Oslo, 26 April, 2015 (Himilo)- Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Federaalka Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafaw Maxamuud, ayaa ka hadlay Nin la yidhaahdo Cumar Jaamac Faarax oo sheegay inuu Baasaabboorka Somaliland ku tegay dalka Soomaaliya, isla markaana dhibaatooyin loogu geystay Baasaabboorka awgii sida uu ku dooday. Hase-yeeshee General Gaafaw waxa uu ku dooday in arrintaas oo wakhti hore ahayd waxa hadda Cumar u keenay inay la xidhiidho arrimo siyaasadeed, iyaguna aanay wax siyaasad ah shaqo ku lahayn ee ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo socdaalka oo keliya.

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ka jawaabaya su’aashaas waxa uu yidhi; “Waan arkay anigu warka uu qoray, ninka ay is-arkeen ee loo keenayna aniga weeye, Cumar waxaan u malaynayaa nin fidmo-abuur ah ama dadka raba inay Soomaalidu iska wada hor-timaaddo inuu yahay, sababta oo ah sideedaba qof Somaliland ka yimi, qof Puntland ka yimi, qof Kismaayo ka yimi iyo qof Ceel-buur ka yimi midnaba Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho midnaba Baasaabboor laguma weydiiyo, lagalamana sheekaysto, lagumana qasbo maxaad Baasaabboor u soo qaadan wayday, sababta oo ah maba aha inaannu annagu qof dalkiisii yimi aannu nidhaahno Baasaabboor keen.”

“Cumar Jaamac waxa uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde, wuxu u tegay Wiilasha dadka soo dega la kulma, wuxu u dhiibay Baasaabboorka Somaliland, muxuu yahay bay yidhaahdeen; wuxu yidhi; ‘Waa Baasaabboor Somaliland, waa la aqoonsan yahay ma annagaa naquudhsanaysaan.’ Si edeb iyo akhlaaqi ku jirto waxay u yidhaahdeen; ‘Adeer Baasaabboor-ba lagaama rabo’ wuxu yidhi; ‘Ma annagaa na quudhsanaysaan, waa Baasaabboor la aqoonsan yahay,’ waxay u keeneen Wiilashu Ninka Garoonka ka madaxda ah; ‘Wuxu ku yidhi Baasaabboor lagaama rabo Muwaaddin dalkiisii yimi baad tahay, cid kugu xidhaysa Baasaabboor ma jirto ee dalkaaga meeshaad doonto ka gal’. Wuu diiday waxa uu yidhi; ‘Ma yeelayo Baasaabboorka Somaliland waa mid la aqoonsan yahay oo dunida oo dhan laga ictiraafsan yahay mana diidi kartaan inaad dal ku galkiisa ii samaysaan’.” Sdaa ayuu yidih Gaafaw.
Waxaanu intaas ku sii daray; “Qolada Nabad-sugidda ayaa noo dhaxaysay oo ku yidhi; ‘Adeer cid baasaabboor kaa rabtaa ma jirto, Madaarkana qasab kuma lihid’. Waan wacay qolada Nabad-sugidda ee keena baan ku idhi; ka dib waan waraystay sidaas oo kale ayuu igu yidhi. ‘Adeer waad khaldantay’ baan ku idhi, Baasaabboorka anigaa gacanta ku haya, Baasaabboor kala fuqsan weeye oo aanay sawirka iyo bacdu xataa isku dhegsanayn, laakiin annaga maaddaama oo uu Nin Soomaali ah yahay mabaannaan tix-raacin inuu Baasaabboorku faalso yahay, ee haddaannu xumaynayno intaannu qabanno oo Somaliland wacno ayaannu dhihi lahayn Ninkaas ma garanaysaan, isagana dhibaato ayay ku noqon lahayd.”
General Gaafaw waxa uu ku dooday in xilliga dhacdadaasi dhacday wakhti hore ahayd, isla markaana sababta hadda soo celisay in Cumar ka hadlo ay la xidhiidho arrimo siyaasadeed sida uu u arko, waxaanu yidhi; “Wakhti hore ayay ahayd, hadda waxa warka soo celiyeyna waxaan filayaa inay arrimo siyaasadeed wax ku lug leh ay tahay. Laakiin, annaga nama khusaynayso, namana taabanayso, dadka reer Somaliland ee aan ehelka nahayna wixii aannu u qaban jirnay wixii wanaag ahaa ee hadday dalka imanayaan iyo hadday ka baxayaan qof wuxu rabo naga waayaya malaha. Afka Cumar-na waxba naga beddeli maayaan, waxaannu isu haynaa dadka Somaliland wanaag iyo walaalnimo. Sidaan hore u sheegayna Annagu siyaasad kama shaqayno, nabadgelyo iyo socdaal baan ka shaqaynaa, waana ka sii wada shaqayn doonnaa, wakhtigii Xajka sannadkii hore saddex kun iyo toddoba boqol baannu Baasaabboorka siinnay, haddana waa siinaynaa.”
Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Cabdillaahi Gaafaw Maxamuud waxa uu sheegay inaanu waxba ka beddeli doonin hadalka Cumar Jaamac Faarax, waxaanu yidhi; “Markaa, inuu Cumar sidaas u hadlo oo wuxu rabo sheego waxay naga dhimayso malaha. Waxaan leeyahay Cumar maanka ha geliyo in Somaliland iyo Soomaaliya qof hadal uu yidhi isku dagaalayaan ama isku xumaynayaan way ka weyn yihiin, haddii uu Cumar Siyaasad watana dee siyaasaddu Madaxweyne ayay leedahay, Wasiirro ayay leedahay halla doonto, laakiin annaga oo aan siyaasad shaqo ku lahayn oo nabadgelyo ka shaqayna dadka yaanu nagu dirin, qof Somaliland ka yimina waxa uu nooga baahan yahay ee nabadgelyo iyo arrimo bulsho ku saabsan nagama waayi karo.”
“Ma dhici karto oo isu-socodka dadku ma is-taagi karo, maalin kasta intaas oo diyaaradood baa yimaadda Muqdisho oo Somaliland ka yimaadda, intaas oo qof oo Baabuur ku timaadda ayaa jira, toddoba sano ayaan fadhiyey Xafiiska Laanta Socdaalka, weli ma arag qof Somaliland ka yimi oo dhibaato ka sheeganaya Muqdisho, mana arki doonno.” Sidaa ayuu yidhi Gaafaw oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in isu-socodku istaagi karo iyo in kale.
Mar uu General Gaafaw ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa shuruudaha ah ee qofka Hargeysa ka imanayaa ku soo telo-galayo marka uu Muqdisho tegayo ama Muqdisho ka soo baxayo, waxa uu yidhi; “Qofka Somaliland ka imanaya ama tegayaa, wax allaala wax uu ku soo talo-galayo oo qawaaniin ah oo sharci ah oo ka yaallaa ma jirto. Diyaaradda uu rabo ayuu soo raaci karaa, wakhtiga uu rabo ayuu soo degi karaa, wakhtiga uu rabo ayuu bixi karaa, markuu baxaayo cidi weydiin mayso markuu soo galaayana cidi weydiin mayso, sidaas baannu ku wadnaa, Ummaddu way ka war-qabtaa, dawladda Somaliland-na way ka warqabtaa.”
“Xaggaas maxaa ka jirana annaga shaqadayada maaha, xaggaa waxa ka jira dad Masuuliyiin ah baa jooga, dad maamul yaqaannaa jooga, dad nabad-qabaa jooga, iyagaa yaqaanna siday nabaddooda u wadanayaan. Laakiin, magaalada Muqdisho ma Hargeysa ayaad ka timi, ma Berbera ayaad ka timi, ma Burco ayaad ka timi, ma Boosaaso ayaad ka timi, ma Gaalkacyo ayaad ka timi, ma Garoowe ayaad ka timi, ma Kismaayo ayaad ka timi, ma Baydhabo ayaad ka timi, haba-yaraatee kama taagna oo cidna lagama laha Muqdisho.” Sidaa ayuu yidhi General Cabdillaahi Gaafaw Maxamuud oo jawaabta Su’aashaas sii watay. Waxaanu soo jeediyey inaanu wax macno ah samaynaynin hadalka Cumar Jaamac Faarax, isla markaana aanay habboonayn in la buunbuuniyo oo xiisad lagu abuuro dan gaar ah oo uu shaqsi gaar ahi ka leeyahay dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment