Somaliland oo afartii maalmood ee u dambeeyey ka socday magaalada Hargeysa, ayaa shalay la soo gebo-gabeeyey, isla markaana waxa laga soo saaray War-Murtiyeed dhinacyo badan lagaga eegay sidii loo horumarin lahaa da’yarta dalka.
[gallery columns="4" ids="18798,18797,18796,18795"]
Waxaa gunaanadkii shirkaas War-Murtiyeedka laga soo saaray, lagu sheegay inay dhalinyaradu u taagan yihiin oo ay caalamka u caddeeyeen sida ay uga go’an tahay qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland. Waxa War-Murtiyeedkan lagu sheegay in loo baahan yahay inay dawladdu samayso tayaynta dhinaca waxbarashada, ciyaaraha, Shaqo-abuurka iyo Barnaamijyo wax lagaga qabanaya tahriibka sii badanaya ee dhalinyaradu ku dhaqaaqdo, iyadoo qodobbada lagu soo jeediyey waxyaabaha muhiimka ah ee lagu yarayn karo tahriibka sibiq-dhaqaaqa ah ee dhalinyarada reer Somaliland. Qoraalka War-Murtiyeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-
“WAR-MURTIYEEDKA: SHIRKA HORUMARINTA ARRIMAHA DHALLINYARADDA:-
Shir-weynaha Dhallinyarada Iyo Daneeyayaasha Arrimaha Dhallinyarada ee loo fadhiyey afartii maalmood ee ugu dambeeyey waxa ay dhallinyaradii ka qayb-galaysay iskula qaateen qoddobadan:
• QADDIYADDA MADAX-BANNAANIDA IYO JIRITAANKA JSL:
1. Dhallinyarada JSL waxa ay bulshada adduunka u cadaynayaan in Jiritaanka iyo Madax-bannaanida JSL ay tahay muqaddas, lama-taabtaan ah, gor-gortana aan gali karin.
2. Dhallinyarada JSL waxa ay u caddaynayaan bulshada caalamka in Jamhuuriyadda Somaliland tahay xaqiiqo ka jirta Geeska Afrika iyo Qaaradda Afrika oo aan la iska indha tiri Karin.Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xal u yahay nabad kuwada noolaanshaha bulshooyinka iyo wadamada Geeska Africa iyo Qaarada Africa.
Sidoo kale, waxa ay ku taal marin biyood muhiimad gaar ah u leh isku socodka adduunyada. Sidaas darteed, Shir-weynaha Dhallinyarada JSL waxa uu u soo jeedinayaa bulshada caalamka in ay kataliyaan aayaaha iyo nabad-galyada Geeska Afrika iyo Qaarada Afrika iyo adduunkaba, Qadiyada JSL ay tixgaliyaan.
• DHINACA TAHRIIBKA:
1. In dawladda iyo daneeyayaasha arrimaha dhallinyarada ay door weyn ka qaataan sidii wax looga qaban lahaa aafada tahriibta loona cidhib tiri lahaa magafayaasha dhallinyarada tahriibiya. Dawladdu waa in ay dhiirrigelisaa dhallinyarada dalka gudihiisa joogta oo aanay buunbuunin xafladana ku maamuusin qurbe-joogta .
2. Sidoo kale shirku waxa uu isla gartey in la sameeyo Sharci ka dhan ah Tahriibka iyo ka Ganacsiga bani-aadamka si xididada loogu siibo silsiladaha abaabulan ee ku hawlan tahriibinta dhallinyaradda.
• TAYEYNTA WAXBARASHADA IYO DAR-DARGALINTA WADDANIYADA:
1. Shir-weynuhu waxa uu ammaanayaa in JSL aqbashay Qaraarkii Caalamiga ahaa ee khuseeya waxbarashada aasaasiga ah in bilaash laga dhigo.
2. Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in la isku miisaamo waxbarashada iyo xirfadaha ay bixiyaan Jaamacadaha dalka ku yaal iyo xirfadaha uu u baahan yahay suuqa shaqada ee JSL, maadaama ay jirto hadda baahi badan oo suuqa shaqadu u qabo xirfado gaar ah.
3. Shir-weynuhu waxa uu si xoog leh u soo jeedinayaa in la abuuro, dibna loo dhiso Dugsiyadii Farsamada Gacanta ee Dalka oo haataan aad u yar.Shir-weynuhu waxa uu aad u dhiiri-galinayaa xirfadaha gacanta oo uu u arko in ay abuuri karaan shaqooyin badan.
4. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in Manhajka JSL dib loo eego, lana xoojiyo si uu u soo saari karo qof muwaadin ah oo aqoon fiican u leh dalkiisa hooyo, sidoo kale leh karti aqooneed oo hufan oo uu ku tartan gali karo gudaha dalka iyo dibadiisaba.
5. Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in manhajka JSL lagu daro xiisado ka hadla waddaniyada iyo waddanka JSL miisaankiisa iyo qaninimadiisa si dhallinyarada JSL u barato dalkooda hooyo.
6. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in technology-da lagu barto dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dalkeena.
7. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in macalimiinta la siiyo tababaro lagu kobcinayo xirfadooda macalinimo.
• SHAQO ABUURKA DHALLINYARADDA:
1. Shir-weynuhu waxa hoosta ka xariiqay in Dhallinyarada JSL leeyihiin, una dhasheen karti iyo hal-abuurnimo ganacsi oo mudan in la taageero, lagana faa’iideeyo. Sidaas darteed, shirku waxa uu soo jeediinayaa in la abuuro fursado dhaqaale oo dhiiri-galin kara in ay dhallinyarada JSL iskood u abuuran karaan shaqo.
2. Shir-weynaha JSL waxa uu dhiirri-galinayaa in la abuuro hay’ado (Institutions) iyo Sanduuq Qaran oo maal-galin siin kara hal-abuurka iyo fikiradaha ganacsi ee dhallinyarada JSl. Shir-weynuhu waxa uu soo jeediyey in la hawl-galiyo Sanduuqii Horumarinta Dhallinyarada JSL, loona maamulo si ku dhisan caddaalad iyo sinnaan.
3. Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in dhallinyarada JSL loo fududeeyo shatiyada iyo liisamada ganacsi, sidoo kale la dhimo cashuurtooda marka ay dhallinyaro timaado.
4. Shirweynuhu waxa uu ugu baaqayaa xukuumada iyo Goleyaasha Xeer-dajinta JSL inay sameeyaan qaab-qanuuni ah (legal and policy framework) oo keeni kara maal-gashi gudeed iyo mid dibadeed oo hor leh kaasoo horseedi kara horumar dhaqaale.
5. Shirweynuhu waxaa ugu baaqayaa dhammaan daneeyeyaasha koboca dhaqaale inay gacmaha isqabsadaan, kana wada hawlgalaan sidii dhaqaalaha waddankeedu u kobci lahaa loona abuuri lahaa shaqooyin hor leh. Shirweynuhu waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay sii libin-laabto dedaalada lagu dhiirigalinayo maalgashiga iyo kobcinta wax-soo-saarka beeraha iyo hormarinta warshadaynta (Agriculture and Industrialization).
6. Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in la dhawro xuquuqda fikirka ganacsi ee qofka (Patent), si loo dhiirigaliyo hal-abuurnimada ganacsi ee dhallinyarada JSL.
7. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in la abuuro mashruuca waayo-aragnimo iyo khibrad-siinta dhallinyarada ee Qaran (National Internship Program).
• CIYAARAHA:
1. Dhallinyaradu waa in ay heshaa agab iyo garoomo ku habboon ciyaaraha kala duwan si ay uga mashquulaan balwadaha, rabshadaha iyo tahriibta. Golayaashu deegaanka waa in lagula xisaabtamaa dhismaha garoomo badanoo laga hirgeliyo xaafadaha
• Maandooriyayaasha iyo Balwadaha Dhallinyarada:
2. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in si xoogan loola tacaalo la dagaalanka maandooriyayaasha iyo balwadaha ragaadin kara awooda iyo maskaxda dhallinyarada.
3. Shir-weynuhu waxa uu u aqoonsaday Qaadka iyo Sigaarku in ay yihiin maandooriyayaal iyo balwado liita oo aafeeyey in badan oo dhallinyarada JSL ah, una baahan xal qaran oo suga mustaqbalka maan dhallinyaro oo ka fayow balwadahan xun-xun.
4. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in la yagleelo qaab-qaanuun oo lagula tacaalo isticmaalka xad dhaafka ah ee qaadka.
5. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in cashuurta laga qaado Qaadka iyo Sigaarka dalka soo gala kor loo qaado, saami go’ana loo saaro xalinta dhibaatooyinka qaadka iyo sigaarku u gaysto dhallinyarada JSL.
6. Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in la abuuro xarumo lagu dhaqan celiyo dhallinyarada ka waantooba aafada balwadaha.
• La-dagaalanka Qabyaalada,IlaalintaMidnimada Qaranka iyo Dhiiri-galinta Isku Xidhnaanta Dhallinyarada JSL:
– Shir-weynaha Dhallinyarada JSL waxa uu ku tilmaamayaa qabyaaladu in ay tahay wax liita oo nabarku ah xadaarada, ilbaxnimada iyo fac-weynaanta ummada JSL, mudana in dagaal rasmi ah lala galo. Shir-weynuhu waxa ugu baaqayaa dhallinyarada JSL iyo dhammaan dadweynaha JSL in ay ka fogaadaan wax kasta oo dalka iyod dadkiisa kala qoqobaya oo ay ugu horayso qabyaaladu.
– Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa isku xidhnaanta, midnimada, is dhex-galka iyo is-taageersiga dhallinyarada JSL.
– Shirweynuhu waxaa uu ku baaqayaa in si wadajir ah loo wajaho loogana tashado samaynta salaadiin iyo cuqaal cusub wakhtiyada doorashooyinka lagu jiro, taasoo keenta kala tafaraaruq hor leh iyo midnimo darro bulsho. Shirweynuhu waxa uu ku baaqayaa in laga arrinsado sidii loo samayn lahaa Xeerkii Dhaqanka JSL kaasoo si weyn u habayn lahaa doorka masuuliyiinta dhaqanka.
• Ka qayb-galka Dhallinyarada ee Siyaasada iyo Go’aanada dalka:
– Shir-weynuhu waxa uu ammaanayaa ka qayb-galka dhallinyarada ee Siyaasada dalka, waxa aannu hambalyaynayaa xubnaha badan ee ka tirsan goleyaasha qaranka ee kala gadisan sida golaha xukuumada, Waaxda Garsoorka iyo Caddaalada iyo Goleyaasha Deegaanka iyadoo uu Shirweynuhu dhammaan dhallinyaradaas xasuusinaayo in ay u yaalaan waajibaad iyo hawlo hor leh isla markaana ay horseed u yihiin, da’yarta kale ee badan ee ku taamaysa inay tallada iyo hoggaanka dalkooda ka qaybgalaan. Sidaas daraadeed, Shirweynuhu waxa uu carabka ku adkaynayaa in mas’uul kasta oo dhallinyaro ahi xilka uu doono ama doonto ha hayee inuu habeen iyo maalinba u dedaalo una halgamo sidii uu ugu sifoobi lahaa hufnaan shaqo, dedaal iyo karti iyo doonis iyo daacadnimo xooggan isla markaana uu kaashado Illaahay (SWT), kuna talo-galo inuu taariikh wanaagsan ka tago.
• Dhallinyarada Naafada ah:
– Shir-weynaha Dhallinyarada JSL waxa uu si xoogan u dhiiri-galinayaa in taageero gaar ah la siiyo dhallinyarada JSL ee naafada ah ama laxaadkoodu dhammayn marka ay timaado waxbarashada, shaqo taga, ka qayb-galka siyaasada iyo go’aanada dalka nooc kasta oo ay noqoto.
• Dhallinyarada Iyo Rabshadaha:
Waalidiinta, Ciidamada amniga iyo garsoorka qaranku waa in ay gacan bir ah ku qabtaan dhallinyarada rabshad-wadayaasha ah isla markaana loo sameeyo goobo ku habboon dhaqan celintooda iyada oo dib loogu noqonayo shuruuc caddaalad ku dhisan oo wax lagaga qabto arrinkan
• TACADIYADA HABLAHA LOO GAYSTO:
Waa in la joojiyaa dhammaan tacadiyada saamaynta xun ku yeesha hablaha jidh ahaan iyo maskax ahaanba kuwaasi oo lagu xakamaynayo shuruuc adag, dhammaan daneeyayaasha arrimaha dhallinyaraduna iska kaashadaan sidii lo yarayn lahaa tacadiyadaasi
• SAMAYNTA GUDDI KA SHAQAYSA ARRIMAHA DHALLINYARADA OO HEER QARAN AH:
1. Waxaanu ugu baaqaynaa daneeyayaasha arrimaha dhallinyaradu in ay sameeyaan guddi heer qaran ah oo ka shaqaysa horumarinta arrimaha dhallinyarada oo fiiro gaar ah u yeelan doona fulinta qorshaha dhalinyarada ee shirkan lagu ansixiyey, guddidan oo lagu magaabo Youth Steering Committee taasoo ay hoggaamin doonto Wasaaradda Dhallinayaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
• Mustaqbalka Somaliland iyo Rajo-gelinta Dhallinyarada:
– Shirweynuhu waxa uu dhammaan da’yarta dalka ugu bushaaraynayaa in dalkoodu yahay mid dihin oo mustaqbalkiisuna iftiimayo, iyadoo uu shirweynuhu da’yarta xasuusinaayo guud ahaan nicmooyinka dalkooda Illaahay (SWT) ku manaystay. Waxaa sidoo kale uu Shirweynuhu kula dardaarmayaa dhammaan da’yarta Jamhuuriyadda Somaliland inay u istaagaan, u dhididaan una halgamaan sidii waddankoodu u noqon lahaa mid ugu dambeyn ku guulaysta inuu ka faa’iidaysto kheyraadkiisa tirada iyo tayada badan isla markaana hela dawladnimo taam ah oo leh aqoonsi caalami ah iyo sidoo kale caddaalad, cudud iyo cilmi uu ku hoggaamiyo asaagiisa dunnida kula uuman.
Allaa mahad leh.Jamhuuriyadda Somaliland ha waarto, Hana gaadho badhaadhe iyo barwaaqo is-gaadhsiisan.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment