Sunday, April 26, 2015

Somaliland iyo Somalia oo Mowqif Isku mid ka taagan Qaxootiga Yemen iyo halista ammaan ee ku lammaan

Muqdisho/Hargeysa, 26 April, 2015 (Himilo)- Xukuumadaha Somaliland iyo Somalia, ayaa mowqif ay ka midaysan yihiin iska taagay halis dhinaca ammaanka ah oo Qaxootiga reer Yemen ee ka soo cararaya qalalaasaha dalkoodu ay ku yeesheen labada waddan, iyagoo labada dowladoodba sheegay inay soo dhawaynayaan shacabka Yemen.
Dowladda Soomaaliya, ayaa cabsi xooggan ka qabta halis ammaan-darro oo ka soo wejahdo kooxaha xag-jirka ah ee ka hawl-gala gudaha dalka Yemen inay ugu soo dhex-dhuuntaan qaxoontiga reer Yemen ee u qaxa dalkaas, taasina ay meesha ka saarto dedaallada ay ugu jiraan la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab ee mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya iyo xoogagga AMISOM ee nabad-ilaalinta ku jooga dalkaas, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar.
hadliye“Waxa Yemen naga jooga 250,000 oo qaxooti Soomaali ah oo mucaawimo ka helo hay’adda UNHCR. Immika xaaladdu dhinaca kale ayay iska rogtay oo waxa annaga nagu waajib ah inaanu soo dhawayno iyaga (Yemeniyiinta), waayo, way na soo dhaweeyeen markii aanu baahnayn, waxay dadkayaga u oggolaadeen inay dalkooda joogaan. Sidaa awgeed, annaguna waanu soo dhawaynaynaa dadkooda,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka khaarajiga ee Soomaaliya oo shalay u warramayey wakaaladda wararka ee AP.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, waxa uu sheegay in cabsidaasi meesha ka saarto abaal-gud ay Yemen ku leeyihiin dhiggooda Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Laakiin, dhibaatada jirtaa waxay tahay, ma kala garan-karno cidda ay yihiin dadka soo laabanaya. Waxa dhici karta inay soo laabtaan Soomaali ay soo tabobareen kooxaha xag-jirka ahi. Waxa dhici karta inay la socdaan oo soo raacaan shakhsiyaad reer Yemen ah oo aaminsan fekerka Daacish iyo Al-Qaacida, taasina waa caqabad weyn oo meesha ka saari karta horumarka aanu ka samaynay la-dagaalanka kooxaha Xag-jirka ah iyo sidoo kale Abaal-gudkii aanu siin lahayn shacabka reer Yemen.”
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo horaantii bishan la hadlay warbaahinta gudaha iyo dibadda, ayaa sheegay inay dowlad ahaan soo dhawaynayaan Qaxoontiga Yemen, balse waxa uu iftiimiyey inay la socdaan isla markaana ciidammada ammaanku diyaar u yihiin xakamaynta dhaq-dhaqaaqyo ammaan-darro oo lagu arko inay weheliyaan Qaxoontiga Yemen ee dalkooda uga soo cararaya dagaallada ka socda.
mxMd Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay in qaxootiga reer Yemen culays ku soo kordhinayo Somaliland oo ay hore u joogeen qaxoonti u kala dhashay dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, balse ay qorsheeyeen sidii ay beesha caalamka ugu bandhigi lahaayeen taageero dhaqaale oo ay helaan qaxootiga Yemen.
Maxamed Biixi oo horaantii bishan ka hadlay arrintan, waxa uu yidhi, “Waxa aannu filaynaa in qaxooti gaadhaya ilaa lab kun oo ka socda dalka Yemen ay soo gaadhaan Somaliland, taasina waxay noqon doontaa mid culayskeeda ah oo caqabad ah. Waxa aannu hore u haynay qaxoonti badan oo Itoobiyaan ah, qaar Soomaaliya ka soo yaacay iyo dad gudaha dalka ku baro-kacay, laakiin waxa aannu rajaynaynaa in beesha caalamku u timaad oo ay nagala shaqayso sidii loo badbaadin lahaa qaxootiga Yemen ee u soo qaxaya dhinaca Somaliland.”
Wasiir Maxamed Biixi waxa uu sidoo kale sheegay in dawladda Somaliland si dhaw ula socoto arrimaha khuseeya ammaanka si looga hortago in dad argagixiso ah ku soo dhex dhuuntaan qaxootiga Yemen, waxaanu yidhi, “Waxa aannu leenahay ciidan iyo hay’addo baadhaya qaxootiga Yemen, waxaanan diyaarinaynaa qorshayaal degdeg ah oo arrimahaas la xidhiidha, markaa iyadoo aannu soo dhaweynayno dadka qaxootiga ah ee Yemen, haddana waa in aannu feejignaano, isla markaana hubino in aanay xubno ama kooxo xag-jir ah noogu soo dhex dhuuman, annagoo si haboon oo sax ah u baadhayna, una kala hubinayna cidda qaxooti ah iyo cidda kale ee dhib doonaysa.”
Kumanaan Qaxooti ka soo cararay dagaallada dalka Yemen oo isugu jira Soomaali iyo Carab, ayaa todobaadyadii u dambeeyey soo gaadhay dekedda magaalada Berbera, halkaas oo si diirran ay ugu qaabishay xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan taakuleynta dadka qaxoontiga ah. Dadka qaxootiga ah ayaa goobo loogu talo-galay oo gar-gaarka iyo taakuleyn loogu fidiyo laga dejiyey magaalada Berbera.
Dekedda Berbera waxa ka hawl-gala oo kala hubinaya dadka qaxoontiga ah Ciidamo ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliland oo hubinaya dadka qaxoontiga ah ka hor inta aan loo gudbin Goobaha loogu talo-galay marti-gelinta dadka qaxootiga ah.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment